admin

Canada oo wax ka baddalaysa gargaarka baniaadminimo ee ay bixiso

Toronto,2,8,2016 (QJ/SDN) – Dawlada dalka Canada, waa dawlada cusub ee dalkaase ayaa sheegtay inay wax ka baddalayso deeqda baniaadminimo ee ay caalamka intiisa kale siiso. Haatan ayaa dawlada dalkaasi waxay wadaa qorshe lagu xaqiijinaayo in wax laga baddalo qaabkaa dalkaasi kusiiyo caawimaada dalalka kale ee caalamka khaasatan dalal gaaraya ilaa 20. Wada hadalo amuurtaa kusaabsan…

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Kaalmo Gaadhsiiyey Walaal ku dhiban Burco

Burco,2,8,2016 (QJ/SDN) – Wasirka arrimaha gudaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa ayaa waxa uu deeq lacageed oo gaadhaysa 1000-dollar gaadhsiiyay nin xanuunka dhimirka qabay muddo ku dhow 25-sanno oo ku nool magaalada Burco. Ninkan xanuunka dhimirka qaba oo xaaladdiisa uu soo bandhigay wariye CabdiMaalik Muuse Coldoon ayaa waxa go’day mid ka mid ah lugihiisa…

Read More

Dowladda Somaliland Oo Xorriyaddiisa Usoo Celisay Xildhibaan Ka Tirsan Maamulka Puntland

Ceerigaabo,1,8,2016 (QJ/SDN) – Dowladda Somaliland ayaa waxay xorriyaddiisii usoo celisay Xildhibaan Maxamed Faarax Canjeex oo ka tirsan xildhibaanada Maamulka Puntland – kaasi oo lagu qabtay dagaal Ciidanka maamulka Puntland iyo kuwa Somaliland ku dhex maray deegaanka Boodda-cadde oo ka tirsan degmada Dhahar. Xildhibaanka oo xorriyadiisa kaddib saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in muddo 12-cisho…

Read More

Puntland oo looga dabbaal dagaayo markii maamulkaa la aasaasay

Garowe,1,8,2016 (QJ/SDN) – Dawlad goboleedka Puntland ayaa waxay maanta u dabbaal dageysaa sanad guuradii 18aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay. Munaasabado loogu dabbal dagayo 1da Agoosto oo ah maalintii dhidibada loo aasay xukunkaa Soomaaliyeed sanadkii 1998 ayaa ka socda meelo badan oo Puntland ah gaar ahaan xarunta Puntland ee Garowe. Madax sarsare oo dawlada…

Read More

Cumar Al-Bashir-ka Suudan oo wacad ku maray inuu Afrika ka xoreyn doono gumeysiga cusub

Khartuum,1,8,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa wacad ku maray shalay galinkii dambe mar uu khudbad ka jeedinaayay caasimada dalkaa ee Khartoum inuu ka xoreyn doono qaarada Afrika gumeysiga cusub. Wuxuu  Madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Al-Bashiir  sheegay inay ka go’an tahay inuu burburiyo macaahiida caddaalad darrada uuna ka xoreyn doono Afrika gumeysiga cusub…

Read More

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukunno ku ridday Eedeysanayaal lagu soo qabtay Maandooriye

Muqdisho,1,8,2016 (QJ/SDN) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku riday xukunno 31-qof oo lagu soo qabtay maandooriyeyaal, kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar, iyadoo saraakiisha ciidamada soo qatay ay sheegeeen in dadkan ay qaarkood isticmaalayeen Maan-dooriyaha halka kuwo kalena ay iibinayeen. Waxaana ka mid ahaa Xashiish iyo Qamri. Dhageysiga dacwadooda kaddib ayay maxakmaddu sii deysay afar…

Read More

Weerar lagu qaaday dhisme ay ku badan yihin Dadka Ajaanibta ah ee ku sugan dalka Afghanistan

Kabul,1,8,2016 (QJ/SDN) – Dhisme ay ku badan yihiin Dadka Ajaanibta ah ee ku sugan Dalka Afgaanistana ayaa lagu qaaday weerar qaraxyo ah oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta. Weerarkaan oo loo adeegsaday Gaari weyn oo Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala eegtay saldhigga Bagram oo ku yaalla duleedka xarunta dalka Afghanistan ee…

Read More

“Xukuumada Wali waanu uga Fadhinaa Samigii aanu xaga ugu lahayn” Suldaanka Ayuub

Hargeysa, 31,7,2016 (QJ/SDN) – Suldaanka Beelaha Ayuub Suldaan Aadan Suldaan Aamin Suldaan Faarax ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihiin Mashruuca laga hirgaliyey dekeda Berbera, Saami qaybsiga beesha ee Xukuumada Kulmiye iyo arimo kale “ waxaanu aad u soo dhawaynaynaa Dekeda Berbera Mashruuca laga hirgaliyey waananu taageersan nahay hadaanu nahay Beesha Ayuub sheekh isaxaaq…

Read More

Hadalkii Shalay Ee Safiirka Turkiga iyo Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Jawaabtay

Hargeysa,31,7,2016 (QJ/SDN) – Safiirka dawlada Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya Olgan Bekar ayaa  shaaca ka qaaday in aanu dalkiisu aqoonsan baasaaboorka somaliland. Safiir Olgan Bekar oo warbaahinta kula Hadlay Magaalada Muqdisho Shalay ayaa isaga oo ka jawaabayey su’aal daba socotay hadal uu hore u sheegay qunsulka safaaraddiisa u fadhiya Somaliland oo sheegay…

Read More

Soomaalida Ottawa oo si weyn uga soo Qayb-galay Aaska marxuum Soomaaliyeed Oo Boolisku Dileen

Toronto,30,7,2016 (QJ/SDN) – Soomaalida ku nool magaalada Ottawa ayaa si wadajir uga wada soo qayb-galay duugtii marxuum Cabdiraxmaan Cabdi oo ay Axaddii aynu soo dhaafnay booliska magaalada Ottawa ku dileen agagaarka gurigiisa. Dadweynihii duugtaas ka soo qay-galay ayaa si weyn uga careysnaa sida foosha-xun oo ay booliska magaalada Ottaw u dileen wiilkan Soomaaliyeed. Dad badan…

Read More

DEG DEG: Dowladda Turkiga Oo Sheegtay In Aanay Aqoonsanayn Somaliland

Muqdisho,30,7,2016(QJ/SDN) – Safiirka Dawlada Turkiga u fadhiya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Amba Oglen Baker oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa  ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Inqilaabkii fashilmay ee ka dhacay dalka uu Wakiilka u yahay, Xidhitaankii xarumihii Nile Academy ee Somaliya iyo arrinta Somaliland ee illaa haatan aan…

Read More

Guddida Wanaag Farista Somaliland Oo Waalidiinta Uga Digay Inay Caruurtooda ku Daraan Dugsiyada Nile iyo Abaarso

Hargeysa,30,7,2016 (QJ/SDN) – Guddomiyaha Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa shalay salaadii jimce ka dib muxaadaro kooban oo uu ka jeediyay Masaajidka Daarul-Iimaan ee ku yaalla xaafadda Jigjiga yar ee Caasimadda Hargeysa waxa uu kaga hadlay arrimo iskugu jira waano iyo wacdi muhiim ah. Ugu horayn Sheekha ayaa ka…

Read More

DAAWO: Aqoonyahan Si Adag Uga Hadlay Saami-qaybsiga Kuraasta Baarlamaanka Somaliland

London,30,7,2016 (QJ/SDN) – Aqoonyahan Cabdi Cali Daakir oo ka mid ah aqoonyahannada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa waxa uu si adag uga hadlay Saami-qaybsiga Kuraasta Baarlamaanka Somaliland oo uu sheegay in ay xaq-darro ku dhisanyihiin – isla markaana ay dulmi tahay in wixii Lixdankii la diiday dalka dib loogu soo celiyo. https://www.youtube.com/watch?v=xcUgp9Ad9pU&app=desktop

Read More

SOMALILAND: Sheekh Aadan Sunne Oo Maxkamadda Gobolka Hargeysa Xukuntay

Hargeysa,30,7,2016 (QJ/SDN) – Maxakamada Gobolka Hargeysa ayaa xabsi gaadhaya ku dhawaad hal sano iyo lix bilood ku riday Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne). Sheekh Aadan-Sune oo muddo saddex bilood ah ku jiray xabsi ku yaala Magaaladda Hargeysa, waxaana khamiistii xukun ku riday maxakamada Gobolka Maroodi-jeex. Sida lagu warramayana waxaa sheekha lagu soo eedeeyay laba…

Read More

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Ka Digay Dib U Dhac Ku Yimaadda Doorashada, Kana Hadlay Sida Uu U Arko In Xal Looga Gaadhi Karo Saami Qaybsiga Kuraasta Wakiillada

Hargeysa,30,7,2016 (QJ/SDN) – Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka mid ah Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgelyada ee Golaha Wakiilada kana tirsan xisbiga mucaaridka ah ee  Waddani  ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada somaliland oo mar kale hortaala madaxweynaha si uu go,aan uga gaadhayo. Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo…

Read More

Xildhibaan Kulmiye Ah Oo Sheegay In Aanu Madaxweynuhu Muddo Kordhin Diyaar U Ahayn, Wada Hadallada Turkiguna Waqti Lumis Yihiin

Hargeysa,30,7,2016 (QJ/SDN) – Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan  oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland kana tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa sheegay in madaxweynaha iyo xisbiga Kulmiye-ba ay diyaar u yihiin inay doorashooyinka wakhtigooda ku qabtaan, waxaanu fariin u diray xisbiyada mucaaridka ah. Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska…

Read More