RW Ku-xigeenka oo booqday degaanada fataahadu saameysay ee Beydhabo
Baydhabo November 14, 2023 (QJ) -Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa u kuur galayay xaaladda dadka ay saameeyeen roobabkii dabeylaha watay ee El Nino. Saalax oo ay wehlinayaan mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda ka hortagga masiibooyinka Soomaaliya (SODMA), xubno ka socday hay’adaha gargaarka, iyo…
