‘’Wixii aad Qarsataaba way ku Qarsadaan Edo” Fannaanada Caanka ah ee Khadra Daahir oo Ka Sheekaysay Jacayl Saamayn ku Yeeshay Nafteeda Iyo Dardaaranka Wakhtiga DAAWO

    Hargaysa 15.Dec 2015 (SDN/QJ):-Fanaanada caanka ah ee Khadra Daahir Cige ayaa si qoto dheer uga sheekaysay jacaylka iyo waliba sida uu nafteeda u saameeyay , waxaanay sidoo kale fariin u diray haweeenka wax jecel kuwaas oo ay ku boorisay inay cadaystaan jacaylka iyadoo ugu maahmaahday maahmaahda somaliyeed ee ah “Wixii aad qarsataaba way ku qarsadaan”…

    Read More

      Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Sheegay in Xukuumadda Siilaanyo Lagu Sawiray Musuq Maasuq Lagana Yaabo in Bisha April la Joojiyo Mucaawinooyinka DAAWO

      Hargaysa 15.Dec 2015 (SDN/QJ):-Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dawladda Somaliland ee uu Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo lagu sawiray inay tahay dawlad musuq oo kharaab ah, taas oo laga dhaadhiciyay beesha caalamka oo iyana ay suurtogal ka tahay inay tallaabooyin qaadaan horaanta sannadkan. Faysal oo shalay u waramay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Star TV,…

      Read More

        Qisada Ninkii Mahdiga Sheegtay ee Ciidankiisu Xaramka qabsadeen iyo Dagaalkii lagaga xoreeyey Waa Qallinkii kamaal A. Cal

        Riyadh 15.Dec 2015 (SDN/QJ):-Juhaymaan Bin Muxammed Bin Sayf Al Cutaybii, waxa uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada qaranka ee dalka Sucuudiga oo uu ka mid ahaa muddo 18 sano ah, muddadaas oo uu mar ka mid ahaa ilaalada boqorkii dhowaan geeriyooday ee dalka Sucuudiga boqor Cabdalla bin Cabdalcasiis, oo xilligaas aan boqor ahayn balse…

        Read More

          Siyaasiyiinta Deegaanada Somaliland Kasoo Jeeda Oo Shirkii Muqdisho Lagu Cunsuriyadeeyay Iyagoona Ka Dhex kacay Shirka DAAWO

          Muqdisho,2015Dec,015(QJ/SDN)-Shir maalinkii shalay ee taariikhdu ahayd 13kii bishan uga furmay madaxda maamullada Soomaaliya iyo dowladda Federaalka kaas oo lagaga hadlaayay doorashooyinka lagu wado inay soomaaliya ka qabsoomaan sannadka 2016ka ayaa waxa ka dhex kacay oo kasoo horjeestay xildhibaanno kasoo jeeda deegaanada Somaliland kuwaas oo sheegay in aan loo dhammeyn shirkan isla markaana ay meesha caddaalad…

          Read More

            Ururka Samafalka ee Tabale7 iyo hawlwadeenada ururka ee Casimada Somaliland ee Hargaysa iyo Gobolada oo dhan waxay hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u dirayaan Wariye Xamse Axmed Salaan oo ka qalin jabiyeyey Jamacad ku tala wadanka Uk ,

            Ururka Samafalka ee Tabale7  iyo hawlwadeenada ururka ee  Casimada Somaliland ee Hargaysa iyo Gobolada oo dhan  waxay hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u dirayaan Wariye Xamse Axmed Salaan oo ka qalin jabiyeyey Jamacad ku tala wadanka Uk , waxay leyahiin Hambalyo Hambalyo in ilahay Cilmigaas uu bartay ku Anfaco hadanu nahay bahada qurbejoog anaguna…

            Read More

              Ogaaysiis dhaamaan Jaaliiyada ku dhaqan Uk ee ku hadasha afka Soomaliga ka soo qayb gashaan Daah Furka Jaamacada Toon University hospital

              Waxaala ogaysinayaa dhamaan dadwaynaha ku Dhuqan Uk  magalada London UK in  sanadka cusub 2016 lagu soo bandhigi doonaa daahfur loogu talo galay in lagu shaaciyo Dhismaha Jaamacadda/Hospital iyo cilmibaadhista ee ee Toon University hospital and research center, Mashruucan oo mashruucii ugu waynaa ee noocissa ah ama Jamacaddii ugu horeeysay ee nooceeda ah ee laga dhiso…

              Read More

                Wadahadalada Somaliya iyo Somaliland waxyaabo xal loogu helikaro

                Si natiijo wanaagsan looga gaadho wadahadalada midhodhalka noqon waayay waxaa haboon in la ogaado mawqifyada labada dhinac kala taagan yihiin siyaasiyiinta labada dhinac ee Somaliand iyo Somalia: Ø  Siyaasiyiinta reer konfutu waxay aaminsanyihiin In dadka degan S/land badankoodu Midnimada ogolyihiin lakiin siyaasiyiinta waqoyigu hortaaganyihiin. Waxaase cad in siyaasiyiinta konfortu aanay diyaar u ahayn inay soo…

                Read More

                  DHALINYAROOY, WAA MAXAY DIRSOOCANI QO’LO QO’LADAN JOOGTAA?

                  BISMILAAH— waagii dilaacaba  nabarbaa i damqanayoo dhegi waxa ay diidaa  maqalkay ku duxayee waa maxay dakaankiyo  dudmadiyo afbuurkiyo erayada diiciifkee foodlaydu diidee cirrowgeenu doorbiday? Mahad eebe ka dib, waxaa igu kalifay inaan maqaalkan isaga ah qoro, markaan arkay halka manta bulshadu marayso iyo sida bulshadeenii ugu milmeen cudurka qabyalada qudhunka ah iyo fikirka maangaabka ah,…

                  Read More

                    OGEYSIIS MUHIIM AH

                    Waxaa la ogaysiinayaa shacab weynaha reer Somaliland ee ku dhaqan cariga UK inay si mug iyo miisaanle uga soo qayb galaan xafled balaadhan oo loogu talo galay mushruuca dhismaha Wadada Cad. Xafladan oo isugu jirta warbixin iyo dhaqaale ururin waxaa inoogu martiya (via teleconference) gudoomiya gudida dhismaha Wadada Cad Md Cali Ibraahim Maxamed(Cali Sanyare). Wixii…

                    Read More

                      DIB U HABAYNTA CADAALADA IYO DADAALKA GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE WAXA CAQABADAHA HORTAAGAN KA MID AH XAFIISKA XEER ILAALINTA OO AAN DIYAAR U AHAYN REFORM IYO CASRIYAYN.

                      Waxa dhamaanteen hadaynu bulshada reer Somaliland nahay aynu aad uugu diirsanay isbadalada iyo dadaalka uu muujiyay gudoomiyaha maxkamada sare Qaryaqaan Aden haji cali,balse waxa dadaalkiisa ku gadaaman caqabo fara badan waxana caqabadaa ka mid ah xafiiska xeer ilaalinta iyo xeer ilaaliyaha guud oo ah dadkii nidaamkii hore ku ababay ayna ku dag tahay  casriyaynta iyo…

                      Read More

                        10 -ka Jaamacadood ee ugu Sareeya Jaamacadaha Ruushka ayaa ogolaaday in Ardeyda reer Somaliland ay dalka Ruushka wax ka bartaan iyaga oo isticmaalaya Passporka Somaliland

                        Waxaa farxad weyn oo Ardeyda reer Somaliland u soo hoyatay ah in Dalka Qadiimka ah ee ruushku uu u ogolaaday in dalkooda ay Vise ardeynimo ah ku soo galaan oo wax ka bartaan Ardeyda reer Somaliland iyaga oo isticmaalaaya passporka Somaliland. Fadlan maqaalkan hoose websideyada noo geliya oo sii fidiya. Tusan iyo Tixgelin Tebiye: A/rahman fidhinle UK…

                        Read More

                          Al-Shabaab Oo Markii Ugu Horreysay Soo Bandhigtay Muuqaalka Dhabta Ee Hoggaamiyahoodii Dhanka Ciidamada Ee Maraykanku Dilay DAAWO

                          Muqdisho,14Dec,015(QJ/SDN)-Warbaahinta Ururka Al-shabaab, ayaa markii u horeysay soo bandhigtay Sawirka dhabta ah ee hoggaamiyihii dhanka Ciidammada iyo dagaalka ee Al-shabaab Aadan Xaashi Faarax (Ceyrow). Aadan Xaashi Ceyrow oo Al-shabaab gudaheeda looga yaqaanay Sheekh Cabdillaahi Sahal al-ansaari, ayaa ku dhintay Gantaal Ciidammada Maraykanku ku rideen guri uu kaga sugnaa deegaanka Dhuusa-mareeb ee Gobolka Gal-gudud ee Soomaaliya….

                          Read More

                            ”Haddii Uu Inanku Ummadda Islaamka U Hiiliyay Miyuu Innoo Hiiliyay Mise Waxbuu Innoo Dhimay..?, Sheekh Aadan Sunne Oo Ka Hadlay Xadhiga Abwaan Cabdiwaaxid

                            Hargeysa,14Dec,2015(QJ/SDN)-Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid Oo Ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa waxa uu maalinkii lixaad ku xidhanyahay xabsiga magaalada Hargeysa, iyadoona xadhiga abwaanka loo aanaynayo maanso uu ka tiriyay weerarkii dowladda Islaamku ay ku qaadday magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska. Sheekh Aad Caburraxmaan Warsame (Sunne), oo ka mid ah…

                            Read More

                              Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Shirka Jabuuti Uga Socda Soomaaliya iyo Booqashadii Madaxweyne Siilaanyo Ee Xarumaha Garsoorka DAAWO

                              Hargeysa,14Dec,2015(QJ/SDN)-Eng Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga Ucid, ayaa shirka wadatashiga hiigsiga 2016-ka ee Somalia uga furmay Jabuuti ku eedeeyay in Niman Khaatumo aaminsani dabada ka riixayaan. Waxa uu meesha ka saaray rajada Somalia qabto ee ah in Somaliland iyo Somalia mar kale isku soo noqdaan, sameeyaana midnimo. Guddoomiyaha Ucid, wuxuu ku dooday in midnimadii Somalia…

                              Read More

                                “Somaliland Badbaado ayay u baahan tahay,Aniga Iyo Suldaan Cumarba Hadii Xukuumaddu Faraha dhigi weydo Waxbaanu sheegi” Suldaan Xiirey DAAWO

                                Hargaysa 14.Dec 2015 (SDN/QJ):- Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo ah Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Isla markaana lagu Tirin Jiray Shakhsi u Xagliya Xukuumadda Talada haysa ayaa Markii u horaysay Sheegay in Somaliland u baahan tahay Badbaado,Waxaa kale oo uu Xusay inuu bedka soo dhigi doono Siro uu Sida uu sheegay ka hayo Maamulka Madaxweyne Siilaanyo. https://www.youtube.com/watch?v=uP8Wu2BzRRE

                                Read More

                                  Gudoomiye Muuse Biixi Maxaa ka raacay Dagaalkii Dhaboolaq ee Xiligii Halgankii SNM DAAWO

                                  Hargaysa 14.Dec 2015 (SDN/QJ):- Mujaahid Baashe Cabdi Godane oo ka Mid ahaa Halgamayaashii Ururkii SNM ayaa soo Qufay Siro uu Sheegay inuu ka hayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaasi ugu tartami doona Doorashooyinka Madaxtinimo ee la filayo inay Somaliland ka qabsoomaaan Horaanta Sannadka 2017. https://www.youtube.com/watch?v=248DZxkexT4 Sidoo kale Mujaahid Ooto Biixi ayaa…

                                  Read More

                                    Tafiirtii uu Ka Tegay General Maxamed Caynaanshe Guuleed oo Siyaad Barre Dil ku fuliyey oo Magaalada Burco Si diiran loogu soo dhaweeyay DAAWO

                                    Burco 14.Dec 2015 (SDN/QJ):- Laba nin oo aqoon yahano ah Isla markaana ah Tafiirtii uu ka tegay alle ha u naxariistee Generaal Maxamed Caynaanshe Guuleed oo Kacaankii Siyaad bare ku fuliyey Toogashadii u horaysay ee uu sameeyay markii uu inqilaabka ku qabsaday dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Somalia ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay…

                                    Read More

                                      ‘’Isha Cali U Fiirsada Dhawaan Fiintu Way Orinne,’’ Gabaygii Abwaan Cabdiwaaxid Xabsiga Loogu Taxaabay DAAWO

                                      Hargeysa,13Dec,2015(QJ/SDN)-Ciidammada Ammaanka Somaliland, ayaa xidhay Abwaanka da’da yar ee Cabdiwaaxid Gamadiid, ka dib markii uu Maanso uu soo saaray ku taageeray weerarkii Dowladda Islaamka Ee Daacish bishii hore ku qaaddey Magaalada Paris ee Caasimadda Dalka Faransiiska. Abwaan Cabdiwaaxid Gama’diid, oo Maalintii lixaad ku xidhan Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, ayaa loo xidhay inuu Maanso ku…

                                      Read More