“Muuse Biixaw, Anigu Waxaan U Malaynayaa Magac-xumo iyo kursi la’aan Inay ku wada qabsan doonto.Illaahay ayaa bixiya Axmed Siilaanyo…”Xildh. Siciid Cilmi Rooble
Hargaysa 22.October 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay innuu aad uga naxsan yahay markii la tusay Murashaxa Madaxweynaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ku guul-daraystay tartanka doorashada madaxtooyada ee dhacaysa 2017-ka. Xildhibaanku wuxuu sheegay innuu xasuustay wakhti dheer iyo maalmo badan oo uu tuurta ku siday…
