Salaadiin iyo Cuqaal ka soo jeeda Gobolka Awdal oo Taageero u Muujiyay Musharaxiinta Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Baaqna u diray Gudoomiye Axmed Muumin Seed DAAWO

Boorama 23.October 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka Mid ah Salaadiinta Iyo Cuqaasha Gobolka Awdal ayaa Taageero Balaadhan u Muujiyey Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ee Shalay lagu Doortay Shirkii 1aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani. Salaadiinta Iyo Cuqaashan Gobolka Awdal Waxaa kale oo Baaq Waayeelnimo u Direen Gudoomiye Ku…

Read More

Xanuunno Ka Dillaacay Sanaag oo 76 Qof Soo Riday, Sababta Keentay, Dawo-yaraanta Jirta Iyo Baaq Masuuliyiinta

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):- Ugu yaraan 76 Qof oo isugu jira Dumar, Carruur, Rag waawayn iyo Dhalinyar, ayaa Xanuunnada Xundhurta iyo Shubanka ugu soo dhacay deegaanka Huluul oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, ka dib markii Abaar gobolka ka jirtaa sababtay Biyo la’aan, isla markaana ay cabbeen Biyo aan nadiif ahayn, cuneenna Hilibka…

Read More

”Anigu Waxaan Ka Tirsanahay Xisbiga Waddani Waxbana Kama Jiraan Wararka Sheegaya inaan ka Baxay” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa si adag u beeniyay inuu ka baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu ka mid yahay hoggaamiyayaashiisa siyaasadeed. Xildhibaan Siciid oo isagoo jooga dalka Imaaraadka Carabta, Telefoonka kula soo hadlay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu ka tirsanyahay xisbiga Waddani, balse uu kulamadii siyaasadeed ee…

Read More

Luuqadihii Adkaa ee Gudoomiye Muuse Biixi u adeegsaday Madaxweynayaashii Hore ee Somaliland & Dhaxalka Maanta ee Lagu Miisaami doono!! DAAWO

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi ayaa Mudo dheer Mucaaridad Xoogan kala Hor iman Jiray Xukuumadihii Talada Somaliland Isaga Kala Danbeeyay Sida C.raxmaan Tuur,Maxamed X.Ibraahin Cigaal,Daahir Rayaale Iyo Weliba Madaxweyne Siilaanyo oo Marar kala duwan ay Xurguf Siyaasadeed Soo Kala Dhex gashay.

Read More

Murashax C.raxmaan Cirro oo ka Fal Celiyey Eedayntii uu u Soo Jeediyey Gudoomiye Ku Xigeenkiisii Codka ka Waayay Shirkii Golaha Dhexe, & Nooca Saamaynta uu Xisbiga Ku Yeelan Karo !!! DAAWO

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):- Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa ka hadlay eedayn uu Gudoomiye ku Xigeenkiisa 1aad ee Xisbiga Waddani Mudane Axmed Muumin Seed u soo Jeediyey Taas oo uu ku Xidhiidhiyey inuu ka danbeeyay Qaabkii ay u dhacday Codayntii Shalay lagu kala Saaray isaga iyo Murashaxa Cusub…

Read More

Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga Waddani oo Badheedhihiisa ka dhiibtay Xiligii uu Xisbiga Waddani Ku Soo Biiray Kana Jawaabay Weedho kaga Yimid Gudoomiye Seed oo uu ka Guulaysatay DAAWO

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):- Murashaxa Jagada Madaxweyne Ku Xigeenka ee Lagu ansixiyey Shirkaas Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka dareen Celiyey weedho uu ku duray Gudoomiye Ku Xigeenka Shirka ka baxay oo sheegay inuu ku Cusub yahay Xisbiga hawl horena ka soo qaban hasa yeeshee Ambassador Maxamed Cali ayaa sheegay inuu ka mid yahay…

Read More

Muxuu Xisbiga Waddani u Kala Jeclaysatay Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbigaas? Ma Jiraa Halbeeg Xisbiyadu Ku Qiimeeyaan? & Dareen wadaaga Dhacdadii Waddani ee Shalay & Muuqaaladii Kulmiye DAAWO

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-   Sideedaba Siyaasadu malaha Saaxiib Joogto ah Balse waxay Leedahay dan Joogto ah, Waxay Siyaasi kasta Tustaa in Saaxiibkii ugu dhawaa ee uu lahaa ay ka fogayso, Waa Hab dhaqan Dunnida Caan ka ah,Waana Mid lagu arko Marar Kala Duwan Somaliland oo Weli Raad barad ku ah hannaanka Dimuquraadiyada iyo Axsaabta badan….

Read More

Xaraaradda Siyaasadeed Ee Xisbiyada Qaranka Oo Cirka Maraysa, KULMIYE Oo Madaxweynaha Ka Sugaya Xukuumaddii Uu Kaambaynka Ku Gali Lahaa Iyo Wasiirrada La Filayo In Seefta Madaxtooyadu Sahayan Doonto

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-   Wakhti xaraaradda siyaasadeed ee xisbiyada qaranku si weyn kor ugu kacday bilo koobanina innaga xigaan wakhtigii la filayay in ay dalka ka qabsoonto Doorashada Madaxtooyadu ayaa waxa isa soo taraya xogo rasmi ah oo tibaaxaya hadal hayn badan oo laga daremayo in ay ka taagan tahay gudaha xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE…

Read More

Xog Cusub: Somaliland oo Sheegtay In Aqoonsi ay Ka Hesho UK uu Suurto Galyahay Ka bixista EU-da Kadib

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-  Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in qorshaha Ingiriisku kaga baxay  EU-da uu yahay mid waxtar  u yeelan kara aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland ka  hesho UK. Sidaasna waxa daboolka ka qaaday Wasiirka Arrimaha dibadda Sacad Cali Shire.   Wargeyska caanka ah ee The Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa…

Read More

Xilka Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde Oo Dad Badani Ku Sifeeyeen Mid aan Gaadhsiisnayn Heerkii Balanqaad ee Gudoomiye Cirro & Awoodaha Hogaamiye Xirsi Xeerku u Jideeyay

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-  Qaar ka mid ah qodobada ugu waa weyn ee sharciyada Xeerka hogaanka sare ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, isla markaana waxay  qodobadan ay cadaynayaan waaji baadka masuul ee wakhti xaadirkan kala yihiin & Nooca Xil ee Xisbiga Waddani ay ka hayaan Gudoomiyaha Ku Meel gaadhka ah Mudane C.qaadir X.Ismaaciil Jirde…

Read More

Dawlada Imaaraadka Carabta oo Somaliland kala Hadashay Saldhig Milateri DHAGAYSO

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-  In dhawayd waxa magaalada Berbera ka socday dhaq-dhaqaaqyo caalami ah oo maalgashi, kuwaas oo diiradda lagu saarayay dekedda iyo garoonka diyaaradaha.   Hore waxa dawladda Somaliland heshiis maalgashi oo muddadiisu 30 sanno tahay ula gashay shirkadda DP-World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, taas oo uu ansixiyay golaha baarlamaanka ee Somaliland….

Read More

Murashax Jamaal Cali Xuseen Oo KULMIYE Ku Tilmaamay Mid Intii Uu Ku Fooganaa Burburinta UCID Uu Fadhataystay Xisbigii WADDANI,Kana Dareersaday Siyaasiyiin Miisaan Culus leh

Jamaal Oo Isgarbinta Axsaabta Kumasalay Tartan Orod Oo Kale,Oo Nin La Moodayo In Laga Badiyay Uu Soo Kaco Uu Kuwa Kale Dhaafo Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-  Warbixin Uu Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen soo dhigay Barta uu Bulshada kala xidhiidho ee Facebook-ga ayaa Waxa uu lafa-gur ku sameeyay halka ay iska matalaan…

Read More

Xog Waran Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Gudoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa Qoraa Jaamac Muuse Jaamac

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-  Jaamac Muuse Jaamac Waxa uu ka Mid yahay Qorayaasha Reer Somaliland ee doorka Muuqda ka Ciyaara Sidii Da’yarta loogu Guubaabin lahaa Akhriska iyo Qoraalka,Waxaa kale oo uu si weyn uga qayb qaataa dhiirigelinta Wax akhriska Taas oo Sababtay inuu Si Joogto ah Magaalada Hargaysa isaga Iyo Shakhsiyaad kale ay ugu qabtaan…

Read More

Xogo Dheeraad oo Laga Helay Diyaarad Nooca Wax Basaasa Ah Oo Maraykanku Leeyahay, oo Muddooyinkii Ugu Dambeeyeyna Gaaf-wareegta Goobo Hargeysa Ka Mida Wakhtiga Habeennimo Iyo Ujeedada Duulimaadkeeda

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-  Wargeyska Foore oo ka Mid ah Warsidayaasha ka soo baxa Magaalada hargaysa ayaa helay xogo lagu kalsoon yahay oo ku saabsan Diyaarad nooca wax Basaasto ah oo la sheegay inay ka mid tahay Diyaaradaha wax basaasa ee Milatariga Maraykanka,taasi oo bilihii u dambeeyay hawlgalo dhinaca basaasida ah ka waday Xaafado ka…

Read More

Dhacdo Cusub oo Somaliland ay Ku Mutaysatay Dhaleecayn Kuna Saabsan Haween Tacaddiyo Galmo Loogu Gaystay Xabsiga Gabiley

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-  Hay’adda Xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in Bishii la soo dhaafay ee sanadkan haween ku xidhan xabsiga Gabiley ay ka cawdeen xad-gudubyo dhinaca Galmada ah oo ay ku jirto Kufsi, Jidh-dil iyo Silcin ay kula kaceen ilaalada xabsigu. Haween iyagu ilaalada xabsiga ka mid ah oo soo weriyey dhacdadan…

Read More

Quwadaha Dalalka Adduunka Ee Haysta Gujiska Mikatari Ee Ugu Tiro Badan, Iyo Dalalka Islaamka Kuwa Haysta Gujiska Ugu Badan!

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-  Sida uu Toddobaadkan Baahiyey wargeyska wax ka qora quwadaha hubka ee adduunka ee loo yaqaano Global Fire Power, Dalka Maraykanka ayaa loo aqoonsaday kan ugu badan ee haysta Tirada Gujiska casriga ah ee ay isticmaalaan ciimada baddu halka dalka Turkigu ka noqday ka ugu badan ee haysta Gujiska dalalka Islaamka. Gujiska…

Read More

Shirka Waddani: ‘Hoggaamiye, Guddoomiye, Murrashax, Doorashada Ina Jirde, Fiiradda Kulmiye Iyo Fooridda Khamaarka Siyaasadeed Ee Cirro

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):- Inkastoo jararraaca iyo aargoosiga loollanka Siyaasaddu yahay mid filashadiisa leh, haddana reer Waddani waxay ku jireen bishan maalmo farxad iyo faan ay ugu dabbaal-degayaan dhalashada wejiga cusub ee ay yeesheen. Waxay ku jiraan maalmo ay isbeejinayaan oo ay ku qanacsan yihiin cududdooda, geesta kalena ay la tacaalayaan yaraynta khasaaraha siyaasadeed ee…

Read More

Dal Ka Mid Ah Dalalka Afrika Oo Laga Furay Xarun Caafimaad Oo Lagu Daweeyo Dadka Sida Xun U Qabatimay Internet-ka

Aljeeriya 23.October 2016 (SDN/QJ):-  Dalka Aljeeriya (Algeria) oo ku yaal woqooyiga Afrika, ayaa laga furay cusbitaal lagu daweeyo dadka sida xun u qabatimay isticmaalka internet-ka, kaasoo noqday goobtii caafimaad ee ugu horreysay ee qaaradda laga sameeyo, looguna talogalay in lagu daweeyo dadka aadka u jecel internet-ka. Sida lagu baahiyey telefishanka Al-jazeera oo Maankaab soo xigtay,…

Read More