Webmaster

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif iyo Madaxweynihii hore ee Punt land C.raxmaan Faroole oo Kulan Gaar ah Jabuuti ku Yeeshay

Jabuuti,12,May 2016 (SDN/QJ):- Magaalada Jabuuti ayaa habeenkii xaley waxaa kulan ku dhexmarey madaxweynihii hore ee Somaliya Shiikh Shariif Axmad iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Shiikh Maxamad Farole kuwasoo kuwada hadlay arrimaha Somalia. Kulankaan oo ka dhacey Hotelka madaxweynihii hore ee Puntland ka dagan yahay magaalada Jabuuti ee Sharaton ayaa wararku sheegayaan iney diirada saarayeen…

Read More

Ganacsade soo dhaweeyay Balaadhinta Dekadda Berbera ee Heshiiska lagula Galay Shirkada Dubai World Port Iyo Dareenka Bulshada ee Fulinta Heshiiskan

Hargaysa,12,May 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah ganacsatadda   Somaliland ee badeecadaha kala soo dega waxna ka dhoofiya  dekadda  magaaladda  Berbera ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiska hor-dhaca ah ee lagu balaadhinayo  dekadda ee ay wada gaadheen xukuumadda Somaliland iyo shirkadda caalamiga ah ee Dubai World. Ganacsade Cali Ibraahim Ciise, oo ka mid ah ganacsadda…

Read More

Heshiiskaa Ay Madaxweynaha Iyo Gudoomiyaha Kulmiye La Galeen Shirkadda Imaaraadka Waa Sharci Darro” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble DAAWO

Hargaysa,12,May 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa si kulul u cambeereeyay heshiiska wareejinta dekedda Berbera ee dhexmaray xukuumadda iyo imaaraadka carabta, isla markaanna waxay sheegeen in xisbiga waddani aaminsanyahay heshiiska dhexmaray xukuumadda iyo imaaraadka carabtu inuu yahay mid baalmarsan sharcigga. Gudoomiyaha xigeenka xisbiga Waddan Axmed Muumin Seed, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, siyaasi Cali…

Read More

Howlaha Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo Garowe lagu daah furay

Garowe,12,May 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu daah furayay shaqada guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), kuwaas oo dhawaan ansixiyeen Barlamanku.   Xafladda daah furka oo lagu qabtay xarunta PDRC, waxaa looga hadlay qaabkii loo taageeri lahaa guddigaas iyo shaqadooda, iyadoo lagula dar-daarmay inay…

Read More

Ganacsiga Baledweyne oo istaagay kaddib qiima dhac ku yimid Shilin Soomaaliga.

Baledweyne,12,May 2016 (SDN/QJ):- Dibadbaxyo ayaa Shalay ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib markii uu istaagay ganacsiga magaaladaasi.   Ganacsiga ayaa istaagay kadib markii uu qiimo dhac ku yimid lacagta shilinka Soomaaliga oo markii hore boqolka dollar lagu sarifi jiray labo milyan iyo labo boqol oo kun, balse saaka ayaa waxa lagu sarifayay…

Read More

Ma Rabtaa Inaad ka Mid Noqoto Boqolka Halyey ee Diiwaanka Baal-ka dahabka ah ee Baro oo Ku Dayo Muwaadinkaaga?

BARNAAMIJKA BARO OO KU DAYO MUWAADINIINTA DANTA GUUD WAX WEYN KA SOO QABTAY EE KU DAYASHADA MUDAN. Tel: 0634428572 / 0659700840 Email:kudayo2016@gmail.com MA RABTAA IN AAD KA MID NOQOTO 100-KA MUWAADIN EE HALYEEYAD AH EE DANTA GUUD WAX WEYN KA QABTAY, EE NASIIBKA U HELAY IN LAGU QORO “DIWAANKA BAALKA DAHABKA AH EE HALYEEYADA REER…

Read More

ENG Cali Xoor-Xoor Oo Si Xeel Dheer Uga Hadlay Maal-gelinta Dekedda Berbera & Dheefta Dal Iyo Dadba Ugu Jirta

Hargeysa, 11 May, 2016 (SDN/QJ):-Maareeyaha Dekeda Berbera Inj Cali Maxamed Cumar (Xoor-Xoor) ayaa si faahfaahsan uga waramay ahmiyada heshiiskani u leeyahay Somaliland iyo sida loo fulinayo iyo waliba qaabka uu u saamaynayo heshiiskani shaqaalaha Somaliland u dhashay ee hadda ka hawlgala dekeda. Maareeyuhu wuxuu arrimahan kaga hadlay wareysi uu la yeeshay wariyaha idaacada BBC-da, laanteeda…

Read More

Laascaanood: Dadweynaha Oo Ka Gadooday Sicir-Barar Loo Nisbeeyay Lacagta Shilin Soomaaliga Ah Oo Puntland Kaga Timaadda Gobolka Sool

Laascaanood, 11 May, 2016-(SDN/QJ): – Dadweynaha ku Dhaqan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa Shalay Sameeyay Isku soo bax Ballaadhan oo ay kaga soo horjeedaan Sicir barar ku yimid Maceeshadda, kaasi oo la sheegay inay sababtay Lacagta Shilin Soomaaliga ee Gobolka Sool ka soo gasha dhanka Puntland. Mudaharaadkan oo la sheegay inay…

Read More

Faysal Cali Waraabe Oo Daaha Ka Feyday Qorshe Halis Badan Oo Xisbiyadu Ku Iibsanayaan Waraaqaha Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka & Qiimaha La Kala Siisto

Hargaysa 11,May  2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ku eedeeyay inay Dadweynaha ka iibsanayaan Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada, markii la joojiyey Codeyntii dhowrka jeer lagu noqnoqonayey. Faysal Cali Waraabe oo Wareysi siinayey Telefiishanka Universal, ayaa sheegay in Doorashada soo socota ay ku soo korodhay wax…

Read More

Xuska 25 Guurada Madax-bannaanida Somaliland Oo Lagu Marti-qaadayo Wufuud Kala Ka Socota Soomaaliya, Kililka Shanaad, Kenya Iyo Jabuuti

Hargaysa 11,May  2016 (SDN/QJ):- Xuska 25 Guurada Gooni-isku-taaga Somaliland oo ku beegan 18-ka Bishan May oo ay innaga Xigto Muddo 6 Maalmood ah, ayaa lagu Casuumayaa Dad badan oo ka kala socda Kililka Shanaad ee Itoobiya, Ismaamulka Soomaalida Kenya, Soomaaliya iyo Jabuuti, si ay goob-joog uga noqdaan Debbaal-degga Xuska 18-ka May. Sida uu Warbaahinta u…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Qeexay Maalgalinta Dubai World Iyo Xaddiga Lacageed Ee Xaqal Qallin Ee Somaliland La Siiyey

Hargaysa 11,May  2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Sacad Cali Shire oo isagu Doraad magaalada dubai ku saxeexay heshiis maalgashi ee dhex maray Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, oo dalka ku soo laabtay ayaa warbaahinta uga waramay heshiiskani, waxaanu sheegay in heshiiskan la horgeyn doono golaha wasiirada iyo golaha wakiiada. Wasiir Sacad ayaa hadalkiisa waxa…

Read More

Dhalinyaro Cadhaysan Oo Suuqa Hargeysa Dhex Baacsaday Askar Qaab Anshaxa Askarinimo Ka Baxsan Ula Dhaqantay Danyarta Kaaryoomayaasha Ku Ganacsata Suuqa Hargeysa

Hargaysa 11,May  2016 (SDN/QJ):- Qaar ka tirsan Ciidanka Bilayska Ka hawlgala Dawlada Hoose ee Hargeysa iyo Dadka danyarta ah ee Bacad yaalka ah ee ku ganacsada hareeraha Jidka Halbawlaha badhtamaha Magaalada Hargeysa ayaa gacmaha iskula tagay Shalay kadib markii ay ciidankaasi ula dhaqmeen Qaab Anshaxa askarinimada ka baxsan. Wariye Wargeyska Foore ka tirsan oo dhacdadan…

Read More

Somaliland Qaran Sodon Jirkiisii Mar kale dib u dhashay “Barnaamijyo Gaar ah ka Dhagayso Qurbejoog.com” Qaybtii 1aad

Hargaysa 11,May 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Somaliland loogu diyaar garoobayaa Xuska 25 Guurada ka soo wareegtay Markii Magaalada Burco lagaga dhawaaqay dib u soo celinta Xornimadii foof halawday 1960kii. Hadaba Shabakada Qurbejoog ayaa halkan idiinku soo Gudbinaysa Barnaamijyo Gaar ah oo ay ku milicsanayso Sooyaalkii Taariikheed ee Somaliland soo Martay. Waxaa Isku soo Duba riday Maxamed…

Read More

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya oo ka mahad Celiyey Deeq uga timid Igad Iyo Heshiiskii Turkiga Oo Hal Bacaad Lagu Lisay Noqday DHAGAYSO

Muqdisho 11,May  2016 (SDN/QJ):- Wasaaradda gaadiidka iyo duuliska hawada Soomaaliya ayaa qalab lagu maamulo cimilada dhanka duulimaadka waxaa ay kala wareegtay Urur goboleedka IGAD.   Munaasabada qalabkaasi lagula wareegayey ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada, wasiir ku xigeenka wasaaradaasi, maareyahaya hey’ada duulista iyo saadaasha hawada, masuuliyiin ka socotay urur gobeleedka IGAD…

Read More

‘’Xuquuqdaada Muwaadinimo Waxaad ku Ilaalin kartaa Adigoo is diiwaangeliya’’ La Taliyaha Madaxweyne Siilaanyo Axmed Carwo DAAWO

London 11,May 2016 (SDN/QJ):- La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca arrimaha dhaqaalaha Axmed Xasan Carwo ayaa sheegay in diiwaangelintu tahay xaqqa uu muwaadinku uu u leeyahay inuu talada dalka wax ku yeesho. Ahmed Xasan Arwo waxa uu sidaa ku sheegay muuqaal Daawasho ah oo uu soo saaray isaga oo ku sugan dalka Ingiriiska Diiwaangelintu waa xaqqa muwaadinku…

Read More

Beeralayda iyo Dadka ka ag dhow Wabiyada Mara Soomaaliya oo bilaabay Qaxitaan DHAGAYSO

Shabeelaha dhexe 11,May  2016 (SDN/QJ):- Dadka beeralayda ah ee ka faa’iidaysan jiray biyaha Wabiga ee gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa bilaabay inay isaga cararaan beerahooda iyo dhulka joogiisu hooseeyo kadib markii fatahaadii ugu horaysa wabigu uu gaystay xiligan.   Madaxda dawlada federalka Soomaaliya gaar ahaana waaxda ka horta abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah ayaa…

Read More