Hawraarsane Hambalyada Ciidda Hooya (Mahadnaq)
Maqaalkaygii Yuusuf Garaadow Dowladda Ciyaarta Ka daa, een ula baxay Dawwo (Danayste la wada yaqaan baan u diraye, Daa’imow allahayow isna ku dawoobaa) wuxuu noqday dab dhagax lugu dhuftay oo marqudha Dunida wada gaadhay dacaladeeda. Dadweynaha Soomaaliyeed qurbojoog iyo qolqoljoogba way kuwada diirsadeen. Allaa ilehe Dillalka dulleysan iyo malaalkoo quhaa diidey iyagana dani igama hayso….
