Home » 10:09 pm Entries posted on “June, 2012”

War Deg Dega:Madaxweyne Siilaanyo iyo Xaglotoosiye oo heshiis kala sexeexday

Dubai June 30,2012(SDN)-Kulan ay ku yeesheen magaalada Dubai madaxii hore jabhada SSC iyo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa la iskula qaatay in labada dhan ay ka wada shaqeeyaan nabada degaanka Buuhoodle. War kulankan ay ka soo saaratay ayaa kiyoo dhamystiran waxa uu u qoraa sidan;“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu maanta […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Guddomiyaha Guddida Siyaasada ee Baarlamaanka Puntland oo dhaliilay Madaxweyne Faroole

Garoowe June 30,2012(SDN)-Guddoomiyaha guddida Siyaasada ee Baarlamaaka Puntland Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan ayaa hadal uu maanta ka jeediyay kalfadhiga 28aad ee Baarlamaanka Puntland waxa uu dhaliilo ugu jeediyay madxweyne Cabdiraxmaan Faroole. Hadalada Xildhibaankana waxaa ka mid ahaa;”Markaan soo qaadano Xukuumadu waxay wakhti dheer gelisay dhaqaale badan gelisay sidii loo Xakamayn lahaa xalna loogu heli lahaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Tageero kal iyo laab ah shirka Daallo By Xildhiban Qabile

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM SALALAAHU CALAA SAYIDINAA MUXAMED WA CALAA AALI SAYIDANAA MUXAMED. KU: SALAADIINTA,CUQAASHA,GUURTIDA,SIYAASIYIINTA,WAXGARADKA, & GUUD AHAAN ERGOOYINKA KA KALA YIMID GUDAHA DALKA & DAAFAHA DUNIDA EE KU SUGAN MADASHA DAALO EE GOBOLKA SANAAG, CEERIGAABO. UIEEDO: TAAGEERO KAL & LAAB AH Abtiyaal & awoowayaal; Mauka hore waxaan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka, ASALAAMU CALAYKUM WA RAXMATULLAAHI […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dallada kulmisa ururada Bulshada Somaliland ee Yurub oo walaac ka muujiyay natiijada laga filan karo wada-hadal lala galo dawladda TFG ee Sheekh Shariif

London 30, June 2012 (SDN)- Ururka SSE oo ay ku midaysan yihiin ururada Bulshada Somaliland ee ka jira qaaradda Yurub, ayaa walaac ka muujiyay natiijada laga filan karo wada-hadal lala galo dawladda TFG ee Soomaaliya. Sida lagu sheegay qoraal SSE ka soosaaray Lodon, ururku waxa uu soo dhaweeyay wada-hadal kasta oo labada dhinac si siman […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Sheeko Kale Keen: Waa Guran Yahay! Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Nin Ingriis ah iyo xaaskiisii ayaa sheeko dhex martay. Ninkii ayaa xaaskiisii su’aal weydiiyay, oo ku yidhi, “Gacalo, haddii aan dhinto, miyaad dabaday guursan?” Gabadhii way naxday, oo murugaa markiiba roortay, in u muddo ahna way aamustay. Iyada oo weli murug roorsan, ayay waxay u celisay, “Waxay ila tahay inaan guursan. Maxaa yeelay, wehel iyo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha Yemen oo dhambaalo Hambalyo ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hoggaamiyaha Guud ee dalka Kanada, maxay tahay sababtu?

Sanca 30, June 2012 (SDN/Saba)- Madaxweynaha dalka Yemen Abdo Rabbo Mansour Hadi, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Siday sheegtay wakaalada wararka dalka Yemen ee Saba, Madaxweyne Mansour Hadi oo dhowaan qabtay hoggaanka dalkaas waxa uu Sabtida maanta dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna ku hambalyeeyay maalinta […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Hargaysa: Magaalo Hilmaamtay Dantii Guud Kuna Hawlan Danta Gaarka ah. By Wariye Taajir

Hargaysa waa magaalo weyn oo camiran, marka loo eego deegaanada ay Soomaalidu dagto, magaaladan oo lagu qiyaaso inay ku nool yahiin nusmalyuun qof ayaa ah mid adeegyada aasaaasiga ah ay yahin kuwo liita. waxa ay markiiba indhahaagu qabanayaan in dhismayaasha,gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo waxyaabo kale badan  ay sii tiro badanayaan, balse waxa si cad […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo dhexe oo guud ahaan Somaliland saaka ka bilaabmay

Hargeysa, 30, June 2012 (Qurbejoog)- Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose iyo sare ee Somaliland oo saaka si rasmi ah dalka uga bilaabmay. Imtixaankan oo ay hore Wasaaradda Waxbarashadu u shaacisay inay manta a furamayaan dalka ayaa siday masuuliyiinta Wasaaradu sheegeen si isku mid ah saaka u bilaabmay. Imtixaankan oo sannadkan ay u fadhiisanayaan guud […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Hargeysa: Maxkamad gunaanadaysa Dacwad loo haysto Boqor Buur-madow

Hargeysa 30, June 2012 (Qurbejoog.com)- Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa lagu wadaa inay maanta gunaanado dacwad loo haysto Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud (Buur-madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland. Buur-madow oo muddo 3 bilood ka badan ku xidhnaa Xabsiga Dhexe ee Hargeysa, waxa loo haystaa dacwado la xidhiidha aflegaadayn Madaxweyne, eedaymo been-abuur ah iyo kuwo kale. Inkastoo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Buugaag Geeddi ah: Maktabadda wareegta 2012 waa socdaalka dhiganaha qoran ee magaalooyinka Somaliland

Hargeysa 30, June 2012 (SDN)- Maktabadda wareegtaa waa qayb ka mid ah bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa. Waa hab ka duwan habab inta badan laga yaqaanay dalka, kuna cusub saaxadda buug-akhriska ee Somaliland. Maktabadda wareegtaa waa nidaam ay kooxo kala duwani ay buugaag tiro badan ku geynayaan magaalooyinka waawayn ee dalka, si ay fursad […]

Posted in Uncategorized | Read More »