Daawo Baraamijka SHAFI IYO XULSHADA XAGUU U SOCDAA XISBIGA KULMIYE daawasho wacan
London29oct15(sdn/qj)Daawo Baraamijka SHAFI IYO XULSHADA XAGUU U SOCDAA XISBIGA KULMIYE daawasho wacan.

qurbejoog
London29oct15(sdn/qj)Daawo Baraamijka SHAFI IYO XULSHADA XAGUU U SOCDAA XISBIGA KULMIYE daawasho wacan.
Ottawa Oct 28,2015(SDN/QJ)-Tiknoolojiyada ay caruurtu isticmaalaan khatarteeda ayay leedahay hadaanay caruurtu si taxadar ku jiro u isticmaalin. Waalidku waa in ay caruurta yaryar ka war hayaan sida ay u isticmaalayaan aaladaha kala duwan ee ay u iibiyaan. Barmaamijkan waxa aan ku falanqayn doonaa khatarta ka iman karta hadaan waalidku ku foojignayn khatarta ka iman karta…
Hargeysa,28Oct,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa maanta muddo dheer kaddib booqday xaruntii xisbigiisa Kulmiye, isla markaana qaatay kaadhkii shirweynaha golaha dhexe lagu galayey oo maalmihii u dambeeyey ka socday xarunta xisbigaasi ee magaaladda Hargeysa. Madaxweynaha oo ay garab socdaan xubnihii wasiiradda cusbaa qaarkood ayaa sheegay in xisbiga kulmiye lagu dhex tartamayo, isla markaana u mahad naqay…
Hargeysa,28Oct,2015(QJ/SDN)-Wasiirkii wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo goordhaweyd ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ayaa sheegay in iscasilaadiisu la xidhiidhin khilaafka xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiintii dhawaantan iska casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Wasiirku waxa uu sheegay in isagu horayba u damacsanaa in uu isku casilo, ka dib markii ay socon weyday shaqadii uu hayay sababo…
Hargeysa,28Oct,2015(QJ/SDN)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan Siiro), oo ka mid ah Culimada dalka ugu waaweyn, ayaa ka hadlay khilaafka cusub ee ka dhex qarxay Xisbigia Kulmiye, ee sababtay in masuuliyiin ka mid ah Wasiiradu is casilaan, waxaanu ka digay in khilaafkaasi sii socdo. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan Siiro),oo wareysi gaar ah…
Burco 28.Oct 2015 (SDN/QJ)- Waa Dhacdo Saamayn ku Yeelanaysa Qof kasta oo Daawada Waa Muuqaal ka Turjumaya Duruufaha Bulshada Somaliyeed ay ka dhaxleen Dagaaladii Iyo Colaadihii Wehelka la Noqday. Magaalada Burco Waxaa lagu daadiyey Waraaqo Baafin ah oo ay Ku Qoran Yihiin Kuna Sawiran Tahay Ayaan C.laahi C.qaadir Waxay rabtaa Cid u sheegta Hooyadeed oo lagu…
“Waxa la Is Weydiin Doonaa Miyay ka Hor Yimaadeen (Wasiirradii Iscasilay) Barnaamijkii Xisbiga, Haddii Ay Noqoto HAA Inay Ka Hor Yimaadeen Oo Waliba Si Abaabulan Uga Horyimaadeen. Xeerka Xisbigu wuxuu Tilmaamayaa In Tallaabooyin Laga Qaado” Hargaysa 28.Oct 2015 (SDN/QJ)-Guddoomiyaha xisbiga talladda Somaliland haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ahna Murrashax ka mid ah tartameyaasha u…
Hargaysa 28.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Tafsiir ka Bixiyey Iscasilaadii ugu Tirada badnayd ee Mar qudha ka dareeray Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ayaa Sheegay in Madaxweyne Siilaanyo inuu Cadaalad u samayn kari waayay Xisbigiisii Kulmiye.
Hargaysa 28.Oct 2015 (SDN/QJ)- Hirdanka Xisbiga Kulmiye ayaa hadal hayntiisu aad ugu badan tahay Suuqyada Siyaasadda,Waxaa la is weydiinayaa Waxa ka soo Bixi doona Shirka Golaha Dhexe. Labada Garab ee Xisbigu u Kala Fadhiyo ayaa Mid kastaa Goonidiisa u sheeganayaa inuu haysto aqlabiyadii Golaha Dhexe. Xildhibaan Bulqaasi oo ka Tirsan Golaha Wakiiladda ayaa Mar uu…
Hargaysa 27.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xubnihii Wasiirada ahaa ee Maalintii Shalay ku Dhawaaqay inay iska Casileen Xilkii ay ka hayeen Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Maanta isugu Yimid Shir ay diirada ku saarayaan Masiirkooda Siyaasadeed. Kulankan oo ahaa Mid albaabadu u Xidhnaayeen oo Saxaafadu dibada ka Joogtay ayaa markii uu soo dhamaaday Waxay ka hadleen Waxyaabihii…
Hargaysa 27.Oct 2015 (SDN/QJ)-“Xukuumadda Kulmiye ee uu hoggaaminayo Mudane Siilaanyo, waxay abuurtay shaki iyo mugdi isku gedaamay Somaliland oo werwer iyo walaacba ku abuuray beesha caalamka iyo dadkii maal-gashan lahaaba. Dhaqanka Xukuumaddan iyo Xisbigani, wuxu waxba-kama-jiraan ka dhigayaa tacabkii iyo guulihii dhiigga lagu hantiyay ee shacbiga Somaliland. Waxaanu shacbiga Somaliland u sheegaynaa in aanu dariiqa…
Hargaysa 27.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Prof. Faarax Cilmi Geedoole ayaa iska casilay xilkii uu qaranka u hayay. Wasiirka ayaa telefishanka Startv u sheegay in gabi ahaanba xilkaasi iska casilay. Prof Geedoole, ayaa ah musharax u taagan jagada Madaxweyne xigeenka ee Xisbiga Kulmiye, taasi oo la filayo in lagu doorto shirka…
Hargaysa 27.Oct 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Khilaafka ka dhex dhashay Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ee Sababay in Tiradii ugu badnayd ee Wasiiro ahi ay Shalay ku dhawaaqeen inay Iska Casileen Xilalkii ay ka hayeen Xukuumadda iyagoo Iftiimiyey in Madaxweynuhu uu Garab siinayo Mid ka…
Hargaysa 27.Oct 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3631/102015 Isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey golaha wasiirada Somaliland, isagoo buuxiyey qaar ka mida wasaaradihii ay baneeyeen wasiiradii hore iyo Magacaabayna Afhayeen Cusub. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey:…
Hargaysa 27.Oct 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa u taagan Jagada Madaxweyne ee Xisbigaasi Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Goor dhawayd Saxaafadda kula hadlay Xarunta Xisbiga ee Magaalada hargaysa ayaa ka hadlay Taageero la sheegay inuu Madaxweynuhu u Muujiyey si uu uga reebo Murashixiinta Kale, Muuse Biixi Cabdi waxaa kale oo uu ka hadlay…
Saudi Arabia 27oct15(SDN)Safiirka Somaliland u qaabilsan arrimaha Xajka dalka Sucuudiga Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) ayaa goor aan sidaa u sii fogayn bogiisa Facebook ku shaaciyey inuu xilka safiirnimo iska casilay. Qoraal koobaan oo uu ku shaaciyey bartiisa Facebook ayuu ku yidhi Anigoo ah Ambasador ahmed Adem dagaal (ahmed Safiina) Safiirka somaliland ee arimaha Hajjka…
Hargaysa 27.Oct 2015 (SDN/QJ):- Waxa sii gurmaya maalmihii xilliga sagootiska ku jira. Waxa soo siqaya dharaarihii millayga cusub ee soo dhawayntiisa loo diyaar garoobayo. Amintu waa kala guur wadeeco iyo waxyeelaba wax saarkeeda laga toog hayo, Fooldhabashada xiddigaha, wareega meerayaasha iyo godadka dayaxu u kala gudayaana. Khilaafka Xisbiga Kulmiye ma aha Mid ku Cusub Saaxada…
Addamuhu waxa uu u noolyahay dhaamantii misena uu dunidani guudkeeda u jooga si uu u helo nolol xor ah, fikir xor ah, dhaqaale xor iyo dhaqaaq xor ah oon waxna dabrin. Intanina maaha badankeedu wax uu qofku jaangoyn karo se astaamahan intooda badan waxaa jaangoyn kara deegaankaad ku nooshahay, cidaad la nooshahay iyo sidaad jeceshahay…
Hargaysa 26.Oct 2015 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Maaliyadda ahna Murashax u Taagan Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan is casilaada Xubnaha Golaha Wasiiradda. Murashax C.casiis Maxamed Samaale Waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ku wargaliyey inaan dalka lagu Maamulayn dabaabaad iyo RRU waxaanu Intaas ku daray in Xisbiga…
Hargaysa 26.Oct 2015 (SDN/QJ):- Murashax Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka Mid ah Xubnaha u Tartamaya Mansabka Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ayaa Wax laga Xumaado ku Tilmaamay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu u Xidhay Tartankii Xalaasha ahaa ee ay Filayeen inuu ka dhaco Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Kaas oo uu Xusay inuu…