Home » 2:03 pm Entries posted on “May, 2014”

“Shir Waxaa Go’aamadiisa Saxeexa Gudoonkii Shirka,Cidii ka Baxsani Waa Waxba kama Jiraan” Xasan Macallin {DHAGAYSO}

Hargaysa 31.May 2014 (SDN/QJ)- Mudane Xasan Axmed Ducaale Xasan Macallin oo ah Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa maanta waxa uu faahfaahiyay Qaraar ay Gudidoodu ku Sharciyaysay Go’aamadii ka soo baxay Shirweynihii 3aad ee Xisbiga Kulmiye kaas oo ay u soo Gudbiyeen Shir Gudoonkii Shirweynahaas oo ahaa Halkii uu ka Unkamay Khilaafka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Tv-yada Madaxa Bannaan Oo Madaxtooyada Horteeda Ku Burburiyey Cajalado Hadalkii Madaxweynaha Oo Tifaftirani Ku Duubnaa Oo Loo Xambaariyey

Hargeysa:May,31,2014(SDN/QJ)-Warbaahinta Madaxa Bannaan ayaa si weyn uga cadhootay  Habkii loo  Nidaamiyey Khudbad xilligii la duubay la garan la’yahay oo uu madaxweyne Siilaanyo kaga Hadlayey Xaaladda Dalku Marayo. Warar sheegaya inuu madaxweynuhu    Taariikhda Markiisii koowaaad si toos ah saxaafadda u wajahi doono ayaa soo Ilaa iy Shalay, waxase Maanta Abaaro 2:00pm Saxaafadda looga Yeedhay Aqalka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Arinta Musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga kulmiye ma jirto balan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee” Madaxweyne Siilaanyo {DAAWO/DHAGAYSO}

Hargaysa 31.May 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa daboolka ka Qaaday in aanu Jirin Heshiis hoose oo dhex maray Isaga iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi,Isagoo ogolaaday inuu Muuse Biixi kula Tartamo Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee lagu Jaangoynayo Murashaxa Xisbiga ee doorashada soo socota. Waxaa kale oo Mudane Siilaanyo Xusay in Isaga iyo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gudida Ansixinta Ururada Siyaasada oo Sharciyeeyay Qaraarkii Xudun Xidhka u ahaa Muranka Xisbiga Kulmiye.

Hargaysa 31.May 2014 (SDN/QJ)- Guddida Diwaan Gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Somaliland ayaa sheegay in Guddida Fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee ay magacaabeen Shir gudoonkii Shirweynaha Kulmiye yihiin kuwa Sharciga ah ee Xisbiga Kulmiye. Go’aan Guddidu soo saartay ayaa Golaha dhexe iyo Guddida Fulinta sida weyn Garabyada Kulmiye iskugu hayaan […]

Posted in Uncategorized | Read More »

WAR DEG DEG AH:-Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Maanta Afkiisa ka Sheegtay Murashaxnimadiisa,Ogolaadayna inuu Gudoomiye Muuse la Tartamo,iyo arrimaha Nabadgalyada

Hargaysa 31.May 2014 (SDN/QJ) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ilaa Xalayba laga sugayay Shir Jaraa,id oo uu qaban lahaa ayaa Maanta si qarsoodi ah oo Warbaahinta loo diiday Khudbad Kooban uu ugu duubay Telefishanka ay Madaxtooyadu maamusho. Mudane Siilaanyo Waxa uu Daboolka ka Qaaday inuu u Taagan yahay Murashaxnimada Shanta Sanno […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Baraamijka Xulashada Todobadkan iyo Wariye Mustafe Shaafi iyo qoraa reer somaliland oo ka hadlay

London31May(SDN) baraamijka xulashada iyo todobadkan waxa marti ku ah qoraaga cabdiraxmaan fidhile oo ka hadlaya qoraalo uu ku qoray warbaahinta oo dawlada somaliland dhibaataysatay daawasho wacan.        

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxwaynahii hore ee Somaliland Dahir Riyaale iyo Madaxda xisbiga Ucid oo kulan ku qatay Dubai

Ka London31May14 (SDN) gudoomiyaha xisbiga ucid faysal cali waraabe iyo musharaxa madaxwaynaha jamaal cali xuseen AYAA waxay kulaN la qateen MADAXwayanhIi hore ee soMalilaNd mudane Dahir Riyale KaahIn kulankan  oo aan loo Ogalayn Saxafada  ayaa Waxa laysla Soo qatay sidii dalka loo badbadin  Laha IyO khilaafka ka dhexeya xisbiga Kulmie iyo sidii shirwayne qaran loo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay ciidamada Somaliland u qorsheyso Shirkadaha Shidaal baarida

Washington May 31,2014(SDN/QJ)-Xeel dheereyaasha Qaramada Midoobey ayaa ka digay ciidamo Somaliland ay sheegtay in ay sugi doonaan  amniga shaqaalaha shidaalka ka baaraya Somaliland. Jarat Chopra oo ah Khabiir dhanka amaanka talooyinka amniga siiya ayaa shir ilbaabadu u xiran yihiin oo uu la yeeshay Gollaha amaanka ee QM waxa uu ka warbixiyay khataraha ciidamada shirkadaha Shidaalka. […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ciidamadda AMISOM Iyo Kuwa Jubba Oo Badbaadiyey Ganacsato Shabaabku Afduubteen

Kismayo:May,31,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Amisom iyo kuwa Maamulka Jubba, ayaa Shalay Galabtii Kooxda Al-shabaab Xoog kaga Soo Furtay Tiro Haween iyo Rag isku jira oo ay ka Afduubteen Aagga Kismayo, kuwaas oo ahaa Ganacsato Qaadka Iibisa.   Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in ciidamada AMISOM iyo ciidamada maamulka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gobollada iyo Degmooyin ka mid ah Somaliland ay Ka Socdaan Ololeyaal Muuse iyo Madaxweyne Siilaanyo Lagu Kala Taageerayo

Hargeysa:May,31,2014(SDN/QJ)-Waxa  sii xoogaysanaya Xamaasadda u dhexeysa Madaxweyne Silanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi, taas oo la xidhiidha cidda Noqon doonta  Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Kulmiye. Inta Badan Degmooyinka Somaliland shacabka ku dhaqani waxa ay si weyn u hadal hayaan tartanka  sida lama filaanka ah uga  dhex bilaabmay Labadan nin oo muddo saaxiib soo ahaa, isla-markaana Duruufo […]

Posted in Uncategorized | Read More »