Home » 6:35 am Entries posted on “July, 2015”

Khasaare Dhan $250-Milyan Oo Soo Gaadhay Shirkadda Diyaaradaha Ee Kenyan Airways

Nairobi:Jully,31,2015(SDN/QJ)-Shirkadda Diyaaradaha ee Kenyan Airways, ayaa haatan waxa soo gaadhay khasaarihii ugu sarreeyey ee Abid ay wajahdo, iyadoo xisaab-xidhkii sanadkani noqday midkii ugu khasaaraha badnaa. Dhibaatooyin dhaqaale ayaa lasoo darsay shirkada Kenyan Airways ,waxaana markii la canshuuray shirkada uu khasaaraheedu gaadhay lacag dhan 250- Milyan oo Dollar sanad xisaabeedka 2014 iyo 2015. Qasaaraha dhaqaale ee […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dawladda Masar Oo Dhiggeeda Maraykanka Ka Heshay Diyaaradaha F-16, Si Loogu Weeraro Islaamiyiinta Gadoodsan

Cairo:Jully,31,2015(SDN/QJ)-War ay soo saartay safaaradda Maraykanku  ku leeyahay Dalka Masar, ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Maraykanka ku wareejinayso 8-diyaaradaha dagaalka ee F-16 Block 52 labada maalmood ee soo socota. Warkan ka soo baxay safaarada Maraykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in afar kale oo diyaaradaha F-16 ah la geynayo Masar deyrta soo socota. Inkastoo dowlada […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Eray Uu Ra’isal Wasaaraha Britain u Adeegsaday Soo Galootiga Dalkiisa kusoo socda Oo Muran Badani Ka Dhashay

London:Jully,31,2015(SDN/QJ)-David Cameron oo ah Ra’isal wasaaraha Dalka Britain, ayaa dhaleecayn iyo cadho baahsan kala kulmay bulshada samaha jecel, kadib markii uu soo galootiga dalkiisa kusoo socda ku sheegay Cayayaan. Peter Sutherland, oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’ada Qaramada Midoobay ayaa sheegay ereyga uu adeegsaday Ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron, ay ka dhigan tahay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Maamul-goboleedka Puntland Oo Markale Siyaasadda Dawladda Federal-ka ah Qaaddacday Shirweyne Qaranna Ku Baaqday

Garowe:Jully,31,2015(SDN/QJ)-Waxa markale cirka isku shareeray dhibaatadii isfaham la’aaneed ee dhex taallay Maamul-goboleedka Puntland Iyo Dawladda Federal-ka Soomaaliya, kadib  shirkii higsida cusub ee Muqdisho lagu soo afjaray. Maamul-goboleedka Puntland ayaa warsaxaafadeed ay kasoo saartay shirka lagu soo gunaanaday Muqdisho ee looga hadlayo Hiigsiga 2016-ka, waxana ay sheegtay inay dhammaatay kalsoonidii ay Dawladda Federal-ka ah ku qabtay, […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweyne Siilaanyo oo Booqday Bogcada Somaliland kala Badha Iyo Dareemada lagu qaabilay DAAWO

Ceerigaabo 30.July 2015 (SDN/QJ)- Weftiga Balaadhan ee uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Kormeer Shaqo ku maraya Gobolada Bari ee dalka ayaa Booqday Bogcada Somaliland kala badha Taas oo ah Degmada War I’ddaad ee Gobolka Sanaag. Weftiga Madaxweynaha oo haatan ku Sugan Ceerigaabo ayaa dadweynaha ku dhaqan iyo Maamulka Heer Gobol iyo Mid […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Marwada Madaxweyne Siilaanyo oo Sadex Xarumood oo Laascaanood ku Yaala Deeq gudoonsiisay DAAWO

Laascaanood 30.July 2015 (SDN/QJ)- Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Amina Sh Maxamed Jirde ayaa Deeq kala duwan gaadhsiisay labo xarumood oo lagu xanaaneeyo agoomaha Gobolka Sool, Cisbitaalka guud iyo Jeelka dhexe ee Magaalada laascaanood. Marwada Koowaad oo qayb ka ah weftiga madaxweynaha ee Gobolada Bari, maantana ku sugan Gobolka Sanaag ayaa deeqdaasi gaadhsiinteeda u wakiilatay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Kormeer ku Tegay Gebilay & Baaxadda Abaarta DAAWO

Gebilay 30.July 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta soo kormeeray Mashaariic waxqabad oo laga hirgaliyay Magaalada Gebilay,Xili ay Gobolkaas iyo Deegaamada hoos taga ay ka Taagan tahay Xaalad abaareed oo ka dhalatay Roobabkii Gu’ga oo Sidii la filayay sannadkan uga di’in.

Posted in Uncategorized | Read More »

Daawo Waraysi Kulul Oo Xiiso Badan Oo Madaxa Isku Dareen Prof: Axmed Ismaaciil Samatar Iyo Wariye ‏Cabdixafiid Maxamud Jaamac

London,30july,2015(QJ/SDN)-Waxaan akhristayaasheena sharafta leh halkan idinku soo gudineyaa muuqalka wareysigii inbadan lawadasugaayay ee aanu horay idinku soo gudbinay hordhaciisa ee Prof Axmed Ismaaciil Samatar uu ka qaaday wariye Cabdixafiid Maxamud Jaamac ee ku saabsanan arimo badan oo quseeya sida isbadalka siyaasadeed ee ku yimid.   Hadaba hoos ka daawo wareysigani o dhameystiran.   khaalid Foodhaadhi […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wariye Gabay Iyo Dhaliilo Culus Kaga Hadlay Awood Kala Jiidasho Ka Dhex Jira Labada Ardaa ee Beesha Madaxweyne Siilaanyo, oo uu Sababteeda u Nisbeeyey Wasiir Xirsi Iyo Maxamuud Xaashi DAAWO

Hargaysa 30.July 2015 (SDN/QJ)- Wariye Cali Mahdi oo ka tirsan wariyeyaasha Hargeysa ka hawl galaya ayaa Gabay Culus Waxa uu ku cabiray awood kala jiidasho ka dhex jira Beesha uu Qudhiisu ka soo Jeedo ee Habarjeclo. Muusoow aduunyada nin ragi waa mintidayaaye waa kaa walaalkaa maxamed miidhay dhaxalkiiye muraadkiisii goortuu hantiyay, kaa maktabadroone hadaad shalay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Puntland oo soo bandhigtay xogta heshiis shidaal oo Galmudug iyo dalwada federaalku la galeen shirkada Link Natural Resources

Garoowe July 30,2015(SDN/QJ)-Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Dawladda Puntland waxaa ay heshay, haatan gacanteed ku jira, kuna lifaaqan war saxaafadeedka, heshiiska dhexmaray shirkada Link Natural Resources FZC iyo maamulka Galmudug. Heshiiskaas oo Dawaladda Federalka Somalia ay taageero buuxda siisay, wuxuu ka soo horjeeda shuruucda asaasiga ah, Dastuurka ku meel gaarka ee Jamhuriyada Federalka Somaliyeed iyo Dawladnimadda […]

Posted in Uncategorized | Read More »