“Majeerteen Intuu Umaddii Xasuuqay Ayay Haddana Waa Wareey Yaa Daaroodaay Yidhaahdeen, Markaasuu Daarood..” Cali Khaliif Galaydh

    Balli-cad,14Nov,2015(QJ/SDN)-Cali Khaliif Galaydh, oo ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag bari, ayaa quus ka muujiyay qaddiyad dhawaan reer Puntland qalqaalinayeen oo ku saabsan in bulshada haybta guud la isku yidhaahdo Daarood la isku keeno. Waxa uu sheegay inaanay Bulshada Majeerteen isku hallayn karrin kadib markii ay ku baaqeen gogol nabadeed oo dhex marta bulshada…

    Read More

      Musharax Jamaal Cali Xusseen Oo Hortagay Ardayda Jaamacadaha, Kana Jawaabay Su’aalo Fara Badan DAAWO

      Hargeysa,14Nov,2015(QJ/SDN)-Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xusseen, ayaa hortagay oo ay su’aalo waydiiyeen ardayda jaamacadaha, arrintan oo naadir ku ah guud ahaan geeska Afrika. Golaha Jamaal kula kulmay aqoonyahanka dalka waxa goleeyey telefishanka caalamiga ah ee Horn Cable TV oo indhawaale qabanayey doodo iyo su’aalo uu isku soo horfadhiinayey siyaasiyiinta iyo shacabkooda. Haddaba, Halkan…

      Read More

        War Deg Deg Ah: 140 Ruux Oo Ku Geeriyootay Rasaas iyo Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Paris Ee Caasimada Dalka Fransiska

        Paris,14 Nov,2015(QJ/SDN)- Ugu yaraan 140 qof ayaa ku geeriyootay weerarro iskugu jira qaraxyo iyo rasaas oo ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Booliiska Faransiiska ayaa sheegay in dablay ay rasaas ku furtay isla markaana ay qaraxyo ka gaysteen dhowr goobood oo ku yaalla magaalada Paris. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan qof dablay ah uu…

        Read More

          Daawo Muxaadiradda Uu Cinwaankeedu Yahay “SIDEE DHIBAATADA LOOGA BIXI KARAA?”, Waxaana innoo soo Jeedin doona Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun.

          Hargeysa,13Nov,2015(QJ/SDN)-Asc wr wb. dhammaan walaalaha Muslimiinta ah, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Muxaadiradda uu Cinwaankeedu yahay ‘’SIDEE DHIBAATADA LOOGA BIXI KARAA?, Waxaana innoo soo jeedin doona Fadiilatu Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, xafidahullaah.  Haddaba, Halkan Hoose Ka Daawo Muxaadiraddaasi Oo Dhameystiran: QJ/SDN: Hargeysa

          Read More

            Midowga Yurub oo Shaqaalahiisa kala baxaya BURUNDI iyo Mucaaradka oo dalbaday Ciidamo

            Bujunbura,13Nov,2015(QJ/SDN)-Midowga Yurub ayaa shaaciyay inay kala baxayaan qaar ka mid ah shaqaalahooda iyo qoysaskooda jooga wadanka Burundi, iyagoo sidoo kale xusay inay ka saarayaan magaalada Bujumbura shaqaalahooda aan joogtada ahayn, kaddib xiisadda dalkaas ka taagan oo kasii daraya. Mucaaradka dalkaas ayaa iyaguna ka dalbaday QM inay ciidammo nabad-ilaalineed oo deg-deg ah ay u soo dirto…

            Read More

              “Haddii la leeyahay Somaliland Samaroon iyo Isaaq ayay U Xidhan tahay Khalad Weyn Ayaa Halkaas Ku JIra..” Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

              Mineapolis,13Nov,2015(QJ/SDN)- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland ee Qurbaha ku nool, ayaa ka Hadlay Sida uu u arko Doorashadii dhawaan Xisbiga Kulmiye kusoo xuleen Musharrixiinta Jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee Xisbigaas iyo Waliba Khilaafka keenay inay Xubno muhiim ahaa wali dibadda ku maqan yihiin. “Aniga Mabda’aygu Wuxuu Yahay Laba Su’aalood Oo…

              Read More

                Jihadi John Oo Loo Malaynayo In Uu Ku Dhintay Weerar Uu Maraykanku Ku Qaaday Magaalada Raqqa

                Washington,13Nov,2015(QJ/SDN)-Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inay fuliyeen weerar dhinaca cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday “Jihadi John”, oo ah  British-ka ka tirsan DAACISH ee kasoo muuqday muuqaallo video ah isaga oo gowracaya dad reer galbeed ah. Saraakiisha waxay sheegeen inaanay weli caddeyn, haddii ninkan ka tirsan kooxda Daacish, oo sidoo kale loo yaqaan Maxamed Emwazi, lagu dilay…

                Read More

                  Xaafidul-Qur’aan U dhashay Soomaaliya Oo Kaalin Sare ka galay Tartanka Qur’aan-Akhriska Oo lagu Qabtay Sacuudiga

                  Riyadh,13Nov,2015(QJ/SDN)-Wareegii 37-aad ee Tartanka  Akhrinta Qur’aanka Kariimka ee  ka socday Masjidka Barakaysan ee Maka Al-mukarama ayaa la soo gebagebeeyey. Tartankaasi oo ay ka qeyb galeen 124 Tartame oo ka kala socday 60-Waddan ayaa waxaa sannadkiiba mar lagu qabtaa dalka Sacuudiga. Tartamayaasha Qeybta Koowaad ee Tartankan waxaa ku kala guuleystay: Kaalinta Koowaad Tartame u dhashay dalka…

                  Read More

                    Kooxda Suxufiyiinta Cadaaladda “Journalists For Justice Rights Group” Oo Ciidamada Kenya Ku Eedeeyay In Ay Cashuuro ka qaataan Dhoofinta Sonkorka iyo Dhuxusha

                    Nairobi,13Nov,2015(QJ/SDN)-Kooxda Suxufiyiinta Caddaalad-doonka “Journalists for Justice rights group” ayaa waxay shalay soo bandhigeen Warbixin ku aadan inay Ciiddanka Kenya, Xarakadda Alshabaab iyo Maamulka Axmed Madoobe macaash badan ka helaan Canshuuraha laga qaado Sonkorta iyo Dhuxusha, waxaana arrintaasi ka hadlay Ganacsatadda badeecadaha ka soo dejiya Dekedda magaalladda Kismaayo. Qaar ka mid ah Ganacsatadaasi oo ku sugan…

                    Read More

                      Ciidamada AMISOM oo Iskaga Baxay Deegaanka Fiidow iyo Xarakada Al-shabaab Oo La Wareegtay

                      Fiidow,13Nov,2015(QJ/SDN)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ay saaka aroortii hore iskaga baxeen saldhigyadii ay ku lahaayeen deegaanka Fiidoow waxaana durbadiiba gacan ku haynta deegaanka sheegtay Ciidamada Xarakada Al Shabaab. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada DF-ka ay xalay fiidkii iskaga baxeen deegaanka. Deegaanka Fiidow ayaa…

                      Read More

                        Uganda: Alshabaab oo laga cabsi qabo inay weerar la beegsadaan Boobka Diinta Masiixiga.

                        Kampala,13Nov,2015(QJ/SDN)-Afhayeenka Milliteriga Uganda, Kolonel Paddy Ankunda ayaa sheegay in heegan la geliyey in ka badan 10,000 oo Saraakiil Bolis oo ay Milliterigu taageerayaan, si ay u sugaan booqashadda uu Boobka ugu weyn Diinta Kirishtaanka, Pope Francis dabayaaqadda bishan ku tegayo Uganda. Paddy Ankunda waxa uu sheegay inay jirto cabsi ku aadan Weeraro ay Alshabaab ka…

                        Read More

                          Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka Iyo Shabakada Qurbejoog DHAGAYSO

                          Hargaysa 13.Nov 2015 (SDN/QJ):- Ku soo Dhawaada Dhagaystayaal Barnaamijkii Dhacdooyinka Todobaadka oo aanu ku soo qaadno amuuraha ugu waaweyn ee Todobaadkii Dhamaaday ka dhacay Guud ahaan Dhul yowga ay degaan Bulshada Somaalidu Waxaan Barnaamijkan isugu keen soo duba riday halkana inooga soo jeedinaya Weriye Khaalid Foodhaadhi ee Dhagaysi haboon. GUJI HALKANOO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO BARNAAMIJKAN…

                          Read More

                            Bilowga Aar Goosiga Siyaasadeed ee Gudoomiye Muuse Biixi Iyo Wasiiradii Ka Soo Horjeestay Damaciisa

                            Hargaysa 13.Nov 2015 (SDN/QJ):-  Murashaxa xisbiga Kulmiye ee maalmo ka hor loo doortay murashaxa jagada madaxweynenimo ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi, ayaa durba billaabay maleegidda qorsheyaal xilka lagaga bedelayo wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan isla mar ahaantaana looggu cumaamadayo wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr.Maxamed Cabdillaahi Cumar. Illaa hadda ma jiraan…

                            Read More

                              “Labadaas qof ee la doortayna in la hambalyeeyo waa halkeeda, laakiin dheecaanka iyo qoomaha ka hooseeyaa inay naafo keenaan baa suurtogeli karta.” Aragtida Prof Samatar ee Doorashadii Kulmiye

                              Hargaysa 13.Nov 2015 (SDN/QJ):- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland ee Qurbaha ku nool, ayaa ka Hadlay Sida uu u arko Doorashadii dhawaan Xisbiga Kulmiye kusoo xuleen Musharrixiinta Jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee Xisbigaas iyo Waliba Khilaafka keenay inay Xubno muhiim ahaa wali dibadda ku maqan yihiin. Axmed Ismaaciil Samatar oo…

                              Read More

                                “Madaxweynaha oo Markii Hore Aanan Beenaale u aqoon hada Wax badan oo Been ah ayaan ku arkay,Markaa Ummada ha ka Raaligeliyo Beentaas” Mujaahid Cali Guray DAAWO

                                Hargaysa 13.Nov 2015 (SDN/QJ):-  Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo baraha bulshadu ku Xidhiidho ku soo bandhiga Galdaloolooyinka Maamul ee Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigeeda Kulmiye ayaa ka hadlay Maxsuulka Shirka Golaha dhexe ee Kulmiye laguna Cumaamaday Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Xisbigaas. Hargaysa SDN/QJ…

                                Read More

                                  Shirar Duceedyo Si Hoose ugu Bilaabmay Isbahaysiga Murashixiinta Kulmiye iyo Xisbiga Waddani,Is Casilaadii Cirro oo Soo Dhow Iyo Bedelkiisii oo Shuruud la hordhigay

                                  Hargaysa 13.Nov 2015 (SDN/QJ):-  Xisbiga Mucaradka ah ee Waddani ayaa Gudahaha Magalada Hargeysa ka bilaabay inuu shir doceedyo hoose la yeesho Wasiiradii iska casilay xukumada Madaxweyne Siilanyo iyo xubnihii musharaxiinta ahaa ee qaadacay inay ka qayb galan shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye. Shirarkaan oo 48 saac ee u dambeeyaay ka soconaayay ayaa Xoguhu  sheegayaan…

                                  Read More

                                    ” Car Waa Ninka Calanka KULMIYE Xaafada Axmed Dhagax Keena,Muuse Biixina Markasta oo uu Hadlo Boqol Kun oo qof ayaa ka Go’a ” Mujaahid Ooto DAAWO.

                                    Hargaysa 13.Nov 2015 (SDN/QJ):- Mujaahid Ooto biixi ayaa ka hadlay Shirkii lagu doortay Murashaxa Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Xisbiga Kulmiye,Waxa uu si ba’an u Weeraray Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu sheegay in aanay Cadaalad u maamulin Shirka Kulmiye. Ooto Biixi Waxa uu sheegay in Gudoomiye Muuse Biixi daqiiqadii u…

                                    Read More

                                      Baarlamaanka Netherland oo Su’aalo aan Jawaabahoodii helin weydiiyey Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro

                                      Amsterdam 13.Nov 2015 (SDN/QJ):-  Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa wax laga weydiiyey qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland Xaaladda Siyaasadeed iyo Ammaanka ee dalka. Cabdiraxmaan-Cirro oo socdaal ku tegay dalka Netherland, ayaa kulan ka yeeshay Afhayeenka Baarlamaanka dalka iyo Guddiyada joogtada ah ee arrimaha dibedda, Gaashaandhigga iyo horumarka, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey Mareegta…

                                      Read More

                                        Wasiir Xaglo-toosiye Iyo Beeshiisa oo Madaxtooyada Xalay kula Garnaqsaday Madaxweyne Siilaanyo iyo Xubno ay Xigto Yihiin

                                        Hargaysa 13.Nov 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xagla Toosiye oo ay weheliyaan odayaal iyo xildhibaano ay isku Beel yihiin, ayaa la sheegay inay shalay iyo Xalay kullan garnaqsi ah la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo Odayaasha dhaqanka ee Beeshiisa, kullamadan oo saxaafaddu dibeda ka ahayd awgeed ma jiro xog rasmi ah oo si cad daboolka…

                                        Read More