Somalida ku dhaqan Xaafada Islii ee Nairobi oo Isu soo bax ku Muujiyay Nacaybka ay u hayaan Argagixisada DAAWO

    Nairobi 05.April 2015 (SDN/QJ)- Weerarkii Kooxda Alshabaab ay ka gaysatay Jaamacada Gaarisa oo galaaftay Nolosha in Ku dhow 150 arday oo Masiixiyiin ah Waxa loo arkaa nacayb lagu sii kala fogaynayo Muslimiinta Kenya iyo Shucuubta kale ee Kiristaanka ah isla markaana dhexdooda looga dhigayo kuwo Cadaawad isu haya. Somali badan oo ku nool magaalada Nairobi…

    Read More

      Kulmiye oo Olole Kaambayn ka Wada Gobolada iyo Warbaahinta oo laga hor joogsaday inay Tebiyaan dad ka soo horjeeda Ololaha DAAWO

      Burco 05.April 2015 (SDN/QJ)- Mas’uuliyiinta Xisbiga Talada haya ee Kulmiye oo socdaal ku maraya gobolada dalka ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyey Xarunta gobolka Togdheer ee Burco. Qaybo ka mid ah Shacabka Magaaalada Burco ayaa ka soo hor jeestay ololaha Xisbul Xaakumka kulmiye ku marayo Gobolka Togdheer hasa yeeshee Saxaafada Madaxa bannaan ayaa ku…

      Read More

        “Kooxda Xiddigaha la yidhaahdo dhamaantood waanu soo dhaweynaynaa, laakiin waa laga yaabaa inaanu joojino mid magacooda si khaldan u isticmaalay,”Wasiir Cukuse

        Hargeysa:April,05,2015(SDN/QJ)-Kadib Warar soo baxayey  oo sheegayey in Wasiir Cukuse Telefishanka Qaranka ka Joojiyey Heesaha uu Hal Abuuray Abwaan Laab saalax, ayuu wasiirku maanta markii ugu horraysay Arrintaas ka Hadlay, waxana uu tilmaamay inaanay jirin heeso waddani ah ee la joojiyey. Wasiir Cukuse oo munaasibad uu ka Hadlayey arrintan ku xusay, ayaa sheegay inaanay jirin gebi…

        Read More

          “Siidii uu markii horeba wasiirka Duulistu Lacagta u boobi jirey ,ayuu u boobayaaa oo dadkii ayuu lacago cusub kusoo rogayaa,”Xil. Xoog

          Hargeysa:April,05,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog  oo ka tirsan Mudanayaasha Aqalka Golaha Wakiillada ugu jira Xisbiga Waddani, ayaa dhaleeceyey Xeerka Duulista Hawada oo maalmahan horyaalla Aqalka Golaha Wakiillada. Mudane Xoog oo maanta saxaafadda la Hadlay, ayaa sheegay in xeerkaasi yahay mid lacago lagu lunsanayo, waxana uu ka digay in la isku dayo in la ansixiyo. Xildhibaanku waxa uu…

          Read More

            Xisbiga Waddani Oo Dhaleecayn Kulul Dusha Ka Saaray Ha’yad Baadhis Ku Samayn Doonta Gaadiidka Dalka Imanaya Oo Xukuumaddu Dad Gaar ah Ku Naas nuujinayso

            Hargeysa:April,05,2015(SDN/QJ)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa si kulul u dhaleeceeyey mashruuc ay xukuumaddu dhawaan kusoo rogtay Gaadiidka waddanka kasoo degaya, kaas oo lacago aan hore waddanka uga jiri jirin la dul dhigay gaadiidka. Xoghayaha warfaafinta Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (boobe)oo warbaahinta u akhriyey warsaxaafadeed kooban oo ay arrintaas ku dhaleecaynayaan, ayaa sheegay in mashruucaasi…

            Read More

              Xubintii Ugu Sarraysay Haweenka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer Oo Iscasishay Iyo Sharraxaad ay Sababta Ka Bixisay

              Burco:April,05,2015(SDN/QJ)-Waxa soo baxay in Guddoomiyihii Garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye u qaabilsanaa Gobolka Togdheer Marwo Nasra Maxamed Yuusuf(Nasra Qalayax) ay xilkii iska casishay. Marwo Nasra oo la Hadashay TV-ga Hctv, ayaa caddaysay inay Xilkaas iska casishay, waxana ay sababta ku sheegtay farogelin ay dib ka faahfaahin doonto oo xagga madaxtooyada kaga timi, “Anigoo ah gudoomiyihii…

              Read More

                “Xilalka qaranka ee la magacaabayo meelana waa lagu tuulay, meelana waxad mooddaa inaanay dalkaba xuquuq ku lahayn, qabiilkuna nina waxba siin maayo, laakiin umaddu waxay u baahan tahay in sawirka inay ka wada muuqato……..” Cabdilaahi Jawaan

                Hargeysa:April,05,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyihii Hore ee Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdilaahi Jawaan, ayaa Ka Hadlay caddaalad-darrada ragaadisay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo sida uu u lumay nidaamkii dimuqraadiyadeed ee waddanku. Cabdilaahi Jawaan uu u warramay TV-ga Universal, ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo intii ay joogtay dhisamayaal ka fulisay meelo badan dalka ah, balse ay meesha ka baxday hannaankii…

                Read More

                  “Waxaanu ku baaqaynaa in Qoxootiga Soomaaliyeed laga raro Dhadhaab” Hogaamiyeyaasha Siyaasada Somalida Kenya

                  Nairobi 05.April 2015 (SDN/QJ)- Hoggaamiyeyaasha siyaasadda gobolka ay Soomaalidu ka degto dalka Kenya ayaa weydiistay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta in qoxootiga Soomaaliyeed laga raro dalka Kenya, kaddib markii ay sheegeen in xeryaha Dhadhaab ee ay Qoxootigu ku deggen yihiin ay noqdeen goobaha laga soo abaabulo weerarrada Al-shabaab ka geysanayso gudaha Kenya.   Xubnaha codsigan jeediyay…

                  Read More

                    Shir ballaadhan oo uga qabsoomay caasimadda dalka Ingiriiska ee London jaalliyadda Daa,uud Ismaciil (Ciidagale) ee deggen dalka Ingiriiska iyo qodobbo muhiim ah oo ka soo baxay

                    London April 04,2015(SDN/QJ)-Waxaa shir uga qabsoomay jaalliyadda beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale) ee deggen dalka Ingiriiska caasimaddiisa London dabayaaqadii bishii saddexaad ee sannadkan aynu ku jirno 2015,shirkaas oo dabasocday shirar hore magacooduna yahay BARKHADLE oo si meeqaam sare ah ay u soo abaabushay guddida beesha gaarahaan garabka haweenka. Waxaanay beeshu kaga wada tashanaysay arrimo badan oo…

                    Read More

                    Goolashii Ugu Quruxda Badnaa ee Boqorkii Kubadda cagta Aduunka (PELE) Iyo Farsamooyinka Ku Kala Duwanyihiin(Pele vs Neymar,Maradona vs Messi) DAAWO) By Jaahuur.

                    Qurbejoog.com-Apr-04-2015 (SDN/QJ) Asxaabtay qubanaheena ciyaaraha waxaynu manta ku deymooneynaa 20-kii gool ee ugu cajiibsanaa ee uu ku bashaaley Boqorka kubadda cagta aduunka Pele iyo hab ciyaareedka ku kala duwan yihiin Neymar,Pele iyo Maradona,Messi daawasho wacan.

                    Read More

                      Xisbiga Ucid Laantiisa Uk oo soo dhawayn u Sameyey Gudoomiyaha Qaarada Yurub Marwo Saynab Xaaji Gaydh

                      Londo04April15(SDN/QJ) Xisbiga ucid laantiisa Uk ayaa soo dhawayn balaran u sameyey Marwo saynab Xaaji Gaydh Gudoomiyiaha Qarada Yurub oo socdaal ku maqnayd kulnkan oo ka soo qayb galeen dhamaan garabyada Xisbiga ee uk garabka haweenka dhalinyarada iyo xoghayaha arimaha dibada ,kulankan ayaa marwo Saynab uga xogwarantay booqasho ay ku tagtay Somaliland iyo Xaalada Siyaasadeed ee…

                      Read More

                        “Anagu halkan kuma hayno Dad dhimirka wax ka qaba, taasina waa ceeb, waana in xildhibaanka ka sokow qof shakhsiyadiisa La Ixtiraamaa…” Ku-xigeenka Golaha Guurtida

                        Hargeysa:April,04,2015(SDN/QJ)-Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa markii ugu horraysay Jawaab adag ka Bixiyey Dhaliilo golahooda ay dhawaan dusha ka saareen Hogaanka Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranku. Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golahaas Siciid Jaamac Cabdi oo maanta saxaafadda la Hadlay, ayaa sheegay inay Odayaasha Madasha Ixtiraam u hayaan, isla-markaana iyaga qudhooda looga Baahan yahay inay ixtiraam sameeyaan. Siciid…

                        Read More

                          “Xagga da’da aniga iyo madaxweynaha farqi baa noo dhexeeya, Aniga xanuunna ima hayo, Da’ aad u weynina ima hayso, markaa waxan isleeyahay…” Guddoomiye Cirro

                          Hargeysa:April,04,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa Markii ugu horraysay Doodda ka taagan Da’da Madaxweyne Siilaanyo oo dadka qaarkii tilmaamaan inuu gaadhay xilligii uu dalka hoggaamin lahaa. Guddoomiye Cirro oo u warramayey Hadwanaagnews, ayaa ugu horrayn tilmaamay inuu madaxweynuhu muujiyey inay ka go’an tahay qabashada doorashadu, balse…

                          Read More