Webmaster

Fal Dembiyeedyada Nacaybka Ku Salaysan Oo Ku Soo Kordhaya Kanada

Otto 19. June 2017 (SDN/QJ):- Dembiyada naceybka ku saleysan ee laga soo sheegayo dalka Kanada ayaa xoogaa kordhay sanadkii 2015, waxaana lagu saleeyay dhacdooyinka lagu bartilmaameedsanayo Muslimiinta, Carabta iyo dadka ka soo jeeda Woqooyiga Aasiya, sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo la soo saaray. Booliiska ayaa sheegay in 1362 fal dembiyeed oo ka dhacay…

Read More

Saynisyahano Ruushka Ah Oo Ikhtiraacay Maado Biyaha Iyo Ciida Lagaga Saari Karo Saliida Ku Qubata

Hargaysa 19. June 2017 (SDN/QJ):- Koox Saynisyahano ah oo u dhalatay wadankaasi Ruushka kana tirsan jaamacadda  Siberian State University  of Science and Technology  ayaa soo saartay maado cusub oo kiimiko ah, taas oo awood u leh inay biyaha iyo ciida ka nadiifiso haddii saliid iyo naafto ku qubtaan. Maadadan cusub ayaa lagu magcaabaa Bioreactor ,…

Read More

Daroogada Cocaine-Ta Oo La Ogaadey Inay Saamayso Qaybo Kamida Maskaxdu Shaqaday Qabato

New York 19. June 2017 (SDN/QJ):-Daraasad cusub oo ay soo saareen koox  Maraykan ahi ayaa lagu ogaadey in qaadashada daroogadan oo saacado yar la qaataa ay maskaxda ku keento dhaawac weyn oo ay gaadhsiiso meelaha u qaabilsan waxbarashada iyo weliba go’aan qaadashada. Daraasadan ayaa tilmaantay in qofka qaata daroogadan loo yaqaano Cocaine-ta  uu noqdo qof…

Read More

Dad Cadhaysan Oo Ku Hor Banaan Baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Ingiriiska Theresa May SAWIRO

London 19. June 2017 (SDN/QJ):-Boqolaal qof oo ka careesnaa sida dowlada Britain uga fel celisay dabkii xooganaa ee dhawaan qabsaday dhismo kuyaala magaalada London ayaa ku hor banaan baxay xafiiska magaalada London ku leedahay Ra’isul Wasaare Theresa May.   Banaan baxayaasha oo watay boorar ay halku dhigyo kala duwan ku qornaayeen ayaa ka codsanayay Ra’isul…

Read More

Maxkamad Ku Taala Maraykanka oo Soo Saartay Xukun Sheegaya in Daanyeerku aanu Lahayn Xuquuq la Mid ah Ta Bani aadamka

New York 19. June 2017 (SDN/QJ):-Maxkamadda racfaanka ee gobalka New York ee dalka Maraykanka ayaa khamiistii aynu soo dhaafnay soo saartay go’aan kama dambays ah oo sheegaya in danyeerku aanu yeelanayn xuquuq la mid ah xuququda aadamaha, iyada oo sida oo kalana diidday in la sii daayo laba daanyeer oo qoys haystay, si loo geeyo…

Read More

Caanaha Lo’da Oo La Ogaadey Inay Caruurta U Fiican Yihiin

Hargaysa 19. June 2017 (SDN/QJ):- Dhakhaatiirta dalkaasi Canada ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen soo saaray natiijadeedii, iyaga oo sheegay in caanaha lo’da oo ay daraasadan ku samaynayeen ay ogaadeen in ay caruurta uga fiican yihiin caanaha kale ee la isticmaalo, marka laga reebo caanaha naaska hooyada. Waxa kale oo ay sheegeen in caanaha lo’da caruurta…

Read More

In Ka Badan 180 Ka Tirsan Dagaal Yahaniinta Daacish & Sarkaal Sare oo Lagu Dilay Duqayn Dhinaca Cirka ah

Dimishiq 19. June 2017 (SDN/QJ):- Ugu yaraan 180 ka tirsan dagaalyahanada Ururka daacish  oo uu ku jiro sarkaal sare ayaa la aaminsan yahay in lagu dilay weeraro dhanka cirka ah oo ay diyaradaha dagaalka ee Ruushku ka fuliyeen gudaha suuriya. Wasaaradda difaaca ee dalka ruushka ayaa shaacisay inay dagaalyahanadaa daacish ka tirsan ku dileen duleedka…

Read More

Madaxii Amniga ee Magaaladda Istanbul ee Dalka Turkiga oo Isu Dhiibay Ciidamadda Iyo Eedaymaha Loo Haysto

Istanbul 19. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxii amniga ee Magaalada Istanbul ee dalka turkiga Xuseen Tusaabiqi ayaa isu soo dhiibay Xukuumada Dalka Turkiga isagoo lagu eedaynayey inuu lug ku lahaa afgembigii badhtamihii sanadkii hore la isku deyey ee dalkaasi Turkiga. Wakaalada Wararka ee Anadol oo soo xiganaysay sarkaal ammaanka u qaabilsan caasimada Turkiga ayaa sheegay in…

Read More

Madaxweyne Donald Trump oo Nidar Ku Maray inuu Wax ka bedel Balaadhan Ku samaynayo Heshiiskii uu Brack Obama la Galay Dalka Kuuba

Washington 19. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha maraykanka Mr: Donal Trump ayaa ku dhawaaqay in uu wax ka badal balaadhan ku samaynayo heshiiskii madaxweynihii hore Mr: Brak  Obama la saxeexday madaxda xukuumada Kuuba, isagoo ku tilmaamay mid aan dheeli tirnayn. Mr: Donal Trump, waxa uu intaasi ku daray in heshiiskaasi faa’iido balaadhan u keenay madaxda iyo…

Read More

900 oo Muhaajiriin Nolol Raadis ah oo ay Soo Badbaadiyeen Ciidamada Ilaalada Xeebaha Liibiya

Tripoli 19. June 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Dalka Liibiya ayaa ku dhawaaqay in ay soo badbaadiyeen 900 oo ruux oo qaxooti afrikaan ah oo ku gooshayey xeebaha Magaalada Masaraatah ee Dalkaasi liibiya.   Ayuub Qaazim oo ah afhayeen u hdlay ciidamada ilaalada xeebaha eeliibiya ayaa sheegay in dadkan tahriibayaasha ahi ay isugu jiraan…

Read More

Ciidanka Isra’il oo Magaaladda Qudus Ku Dilay Sadex Dhallinyaro Falastiiniyiin ah

Qudus 19. June 2017 (SDN/QJ):-Saraakiisha dalka Israa’iil ayaa sheegaya in ay ciidamada Israa’iil ku dileen magaalada Qudus seddex dhalinyaro oo Falastiiniyiin ah, ka dib markii mid ka mid ahi dhalinyaradaasi uu Tooray ku dilay gabadh ka tirsan Booliiska Israa’iil. Shilkan oo ka dhacay deegaanka Qudustii hore waxa ay saraakiisha Israa’iil intaasi ku dareen in labada…

Read More

Masuuliyiinta Dekedda Berbera oo ka Warbixiyey Qasaaraha qayb Dekedda ka mid ah oo Saacado Gubanaysay DAAWO

Berbera 18. June 2017 (SDN/QJ):- Maamulka Dekedda Berbera, Masuuliyiinta Waaxyaha qaarkood iyo Madaxda gobolka Saaxil, ayaa sheegay inay ku guulaysteen deminta Dab qabsaday qaybta Koonteennarrada ee Dekedda Berbera, kaas oo ay sheegeen in bakhtiintiisa lagu guulaystay muddo saddex saacadood iyo dheeraad ku siman oo ay qaybtaasi gubanaysay ka dib. Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir,…

Read More

Xisbiga uu Hogaamiyo Madaxweynaha Da’da Yar ee Dalka Faransiiska oo Guulo La Yaab leh Ka soo Hooyay Doorashadii Baarlamaan ee Dalkaasi ka dhacday

Paris 18. June 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga haya talada dalka Faransiiska ayaa ku guulaystay aqlabidyada Kuraastii Baarlamaanka ee doorashadii dhacday maalintii Axada. Natiijooyinka ayaa muujinaaya inuu helay xisbiga Madaxweyne Macron 425 kursi, iyada oo loo tartamayey 577 kursi. Guushan uu helay xisbiga Madaxweynaha oo cimrigiisu jiray muddo sannad ah ayaa ka hooseeya intii la rajaynayey, musharaxiinta…

Read More

Dab aad u Xoogan oo Xiligii Afurada ee Galabta ka Kacay Dekeda Magaaladda Berbera & Waxa Sababay oo Aan Cadayn DAAWO

Berbera 18. June 2017 (SDN/QJ):- Dab Xoog badan ayaa Afurkii Galabta Waxa uu Ka Kacay Dekeda Magaaladda Berbera, Qiiqa Iyo Ololka Dabkan ayaa Laga Wada arkayay Xaafadaha Kala Duwan ee Magaaladda Berbera. Wararka qaar ayaa Sheegaya in Koonteenaro Dekeda yaalay uu dabku ka kacay Hasa Yeeshee ilaa hada Kamay Hadal Shirkada DPW ee Maamusha Dekeda…

Read More

Gudomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda oo Ka Hadlay Sida uu ula Muuqdo Heshiiskii Khaatumo Iyo Somaliland ay Shalay Hargaysa Ku wada Gaadheen DAAWO

Hargaysa 18. June 2017 (SDN/QJ):- Ku Simaha Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Maanta Ka hadlay Heshiiskii ay Magaaladda Hargaysa Ku Wada Gaadheen Maamulka Kooxda Khaatumo ee uu Gadhwadeenka Ka Yahay Cali Khaliif Galaydh Iyo Xukuumadda Somaliland. https://www.youtube.com/watch?v=vsIBc0WVymc&feature=youtu.be

Read More

Dawlada Itoobiya oo Sheegtay inay Si Balaadhan u adeegsan doonto Dekeda Berbera DAAWO

Addis Ababa 18. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka gaadiidka ee Itoobiya Mr Axmed Shide ayaa dabooka ka qaaday inay Itoobiya noqon doonto dalka sida balaadhan u adeegsan doona dekedda Berbera, ka dib casriyaynta iyo maalgashiga DP world ee dekedda Berbera. Wasiirka oo isagoo Djibouti jooga u waramay weriye Cali-Seenyo oo ka tirsan telefishanka Saab, wuxuu sheegay…

Read More

Xildhibaan Kulmiye ah oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo U soo Jeediyey In Xulufada Sucuudiga lagala Noqdo Taageeradii Qatar ka dhanka ahayd Ilaa ay Aqoonsadaan Somaliland

Hargaysa 18. June 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo ka tirsan Golaha Wakiilada, kana mid ah Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Xukuumaddu ka noqoto go’aankeedii hore ee ay dhex-dhexaadka kaga noqotay khilaafka ka dhex aloosan xulafada uu Sucuudigu hoggaaminayo iyo Wadanka Qatar, waxaanu  ayaan daro ku tilmaamay…

Read More

Maxkamadda Hargeysa oo Markii Kowaad Xukuntay Dhalinyaro Xaaraan ay Cunayeen Ramadaanta lagu soo qabtay oo Gabadhi ku Jirto DAAWO

Hargaysa 18. June 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda degmada Hargeysa, ayaa Xukunno ku ridday toddoba Dhalinyaro ah oo ay mid ka mid ahi Gabadh tahay, kuwaas oo ay Ciidammada Boolisku ku soo qabteen iyaga oo Cunto iyo Qaad ku cunaya Beer ku taalla Xaafadda Masallaha ee magaalada Hargeysa, isla markaan qaarkood qirteen, kuwo kalena Markhaatiyo Maxkamadda kaga…

Read More