“Ereyga Xaqa Ah Ha la Aamusin”… Dardaaran Gaar Ah Oo Gaarriye I Faray W/Q Siciid Gahayr (Hargeysaawi)
Aan afeef ku bilaabo’e Dhambaalkan aniga ayaa qoray, masuuliyaddiisana leh… Wixii uu gedaafo iyo guul sidana aniga ayaa guudka la ii saarayaa… Waa hilaad aynu hadda ka joogno ugu dhawaan afar gu’ iyo March/2009-kii.. Amintaas waxa aan ku gudo-jiray qoraalka dhigane magaciisu yahay CULUUMTA MAANSADA oo haatan ifka u soo baxay… Aqoonyahannada aan rabay inay…
