Webmaster

‘’ Baashe aad iyo aad ayaan ugu Mahadnaqayaa Waayo Waakii ula Yimid Madaxda Xisbiga Waddani,Iminka ayaanse Lagu Caayaa Sideed ugu Tagtay Madaxda Waddani,Xisbiga Kulmiye-na…..’’ Siyaasi Ismaaciil Yare DAAWO

Hargaysa 29. August 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa Sheegay in Murashaxa Xisbiga Waddani C.raxmaan Cirro iyo Madaxda Xisbiga Waddani ay leeyihiin Libinta soo afjarida Khilaafkii golaha Wakiiladda. Waxaa kale oo Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan uu ka hadlay dhibaatada ka taagan Marso xeebeedka berbera waxaanu eedayn u soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada oo uu…

Read More

Ururka Timo-jarayaasha Somaliland oo soo Bandhigay Waxqabadkii u Hirgalay Mudo Laba Sanno ah DAAWO

Hargaysa 29. August 2017 (SDN/QJ):-Ururka Timajarayasha Somaliland Ee Midnimo oo soo bandhigey wixii u qabsoomey mudadii labada sano aheyd ee ay jireen. Gudoomiyaha ururkaasi mudane Deeq Daahir Faarax ayaa faahfaahin ka bixiyay mudadii ururkoodu jiray guulihii u soo hoyday,waxaanu xusay in ay si mutadawacnimo ah ugu shaqeeyaan xarumaha dadka maskaxiyan aan fayoobeyni ay ku xidhan…

Read More

Caasimadda Somaliland ee Hargeysa:– Xaafad Aan La Badbaadin Karin Haddii Dab Qabsado!!

Hargaysa 29. August 2017 (SDN/QJ):-Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), ayaa  walaac xoogan ka muujiyey in aan la badbaadin Karin haddii  dab qabsado Xaafadda isku raranta ah ee State House-ka ee magaalada Hargeysa. Taliyaha ayaa caddeeyey in aanney jirin waddo fiican oo gaadiidka u saamixi karta in ay si degdega u…

Read More

Warbixin uu Somaliland ka qoray Mid ka mid ah Wargaysyada ka soo baxa Baqdaad iyo Iskaashiga Imaaraadka iyo Somaliland

Baghdad 29. August 2017 (SDN/QJ):-Wargeyska Kitabat oo ka soo baxa magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, ayaa shalay baahiyey warbixin uu kaga hadlay cilaaqaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka carabta, gaar ahaan heshiisyada maalgelinta dekedda Berbera iyo saldhiga Millatari. Warbixintan oo uu qoray suxufi la yidhaahdo, Mr. Rasha Ashari oo ka tirsan Wargeyska Kitabat, waxaa uu kaga …

Read More

Shir Lagaga Arrinsanayo Mustaqbalka Khaatumo Oo Ka Furmay Maraykanka

Columbus 29. August 2017 (SDN/QJ):-Waxa Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka ka furmay Shir ay iskugu yimaaddeen Siyaasiyiinta iyo Hal-doorka Deegaannada Buuhoodle iyo Sool, Shirkaasi oo ay kaga Arrinsanayaan waxay ugu yeedheen Aayaha Khaatumo. Dadka Shirkan ka qayb-galay ayaa waxay doonayaan inay wax iska waydiiyaan inay Aragti ahaan taageeraan Wada-hadallada Cali Khaliif Galaydh…

Read More

Dalka Imaaraadka Carabta oo Dayax Gacmeed u Diraya Mid ka mid ah Meerayaasha

Dubai 29. August 2017 (SDN/QJ):-Dalka Imaaraadka carabta ayaa la sheegay inay wadaan farsamaynta Dayax-gacmed ay doonayaan inay u diraan  Meeraha mariikh ka hor dhamaadka Sanadka 2021-ka.sidaasina waxa sheegtey Wakaaladda wararka ee Dalka Baxreyn. Janalka Euro News ayaa isna sheegay in Dalka Imaaraadku dhaqdhaqaaqyo dhinaca horuumarinta culuunta iyo fikradaha haruumarinta barnaamija hawada sare oo uu ka…

Read More

Shirkada Youtube oo soo Kordhisay Qaybta Wararka deg dega ah oo Telefoonka Gacanta ee Mobilka aad ka Helayso!!

New York 29. August 2017 (SDN/QJ):-Degelka caanka ah ee Youtube oo maqal iyo muuqaalka baahiya ayaa hawlgeliyey nuskhad cusub oo bogagga internet ka ah isla markaana wadata qayb talefannada gacanta ku shaqaynaya, taas oo qofka u suurtogelinaysa in wararka degdegga ahi talefankiisa gacanta ugu soo dhacaan. Dib-u-cusboonaysiintan Youtube ayaa timid saddex maalmood kadib markii ay…

Read More

Maxaa Dhici Kara Hadii Diyaarada oo Hawada Ku Jirta la Furo Mid ka Mid ah Albaabadeeda?

Hargaysa 29. August 2017 (SDN/QJ):-Qof kasta oo diyaarad raacay waxa uu sida caadiga ah arkaa shaqaalaha diyaaradda oo inta aanay si rasmi ah u wada kicin dadka siinaya tilmaamo iyo tusaaleyaal badbaadada qofku ku xidhan tahay. Waxyaabaha dadka la baro waxaa ka mid ah sida haddii xaalad degdeg ahi timaaddo uu u isticmaali karo ogsajiinta,…

Read More

Waa Imisa Jir Qofka Ugu Da’da Weyn Ee Sanadkan Gudanaya Waajibaadka Xajka ?

Maka 29. August 2017 (SDN/QJ):-Haweenay u dhalatay dalka Indonesia ayaa noqotay qofka ugu da’da weyn dadka sanadkan gudanaya waajibka xajka, haweenaydan ayaa waxa da’deeda lagu sheegay inay jirto 104sano, waxaana arrintaasi shaacisay wakaalada wararka  Sucuudiga ee magaceeda la yidhaahdo SPA. Haweenaydan Xaajiyada ah oo magaceeda la yidhaahdo Maria Marghani Mohamed ayaa waxay dalka Sucuudiga soo…

Read More

Baanka aduunka oo u qoondeeyey Adduun Gaadhaya Laba Boqol Oo Malyuun Oo Dollar Cudurka Koleeraha ee faraha baas ku haya dalka Yeman

Baxrayn 29. August 2017 (SDN/QJ):-Wakaaladda Wararka dalka Baxreyn ayaa waxa ay sheegtey in baanka aduunku uu lacagtan Gargaarka dhinaca mashaariicda caafimaadka u marin doono dalkaasi hay’adaha UNICEF iyo WHO. Wakaaladda Wararka dalka Yeman ayaa iyana sheegtay,in Wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga Caalimaga ah Dr,Muxamed Assacdi uu sheegey,in Xukuumadda dalka Yeman ay uga mahadnaqayaan maamulka Baanka Aduunka…

Read More

18 ka mid ah Askarta Ciidamada Dawlada Yemen oo ku dhintay Dagaal ka dhacay mid ka mid ah Gobolada dalka Yemen

Sanca 29. August 2017 (SDN/QJ):-Sideed iyo Toban askari oo ka tirsan Ciidanka xukuumadda la aqoonsan yahay ee dalka Yeman ayaa waxna ku dhinteen waxna u dhaawaceen dagaal Gobolka Ma’rib ee Woqooyiga dalkaasi ku yaala ku dhexmaray Maleeshiyada lagu magacaabo Ansaarulaah. Wararka dhinaca Ciidamada laga helayaana waxay sheegeen,in Ciidanka Xukuumadda dalka Yeman ay weerar ku qaadeen…

Read More

Ubadka Madaxa adag ee Waalidiinta Telefoonada ku dhagaysta oo loo Helay Xal Cusub!!

London 29. August 2017 (SDN/QJ):-Aabe u dhashay dalka Ingiriiska ayaa ku guulaystay in uu dhiso barnaamij ‘Application’ talefanka gacanta ku shaqaynaya oo carruurta qasab kaga dhigaya in ay dhaqso uga jawaabaan talefankooda gacanta marka waalidkood kala soo xidhiidhayo. Arrintan ayaa lagu tilmaamay in ay tahay hal-abuur xal u noqon kara mushkilad inta badan kala qabsata…

Read More

Daraasad iftiimisay sida ay Buurnidu Waxyeelo ugu Tahay Wadnaha

Hargaysa 29. August 2017 (SDN/QJ):-Daraasad cusub ayaa shaacisay in buurnida xad dhaafka  ay cimriga qofka soo gaabiso. Daraasadan oo laga qaaday dad kumanaan qof ah oo dhallinyaro da’doodu tahay 20 sanno iyo kuwo da’ weynba ayaa cadaysay in buurnida iyo baruurta badani ay saamayn weyn ku leedahay caafimaadka qofka. Daraasadan oo ay qaadeen khubarro Maraykan…

Read More

Robot Loo Adeegsanaayo Daawada Xanuunka Gaasteriga Oo La Ikhtiraacay

Washington 29. August 2017 (SDN/QJ):-Koox saynisyahano ah oo u dhalatay waddanka  Maraykanka ayaa ku guulaystay inay soo saaraan qalab aad u yar  yar oo awood u leh inuu galo caloosha dadka, sidoo kalena dilo Bacteria-da ku jirta caloosha dadka ee dhibka u keenta. Khubaradan Saynisyahanka ah oo ka socotay Maxadka Engineering-ka ee Maraykanka ayaa muddo…

Read More