Home » 12:48 pm Entries posted on “February, 2013”

Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhiga ka jaray Dhismayaal lagu soo Kordhiyay Qasriga Madaxtooyada

Hargaysa 28.Feb (SDN)       Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismayaal cusub iyo kuwo dib u habayn balaadhan lagu sameeyey oo ku yaala qasriga madaxtooyada JSL, Waxaana halkaasi madaxweynaha ku soo dhaweeyey wasiirka madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo madaxweynaha xog waran iyo faahfaahin ka siiyey […]

Posted in Uncategorized | Read More »

DAAWO SAWIRADA: Magaalada Buurhakaba oo shalay laga qabsaday Al Shabaab

               

Posted in Uncategorized | Read More »

Maxkamad Mareykanka ku taal oo Rag Soomaali ah Burcad-badeednimo ku heshay

Virginia Feb 28,2013(SDN)-Maxkamad Mareykanka ku taal ayaa Burcad-badeednimo ku heshay shan ruux oo Soomaali ah oo sanadii 2010kii weeraray markab dagaal oo ay ku khaldeen mid xamuul. Shanta nin oo la socdey dooni yar aya rasaas ku riday USS Ashland,ka dibna weerar rogaal celin ah oo ay la kulmeen lagu gubay doontoodii. Weerarka ay Burcadu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Musharaxa Xisbiga UCID Jamal Cali Xuseen oo Khudbad ka hor jeediyay aqalka looga taliyo Minnesota, USA iyo xubnaha golahaas oo sheegay in aanay hore u maqal xog ku saabsan Somaliland ayse aad ula dhaceen(SAWIRO)

Minnesotta Feb 28,2013(SDN)-Martiqaad gaar ah oo uga yimid xisbiga Jamhuuriga (Republican Party) awgeed waxa uu Musharaxa Madaxweynenimada ee xisbiga UCID, mudane Jamal Cali Xuseen la kulmay dhamaan xubnaha golaha wakiilada ee labada xisbi ee Republican-ka iyo Demuqraadiga maalintii ay taariikhdu ahayd Isniin, 25kii February, 2013. Waxa uu Mudane Jamaal qudbad gaaban ka hor jeediyay golaha […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ra’iisul wasaraha dalka Iraq oo ka digay Qatar argagixiso oo ka dhalan karta dagaalka ka socnaya Syria

Baqdaad Feb 28 2013 (SDN)—Nuur Al-Maliki Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq oo la hadlayay Wakaalada Wararka ee AP ayaa sheegay in dagaalka ka soconaya dalka Syria hadii ay ku guuleystaan Mucaaradka wadankaasi ay ka dhalan karto argagixiso cusub oo Qatar ku noqonta Mandiqada Bariga Dhexe. Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, ayaa tilmaamay in guul ay gaaraan Mucaaradka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gudoomiye Xaafadeed Xalay lagu dilay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay

Baydhabo Feb 28 2013 (SDN)—Kooxo hubaysan ayaa Magaalada Baydhabo ku dilay mid kamid ah Guddoomiye xaafadeedka Magaaladaasi kadib markii hoygiisa lagu weeraray bam gacmeed. Weerarka lagu qaarijiyay guddoomiye xaafadeedkaan ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada Isha ee Magaalada Baydhabo halkaasi oo uu ka ahaa Guddoomiye xaafadeedka. Guddoomiye xaafadeedka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Aadan Xuseen […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Al Shabaab oo u hanjabay muwaadiniinta Kenya ee doorashooyinku ay ku soo foodleeyihiin

Muqdisho Feb 28 2013 (SDN)– Iyadoo doorashooyinka dalka Kenya ay maalmaha soo socda ay ka dhici doonaan gudaha dalka Kenya ayaa Ururka Al-Shabaab oo Soomaaliya ka dagaalama wuxuu war kasoo saaray doorashooyinka Kenya warsaxaafadeedka Al-Shabaab ayaa uqornaa sidatan. Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa soo saartay warsaxaafadeed ku aadan doorashooyinka aadka loo sugayo ee todobaadyada nagu soo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ururka Samafalka ee Garoodi oo Baaq qeylo dhaana u jeediyay Xukuumada iyo Golleyaasha Qaran ee Somaliland

London Feb 28,2013(SDN)-Ururka Samafalka Garoodi ayaa baaq uu na soo gaarsiiyay waxa uu fariin qeylo dhaana ugu diray Xukuumada iyo Golleyaasha Qaran ee Somaliland,Baaqa ayaa ka warbixinaya xaaladaha Nololeed ee ka jira degeenada hoostaga Degmeda Salaxlley,Baaqa ayaa sidan u dhignaa Bismillaahi Arraxmani raxeem Waxaanu ummadda reer Somaliland leenayahyAsalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh. Allaah […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Baaq Dhallinyaro: Xadhigga Xukun La’aanta Ah ee Boqor Raabbi Waa Xadgudub Sidii Guwaantannaamo Beey

Annaga oo ka mid ah dhallinyarada Somaliland ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa waxa aannu cambaraynaynaa xadhigga Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland oo ay ciidanka booliska Somaliland xabsiga u taxaabeen bishii hore illaa haddana aan la haynin maxkamad si loo xalaaleeyo xabsi ku-hayntiisa ama loogu dacwad haddiiba ay jirto […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Hal-doorka Haweenka: Faadumo Siciid Ibraahin (3aad/Dhammaad) W/Q Siciid Gahayr (Hargeysaawi)

Meelaha kale ee Faadumo Siciid iyo ururka ay Guddoomiyeha ka tahay ee  ODHA (Organization for Development and Humanitarian Affairs) Kolka aan aqoontayda ku hal-tebinayana noqonaya Uruka Horumarinta iyo Hawlaha Bani Aadannimada oo la aasaasay hilaad noqonaysa 2009-kii ay hirgeliyeen waxa ka mid ah xarunta darbi-jiifka eek u taalla waaxda Maxamed Mooge ee Caasimadda Hargeysa oo […]

Posted in Uncategorized | Read More »