Home » 9:26 pm Entries posted on “July, 2016”

“Xukuumada Wali waanu uga Fadhinaa Samigii aanu xaga ugu lahayn” Suldaanka Ayuub

Hargeysa, 31,7,2016 (QJ/SDN) – Suldaanka Beelaha Ayuub Suldaan Aadan Suldaan Aamin Suldaan Faarax ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihiin Mashruuca laga hirgaliyey dekeda Berbera, Saami qaybsiga beesha ee Xukuumada Kulmiye iyo arimo kale “ waxaanu aad u soo dhawaynaynaa Dekeda Berbera Mashruuca laga hirgaliyey waananu taageersan nahay hadaanu nahay Beesha Ayuub sheekh isaxaaq […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

13 qof oo ku Dhimatay Qaraxyo Iyo Weerar ka Dhacay Xarunta Denbi baadhista Qaranka ee Muqdisho

Muqdisho,31.July 2016 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ururka Alshabaab ay weerar ku qaadeen xarunta dembibaadhista Qaranka ee Soomaaliya. Goobjoogayaal ayaa sheegay in laba gaadhi oo walxaha qarax laga buuxiyey lagu weeraray afaafka hore ee xarunta dembi-baadhista. Sida laga soo xigay Wasiirka Amniga Somaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ugu yaraan 13 qof ayaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

DAAW0: Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Ka Jawaabay Hadalkii Kasoo Yeedhay Safiirka Turkiga Ee Muqdisho

Hargeysa,31,7,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Sacad Cali Shire ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalkii shalay kasoo yeedhay Safiirka dalka Turkiga u fadhiya magaalaa Muqdisho – kaasi oo sheegay in ay ka shaqaynayaan midnimada Soomaaliya.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Hadalkii Shalay Ee Safiirka Turkiga iyo Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Jawaabtay

Hargeysa,31,7,2016 (QJ/SDN) – Safiirka dawlada Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya Olgan Bekar ayaa  shaaca ka qaaday in aanu dalkiisu aqoonsan baasaaboorka somaliland. Safiir Olgan Bekar oo warbaahinta kula Hadlay Magaalada Muqdisho Shalay ayaa isaga oo ka jawaabayey su’aal daba socotay hadal uu hore u sheegay qunsulka safaaraddiisa u fadhiya Somaliland oo sheegay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Garabka Jaamal Cali Xuseen oo ka Digay Dib u dhac uu Sabab u yahay Gudoomiye Faysal oo ku Yimaada Shirweynihii Xisbiga Ucid

Hargaysa,31.July 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf ayaa ka digay Hagar daamooyin uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku hayo dhaqan gelinta Go’aanadii ka soo baxay Gudida diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada qaranka ee Ku Saabsanaa Dacwadii Khilaafka Xisbiga Ucid. Cali Guray ayaa sheegay in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Guul-Wadeynta Wasiirada Somaliland Iyo Falaqeynta Suxufi Cali-Xaraare Barnaamij Xiiso Baddan DAAWO

Hargaysa,31.July 2016 (SDN/QJ):- Kaftanka Siyaasada iyo Guulwadeynta wasiiradda Soomaaliida waa barnaamij xiiso baddan oo ka baxa Telefiishanka Caalamiga ah Kalsan TV, waxaana barnaamijkaasi soo saare ka ah Suxufi Cali Xaraare. Shabakada Qurbejoog waxay akhristayaasha halkan ugu soo gudbinaysaa Barnaamijka Kaftanka Siyaasada ee HALKAN HOOSE KA DAAWO

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Jigjiga: Heshiis Ay Weftiga Sul. Maxamed Sul.Xirsi Qani Iyo Madaxweynaha Kililka 5aad Ka Gaadheen Dhacdadii Gaashaamo

Hargaysa,31.July 2016 (SDN/QJ):- Kulan wadahadal oo dhawr maalmood uga socday magaaladda Jigjiga wefti uu hogaaminayay Suldaan Maxamed Sul. Xirsi Qani iyo Madaxwaynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar iyo xukuumaddiisa, isla markaana lagaga arrinsanayay dhacdadii ay ciidanka Liyuu Boolisku ku dilleen 21 qof oo shicib ah degmadda Gaashaamo, ayaa la sheegay in la soo gabagabeeyay, laganna gaadhay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Suldaan Cismaan Cali Madar Muxuu Ka Yidhi Dhacadadii Jaamac Dubad Iyo Shirar Siyaasiyiinta Galbeedka Burco Iyo Koonfurta Hargaysa Dhex Maray? DAAWO

Hargaysa,31.July 2016 (SDN/QJ):- Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ah Suldaanka guud ee beesha Habar-yoonis ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oo ay kamid yihiin xaaladihii u danbeeyey ee deegaanadii degmada gaashaamo ee dhawaan xasuuqu ka dhacay, aragtidiisa salaadiin iyo cuqaal dhawaan u tagay Ina iley iyo shirwayne ay dhawaan qabsanayaan beelaha Garxajis.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Keebaa Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Safiir Baashe Cawil Run Ka Sheegaya Dhaxal-wareejinta Dekedda Berbera?, Maxaase Lagu Aamini Karaa Xukuumad Kala Hadlaysa Oon Wada Socon?!!

Hargaysa,31.July 2016 (SDN/QJ):- Tan iyo markii dhawaan xukuumadda Somaliland shaacisay heshiis hordhac ah oo ay la gaadhay masuuliyiinta shirkadda caalamiga ah ee DP-World, heshiis ay xukuumaddu ku sheegtay maal-gelin ay shirkaddaasi oo laga leeyahay waddanka Imaaraadku ku samayn doonto marsada caalamiga ah ee Berbera waxa isa soo tarayay shakiga shacabku ka qabo daacadnimada heshiiskaasi oo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland oo sheegay in dawlada Somaliya ay diidan tahay Heshiiska Dekada Berbera DAAWO

Hargeysa ,31.July 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Qorsheynta Somaliland Cali Shoombe ayaa sheegay dawlada Somaliya ay diidantahay heshiiska dekada Berbera ay ku maalgalinayso Shirkada DP WORLD. Wasiir Cali Shoombe waxaa kale oo uu sheegay in golaha wakiilada Somaliland la gayn doono heshiiska dekada ee ay xukuummadu la gashey shirkada DP World. ” Heshiiska Dekada Berbera Cida kaliya […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »