“Xaq buu u leeyahay in loo soo qabto oo maxkamada horteeda la keeno oo eedaas iyo kiiskaasba la baadho,Annaguna xaq waxaanu kuugu leenahay inaad nagu soo cadayso” Wasiirka Warfaafinta Somaliland
Hargaysa 24.October 2013 (SDN)- Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay inuu Hay’adaha amniga iyo kuwa sharciga la tagayo in lagu soo cadeeyo eedo uu Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille shalay u jeediyay oo la xidhiidhay inuu wax ka soo qorsheeyay ninkii habeen sadexaadkii ku rasaaseeyay Xildhibaanka magaaladda Hargeysa. Wasiirku…
