Webmaster

    Jaaliyada Somaliland ee Uk oo baaq u diraysa Wasiirka Warfaafinta Somaliland iyo Mareeyaha Tvga in Wariye Daahir Ismaaciil Xaaji Aden loo dhiibo Tvga Qaranka Somaliland

    London 17Sep13 (SDN)Jaaliyada Somaliland ee Uk oo baaq u diraysa Wasiirka Warfaafinta Somaliland iyo Mareeyaha Tvga  Khadar Cali Gaas in Wariye Daahir Ismaaciil Xaaji Aden loo dhiibo Tvga Qaranka , wariye Daahir ayaa in mudo ku jiray saxafada Somaliland ee Wadanka Uk waana wariye Ruug Cadaa oo khibrad u leh dhinaca saxafada  baqan ay soo…

    Read More

      Cabdilaahi Cukuse: Wasiir isku darsaday Waxqabad Muuqda + Mucjisooyin Yaab Leh + Codkarnimo

      Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa uu mudo 30 sanadood ka badan ku sooo dhex jiray saaxada saxaafada isla markaana aqoon iyo khibrad dheeraad ah u leeyahay arimaha la xidhidha saxaafada iyo qaybaheeda kala duwan Hadaba waxa aan wax yar ka taaban doonaa waxqabadkiisa muuqda ee aan la iska…

      Read More

        Wasiir xilkiisu Biriij U Noqonayo xidhiidh Wanaagsan oo dhex mara Xukuumadda iyo saxaafadda Madaxa-banaan

        Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Maaha qof manta la yidhaahdo uma qalmo xilkiisa wasiirnimo gaar ahaan wasaarada warfaafinta iyo wacyi galinta . Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waa rugcadaa wayn oo inbadan kusoo dhexjiray arimaha bulshada, waa mujaahid waddanka usoo halgamay isla markaana aqoon dheer u leh qaybaha kala duwan…

        Read More

          Dhallinyaro Reer Hargeysa ah Oo Wasaaradda Duulista Barbar Uga Balfiyey Eedo Loogu Jeediyey Dhismaha Madaarka Hargeysa

          Hargeysa17-Sep-2013 (SDN)- Qaar ka tirsan dhallinyarta ku dhaqan Caasimadda Hargeysa  ayaa wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ku amaanay  shaqo fiican oo ay sheegeen in uu  ka qabtay  dib u dhiska madaarka Hargeysa oo ay ku tilmaameen mid uu wax weyn ka  bedelay muddadii dib loo dayactiraayey.  Dhallinyartan oo shir jaraa’id Maalintii shalay …

          Read More

            Soomaalidii Dukaamadooa lagu Bililiqaysty Koonfur Afrika oo War AY farxeen ka Helay Booliska

            Port Elizabeth:17-Sep-2013(SDN)- Iyadoo maalintii shalay xatooyo Ba’an loo geystay dukaamo soomaalidu ku leedahay Magaalada Port Elizabeth   ee Dalka Koonfur Afrika, ayaa waxa ay Boolisku sheegeen inay arrintaas u xidheen Toddoba ruux. Booliska ayaa caddeeyey inay dadkaa la hayo  uga shakisan yihiin  inay ka dambeeyeen dhacii loo geystay soomaalida halkaas ku nool oo xoolo badan laga…

            Read More

              “Dilka Cumar Xammaami waa dhamaadkii al shabaab,” madaxweye Xasan Sheekh

              Brussels:17-Sep-2013(SDN)-Madaxweynahas Dawladda Federalka ah ee Somaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horrasay ka hadlay dilkii  Dhawaan kooxda Al-shaaba ku fulisay Dagaal-yahankii Maraykana ahaa ee Cumar Xamaami. Madaxweynaha oo waraysi siinayey I daacadda VOA-da, ayaa dilka Cumar Xamaami ku tilmaamay dhamaadkii iyo Gabal-dhicii ururka Al-shabaab, waxana uu tilmaamay inaanu ka duwanayn kuwii hore  ee ay…

              Read More

                “Wixii Sharci daro ku Shaqaynaya ee Golayaal sheeganaya ka Yeeli Mayno kana Socon Mayso” Madaxweyne Siilaanyo{DHEGEYSO}

                Burco 17.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Xiliyadii danbe ee xalay waxa uu Magaalada Burco kulan kula qaatay Madax dhaqameedka Gobolka Togdheer isla markaana ay ka wada hadleen xaalada guud ee Gobolka iyo ta dalka Guud  ahaan waxaanu Madaxweynuhu faahfaahin ka siiyay safarka uu ku marayo Gobolada bariga isagoo ka…

                Read More

                  Masuuliyiinta Dhabqinaya Safarka Madaxweynaha Oo Iska Soo Daba dhacay Iyo Qaab-xumada ay keenaan

                  Hargeysa:17-Sep-2013(SDN)-Waxa maalinba maalinta ka dambaysa sii  ballaadhanaya waftiga Madaxweynaha ee  safarka shaqo ku  maraya Gobolada Bariga Somaliland kuwaas oo hoos u dhigay bilicda iyo  Hannaan-socodkii madaxweynaha. Waftigan madaxweynaha la socda, ayaa waxa Buux-dhaafiyey wasiirro iyo xildhibaanno aan culays iyo cidhiidhi mooyaane wax kale ku kordhinaynin  socodka madaxweynaha, waxana guud ahaanba Siinad-guuray qaabkii madaxweynuhu uga qaybgelayey…

                  Read More

                    Qaramada Midoobey oo xaqiisay in shacabka Syria lagu laayay Sun,balse ka gaabsatay in ay shaaciso cida sunta ku xasuuqday

                    New York Sept 17,2013(SDN)-Koox ka socotay QM oo dhawaan baaritaan u tagtay dalka Syria ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay ku xaqiijisay in weerarkii 21kii August lagu qaaday duleedka Dimishiq oo ay ku dhinteen dadka faraha badani uu ahaa mid la adeegsaday sun. Gudidan QM ayaa sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen in cidii isticmaashay…

                    Read More

                      Golaha Wakiillada Somaliland Oo Maanta u Gudo Geli Doono Xeer Xaasaasiyad Weyn leh, Ansixintiisuna Halis tahay

                      Hargeysa: 17-Sep-2013(SDN)-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta si Toos ah u gudo geli doono Xeerka Waddooyinka oo dhawaan madaxtooyadu u soo Gudbisay, kaas oo muran iyo cabasho weyn ka dhex dhaliyey Bulshada Somaliland.  Xeerka Waddooyinka oo ah mid waajibinaya cashuur xad-dhaaf ah oo laga qaadi doono Xoolaha Nool ee dekedda ka dhoofaya iyo Baabuurta iska kala…

                      Read More

                        Horumarka gobalka Togdheer waa horumarka Somaliland

                        Guddida Togdheer Development Foundation UK, dhamaan waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada ka soo jeeda gobalka Togdheer ee ku dhaqan UK. waxay si weyn u soo dhaweenayaan Madaxweynaha Somaliland Mudane Ahmed Mahamed Mahamuud iyo waftiga uu hogaaminayo ee ku sugan Gobalka Togdheer. Gudida TDF waxa ay marwalba u taagantahay sidii loo hore marin lahaa gobalka togdheer iyo…

                        Read More

                          “Sagaal sannadood ayaan dariiqaas marayay sidaan ku marayayna ilaahbaa ogaa” Wasiirka Deegaanka {DHAGAYSO}

                          Burco 16.Sep 2013 (SDN)-   Wasiirka Wasaarada Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa ka dalbatay Shacabka ku nool Magaalada Hargaysa inay dhaqaale u huraan dhamaystirka Wadada isku xidhaysa Gobolada Sanaag iyo Togdheer. Wasiirka Horumarinta Miyiga ayaa Tilmaantay dhibaatadii ka qabsan jirtay Mudo sagaal sanno ah oo ay Jidka rafaadka badan ee xidhiidhiya…

                          Read More

                            “Anagu hadii aanu nahay Bah’da Waxbarashada Account (Sanduuq Xisaabeed) ayaanu u furnay Wadadan” Wasiirka Waxbarashada {DHAGAYSO}

                            Burco 16.Sep 2013 (SDN)-  Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Zam Zam Cabdi Aadan ayaa balan qaaday in Guud ahaan bah’da Waxbarashadu ay si hagar la’aan ah uga qayb qaadanayaan dhamaystirka Jidka Isku xidha Gobolada Sanaag iyo Togdheer ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo dhagax dhigay maanta. Wasiirka waxbarashadu waxay sheegtay inay Sameeyeen Sanduuq…

                            Read More

                              Ciidamada Qaranka iyo Booliska oo Askarigiiba Hal Dollar bishii ugu Tabarucay Dhismaha Wadada Ceerigaabo iyo Burco {LABADA Taliye Ciidan Dhagayso}

                              Burco 16.Sep 2013 (SDN)- Taliyeyaasha ciidammadda Qaranka Iyo Booliska Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) iyo Sareeye Guuto Cabdilaah Fadal Iimaan ayaa maanta si wada jir ah shaaca ugaga qaaday inay sadexda bilood ee soo socda askari kasta oo ka tirsan labadaas ciidan ugu deeqayaan min hal dollar oo ka mid ah mushaharkiisa dhismaha…

                              Read More

                                Hargeisa, Sep 16, 2013 (SDN) -Somalia might conjure images of pirates and Blackhawk Down, but the northern autonomous region and former British protectorate of Somaliland remains a peaceful, although economically depressed, place. Last month the international airport at the capital, Hargeisa, “re-opened” following renovations and modernization, funded to the tune of $10 million by the…

                                Read More

                                  Dawlada Somalia oo ku Hawlan Qorshe ay ku Maxkamadaynayso Xasan Daahir Aways

                                  Muqdisho 16.Sep 2013 (SDN)- Xog-hayaha ururkii burburay ee Xisbul Islaam, Maxamed Macallin ayaa maanta sheegay in dhowaan maxkamad la soo taagi doono hor-jooge Xasan Daahir Aweys oo u xiran dowladda federaalka Soomaaliya.             Maxamed Macallin oo warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xarigga…

                                  Read More