admin

Maayarka Borama Ma Waxa Fiisaha Ingiriiska Loogu Diiday Eydii Dawlada Hoose Laysay?

Boorama,26,7,2016 (QJ/SDN) Maayarka Magaalada Boorama  Maxamed Xuseen Maydhane, ayaa ka hadlay Fiso uu doonayay inuu ku tago dalka Ingiriiska oo loo diiday. Maayarka ayaa doonayay inuu dalka Ingiriiska kaga qayb galo kulan la doonayay in lagu maataaneeyo magaalooyinka Borama ee Somaliland iyo Henley ee dalka Ingiriiska. Hase yeeshee maayarka ayaa loo diiday fiisihii uu Ingiriiska…

Read More

Itoobiya Oo Joojisay Dawooyinka Masar Samayso Oo Tayadoodu Aad U Liidato

Addis,26,7,2016 (QJ/SDN) – Wasaarada caafimaadka ee dalka  Itoobiya ayaa hakad galisay daawooyin lagu samen jirey 11 warshadood oo fadhigoodu yahay dalka Masar. Go’aankan ayey Itoobiya gaadhay kadib markii ay wafdi u dirtay dalka Masar kuwaas oo booqday 13 xarumuud oo lagu soo saaro daawooyinka, waxaanay ku sameeyeen qiimayn tayada daawooyinka Masar soo saarto. Madaxda caafimaadka…

Read More

Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay In Inqilaabka Fashilmay Ee Turkigu Saamayn Ku Yeelan Karo Wada Hadalada Dalalka Somaliland & Somaliya Iyo Arrinta Nile Academy

Hargeysa,26,7,2016 (QJ/SDN) – Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan sameynta uu ku yeelan karo inqilaabkii fashilmay ee Turkiga wada hadalada Somaliland iyo Somaliya. Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay inqilaabkaas Turkiga ee…

Read More

Iskuuladii iyo Isbitaaladii Hay’ada Nile Academy ay ka maamulaysay Muqdisho oo lala Wareegay

Muqdisho,25,7,2016 (QJ/SDN) – Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho – ayaa si Rasmi ah waxay ula wareegtay xarumihii ay maamulaysay Hay’adda Nile Organization ee dalka Turkiga laga leeyahay oo shaqaalaheeda toddobaadkii hore laga eryay Muqdisho. Hay’adda NILE – ayaa waxay Maamulaysay Iskuullo Waxbarasho iyo Isbitaallo ku yaalla Muqdisho, waxaana lagu eedeeyay hay’addan inuu leeyahay Sheekh Fethullaah…

Read More

Diyaarado Dagaal oo Xalay Duqeeyay Deegaanka Ceel-Cadde oo ka Tirsan Gobolka Gedo

Ceel-cadde,25,7,2016 (QJ/SDN) – Duqayn cirka ah ayaa habennimadii xalay ahaa ka dhacday Deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay maamusho Xarakadda Al Shabaab, ka dib markii horaantii Sannadkan ay ka Qabsadeen Ciidanka Militariga Kenya oo qeyb ka ah Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM. Sagaalkii Habeenimo, ayaa Deegaanka Ceelcadde laga maqlay jug is xig xigtay, oo…

Read More

Sh. Maxamed Cali Geedi: “Qaadku Arrimaha Nolosha Bina’aadamka Aasaasiga U Ah Oo dhan ayuu la dagaallamaa”

Hargeysa (GM) – Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ka mid ah culimada Magaalada Hargeysa ayaa ka waramay dhibaatada dhaqaale ee qaadku ku leeyahay bulshada reer Somaliland – isagoona tilmaamay sheekhu in qaadka sanadkii uu innagaga baxo dhaqaale badan. Sidoo kale Sheekhu waxa uu sheegay in Qaadku uu halis ku yahay caafimaadka dadkeena isla markaana ay…

Read More

DAAWO: Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Wada Hadal U furmay Ganacsatada Qaadka Miiroowga Dalka Kenya

Hargeysa,25,7,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Arrimaha DIbadda Somaliland Dr.Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay yimaadeen ganacsatada qaadka Miiroowga ee dalka Kenya – iska markaana ay usoo bandhigeen ganacsatadu sidii qaadka loo keeni lahaa Somaliland wallow uu sheegay in aanau arrintaasi ka heshiinin.

Read More

DHAGEYSO: Fanaanka Axmed Naaji Oo Ka Cabanaya Cunsurinimo Dad Soomaali Ahi Ku Sameeyeen

Hargeysa,25,7,2016 (QJ/SDN) – Fannaanka Soomaaliyeed Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa wuxuu cabasho ka muujiyay, isla markaana uu ka gabyay cunsurinimo ay kula kaceen dad Soomaali ah, kuwaasi oo sida fannaanku sheegay ku tilmaamay in uu yahay nin carab ah oo aan Soomaali ahayn, sidaas darteedna ay wanaagsanaan lahayd in uu arrimaha soomaalida iyo nabad-u-raadintooda uu…

Read More

Ajandayaasha Kalfadhiga Wakiilada Somaliland Iyo Xeerkii Bangiyada Ribada Oo Ku Jira

Hargeysa,24,7,2016 (QJ/SDN) – Kal-fadhigii 31-aad ee Golaha Wakiilada ayaa  si rasmiya u furmay kadib fasax laba bilood ah oo ay Golaha Wakiiladu qaateen. Kal-fadhigii 31-aad oo shalay si rasmiya ugu furmay Xarunta Golaha Wakiilada, ayaa waxa shir guddoominaayey Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax. Iyadoo maalmo ka hore Xildhibaanada Golaha Wakiilada la ogeysiiyey…

Read More

Somaliland Oo Sheegtay Inay Sugayso Xuduudaha Ay La Wadaagto Somaliya

Hargeysa,24,7,2016 (QJ/SDN) – Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland,ayaa sheegtay in ciidanka qaranka Somaliland uu sugayo dhammaan soohdimaha Somaliland ay la wadaagto Soomaaliya oo ay Somaliland daris kala yahay maamulgoboleedka Soomaaliya ee Puntland. Wasaaradda Difaaca Somaliland ayaa Puntland uga digtay in ay isku daydo in mar dambe in ay soo faro geliso dhulka Somaliland waxaanay ugu baaqday in ay…

Read More

Turkiga Oo Somaliland Cadaadis ku Saaraya Inay Mustaafuriso Hay’adda NILE Academy

Hargeysa,24,7,2016 (QJ/SDN) – Dawladda Turkiga ayaa dawladda Somaliland cadaadis ku saaraysa in dalka laga saaro hay’adda Nile Academy oo ay dawladda Turkigu ku xidhiidhisay inuu leeyahay ninka lagu magacaabo Fethullah Gulen oo lagu eedeeyay inqilaabkii Turkiga ee fashilmay. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa hore u cadeeyay inaanay Somaliland marna dalkeeda ka…

Read More

Maxkmadda Ciidanka Qaranka Somaliland OO Dil Ku Xukuntay Dad Eedaysanayaal Ahaa

Hargeysa,24,7,2016 (QJ/SDN) – Maxkamada ay leeyihiin ciidamada qalabka sida oo ku taala jamhuuriyada goonida isu taagtay ee Somaliland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 8 qof. Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee derejada kowaad Koloneyl Yuusuf Faarax Sharma’arke ayaa u sheegay warbaahinta in 8da qof lagu helay inay dileen taliyihii booliska Berbera ee gobolka…

Read More

SOMALILAND: Guri ku gubtay magaalada Hargeysa Oo Ay Ku Geeriyoodeen Saddex Caruur Ah

Hargeysa,23,7,2016 (QJ/SDN) – Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland Axmed Maxamed Xasan [Sawaaxili] ayaa ka warbixiyay guri la sheegay in uu ku gubtay xaafadda idaacadda ee magaalada Hargeysa – iyadoo halkaasiay ku geeriyoodeen sadex caruur ah . waxaana Taliyuhu uu sheegay in uu gurigaasi gubay saddexda caruurta ah aabahood oo xanuunka dhimirka qabay. https://www.youtube.com/watch?v=CC4uMN-r9t0

Read More

XIL. KIJAANDHE: ‘Muuse Biixi Waa Murashaxayga Maanta, Waana Taageersanahay, Waana Dhisayaa’

Hargeysa,23,7,2016 (QJ/SDN) – Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) guddoomiyaha guddida arrimaha dibadda ee golaha wakiilada Somaliland isla markaana ka mid ahaa murashaxiintii Isbahaysiga Xisbiga KULMIYE ayaa maanta si cad u sheegay in uu ka baxay isbahaysigii isla markaana uu taageersanyahay Guddoomiyaha ahna murashaxa xisbigaasi mudane Muuse Biixi Cabdi oo markii hore ay kala mawqif ahaayeen,…

Read More

SAWIRRO: Qaar ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda NILE Academy oo ka baxay Magaalada Muqdisho

Muqdisho,23,7,2016 (QJ/SDN) – Iyadoo ay maanta ku eg-tahay Muddadii ay Xukuumadda Soomaaliya u Qabatay inay Somalia uga baxaan shaqaalaha NILE Academy inay dalka kaga baxaan, ayaa waxaa ka baxay qaar shaqaallaha hay’addan ka mid ah. Hay’adda Nile Academy oo ah Hay’ad aan Dowli ahayn ayaa Muqdisho ku leh Xarumo caafimaad iyo kuwo Waxbarasho, iyadoo Hay’addaan…

Read More

Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Dawladda Somaliland Siinayso Tababar Ku Saabsan Wanaajinta Xidhiidhka Saxaafadda

Hargeysa,23,7,2016 (QJ/SDN) – Dawladda Ingiriiska ayaa soo bandhigtay heerka uu marayo dagaalka ay dawladda Somaliland kula jirto saxaafadda madaxbanaan. Warbixinta lix biloodlaha ah ee ay dawladda Ingiriisku ka soo saarto xaalada xuquuqal insaanka adduunka, ayaa waxa sannadkan dhinaca Somaliland hadheeyay xiisadda ka dhex oogan saxaafadda iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Waxay dawladda Ingiriisku gunaanadka warbixinteeda ku…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo Oo Saddex Bilood Ka Dib Buuxin Kari La’ Taliyaha Ciidanka Badda

Hargeysa,23,7,2016 (QJ/SDN) – 29 April 2016 ayay ahayd markii uu Madaxweyne Siilaanyo goor habeenimo si kedis ah xilkii uga qaaday taliyihii ciidanka badda Sareeye guuto Maxamed Xuseen Xiirane iyo wasiirkii boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal. Saddex bilood ayaa laga joogaa markii uu Madaxweynuhu labadan masuul xilka ka qaaday. Hase yeeshee waxa madaxweyne Siilaanyo ku…

Read More