Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya Oo Shaacisay In La Joojiyay Cashuurihii Laga Qaadi jiray Ganacsatada.
Muqdisho,23Oct,2015(QJ/SDN)-Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Somalia ayaa shaacisay shalay inay joojisay gabi ahaan canshuurtii 20-ka doollar ahayd ee laga qaadi jiray ganacsatada wax ku iibiya suuyada Muqdisho. Qoraal wasaaradda ayaa lagu sheegay in iyadoo la tixraacayo wareegtada sumadeedu tahay MOF/OM/0060915 ee kasoo baxday xafiiska wasiirka maaliyada in si toos ah loo joojiyay canshuurtii 20-ka doolar ahayd ee…
