Webmaster

    Wasiir Cukuse Oo Laga Horistaagay Iscasilaad Uu Dalbaday, Shirkii Golaha Wasiirrada Ee Shalayna Iskaga Baxay

    Hargeysa:May,15(SDN/QJ)-Sida qaarkamid ah Asxaabta Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse), warbaahinta qaar u sheegeen, waxa oodaha Jabsaday Khilaaf u dhexeeya Wasiirkaas iyo Kooxda Naakhuudayaasha ka ah Doonida sii degaysa ee Xukuumadda Madaxweyne Saaran. Warkani waxa uu sheegayaa in Wasiir Cukuse shalay Madaxtooyada ku wargeliyey inaanu diyaar u ahayn kasii mid ahaanshiyaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla-markaana…

    Read More

      Hooyadii Dhashay Al-fannaan Cumar Dhuulle Oo Xalay Muqdisho Ku Geeriyootay

      Muqdisho:May,15,2015(SDN/QJ)-Eebe ha u naxariistee waxa habeenkii xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Hadii Dhashay Fannaankii caanka ahaa Marxuum Cumar Dhuulle Cali. Hooyadan oo lagu magacaabi Jirey  Faadumo Cabdi Jaamac Roobe, ayaa in muddo ah ku xanuunsanaysay Halkaas ay Haatan ku geeriyootay. Hooyo Faadumo ayaa sida la sheegay waxa ay jirtay da`da 95,iyadoo aan Meelna uga Bixin…

      Read More

        Abwaan Cabdiwaxid xoriyadiisa ha loo soo celiyo

        Waxaan salaamayaa saxaafada madaxa banaan. Waxaa muddo afar bilood ah ku xidhnaa jeelka Boosaaso ee Puntland muwaadin Somaliland ka soo jeeda oo magaciisa la yidhaa Abwaan Cabdiwaxid Cali Gamadiid. Muwaadinkaas waxaa laga qabtay Garowe isaga oo hawlo shaksi ah u tagay. Iyada oo dadka Somalida ahi is dhex maraan oo gaar ahaan dadyowga ka soo…

        Read More

          maansada samiira w/c abwaan maxamed yaasiin maxamed ilkacase

          waa maanso soo baxday 07.11.1990kii kana hadlaysa xukunkii jiray markaa samiirina waxay eray bixin u tahay dawladnimada waana inan aad u qiimo badan oon la talinaayey wakhtigaa iyo aragtidayda   samiiraay waxaan kugu soorayaa sarbeeb maanso liyo murti soohan iyo tix saadaal wadiyo gabay samo hor kaca hees kugu saliman iyo weliba sowd sooyaal runtii…

          Read More

            Qalab Lagu Ogaanayo Dadka Dambiilayaasha ah Oo Dhawaan Muqdisho La Keeni Doono Iyo Hadal-hayntiisa Oo Oo Socota

            Muqdisho:May,15,2015(SDN/QJ)-Agab la sheegay inuu awood u leeyahay ogaanshaha cidda dambiyada gasha, ayaa dhawaan la keeni doonaa Magaalada Muqdisho, sida Xukuumadda Federalka Somaliya ay Xaqiijisay. Ridwaan Xaaji C/weli, Afhayeenka Xukuumadda Somaliya, ayaa daaha ka rogay in qalabkaasi uu laamaha ammaanka ka caawin doono ogaanshaha dadka eedeymaha loo heysto. Afhayeenka oo galabnimadii shalay shir jaraa’id ku qabtay…

            Read More

              Xaaji Cabdi-waraabe Oo Sababeeyey Muddoda 22-ka Bilood ah Ee ay U Kordhiyeen Xukuumadda, Mucaaridkana Farriin U Diray

              Hargeysa:May,15,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo kamid ah Xildhibaanada Guurtida Somaliland, xubinna ka ahaa Guddidii Golaha Guurtida ee Go’aamisay Muddo-kordhinta Xukuumadd loo sameeyey, ayaa ka Hadlay Sababaha ku kallifay inay Go’aankaas Qaataan. Xaajiga oo la Hadlay Warbaahinta Dawladda, ayaa sheegay inay Go’aankooda ku saleeyeen Soo jeedintii ay xisbiyada qaranku markii hore soo jeediyeen…

              Read More

                Kormeer uu Madaxweyne Siilaanyo Galabta ku maray Qaybo ka tirsan Caasimada Hargaysa iyo Diyaar Garowga Xuska 18 May SAWIRO

                Hargaysa 14.May 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Axmed Maxamd Silanyo waxa uu galabta markay saacadu ahayd 4:00 PM ilaa 6:15 PM uu kormeer ku soo maray suuqyada caasimada Somaliland ee Hargeysa, hotel Ambassador, iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland. Kormeerkan Madaxweynuhu ku soo maray goobaha ugu muhiimsan caasimada ayaa daarnaa xogogaal u noqoshada xaalada guud…

                Read More

                  DAAWO:Duqa Magaalada Hargeysa oo laga hor joogsaday in uu saxaafada kula hadlo gudaha Garoonka Duyuuradaha Hargeysa

                  Hargeysa May 14,2015(SDN/QJ)-Waxaa manta magaalada Hargeysa dib uGu soo noqday Duqa magaalada Hargeysa Md Cabdiraxmaan Solteco oo mudo dalka uga maqnaa safar. Taageereyaal faro badan uu doonayay in ay Duqa Hargeysa soo dhaweeyaan ayaa ciidamada amaanka ee Madaarku iska hor taageen. Sidoo kalena waxa Duqa magaalada Hargeysa loo diiday in uu saxaafada kula hadlo qolka nasashada…

                  Read More

                    Qaramada Midoobay Oo Muujisay Walaaca Iyo Niyad Xumada ay Ka Qaadday Muddo-kordhintii Guurtidu U Samaysay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

                    New York:May,14,2015(SDN/QJ)-Qaramada Midoobay ayaa dhinaceeda ku biirtay Caalamka sida joogtada ah u cambaaraynaya Tallaabadii dhawaan golaha Guurtida Somaliland Muddo-kordhinta ugu sameeyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Aqalka Wakiillada. Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia iyo Somaliland Nicholas Kay oo ku hadlay Magaca qaramada midoobay, ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay dib u dhigada dib…

                    Read More

                      Al-shabaab Oo Gacanta Ku Dhigtay 13-Qof Oo Dalka Iran U Dhashay Iyo Sida Arrintaasi Ku Dhacday

                      Ceel-dheer:May,14,2015(SDN/QJ)-Xarakada Al-shabaab, ayaa  Maalintii shalay Gacanta ku dhigtay Dooni yar oo ay saarnaayeen ugu yaraan13-qof oo u dhashay waddanka Iran, kadib markii sida la sheegay inay Doonidu lasoo caaridday. Doonidan, ayaa waxay ku caaridday deegaanka Cige oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, waxana Doonnidaasi si fudud ugu gacan gashay kooxda Al-shabaab oo iyagu…

                      Read More

                        Madaxtooyada Somaliland oo Gebi ahaanba Meesha ka saaraysa Xuskii 18 May ee Habeen-nimada ka dhici jiray Madaxtooyada iyo asbaabaha keenay

                        Hargeysa, 14 May, 2015 (SDN/QJ)- Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegayaa inay Gebi ahaanba Joojisay Xafladii Habeen-nimada 18 May lagu Qaban Jiray Qasriga Madaxtooyada. Tibaaxo Kooban oo Shabakada Qurbejoog.com ay u Xaqiijiyeen Saraakiil ka Tirsan Laamaha amaanka ayaa Sheegaya in Gudida Heerka qaran ee qaban qaabada Xuska 24 Guurada ka soo Wareegtay Markii ay Somaliland ku…

                        Read More

                          Gudoomiyaha Ucid oo ka hadlay Kulan gaar ah oo ay la Yeesheen Madaxweyne Siilaanyo arrimihii lagaga hadlay Iyo Aragtidiisa inuu Madaxweyne Siilaanyo doorashada ka qayb galayo DAAWO

                          Hargaysa 14.May 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Markii 1aad ka hadlay Kulan ay la Yeesheen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo isla markaana ay kaga wada hadleen Xaalada Cakiran ee ka taagan Mudo kordhinta la isku maandhaafsan yahay. Waxa uu Sheegay Eng Faysal Cali Waraabe inay soo dhawaynayaan Go’aankii Madaxweyne Siilaanyo…

                          Read More

                            Gudoomiyaha Garabka Haweenka Kulmiye oo Ka Af wanaagsanaatay Duqayda Weji Ku Macaashka ku Caanbaxay DAAWO

                            Hargeysa, 14 May, 2015 (SDN/QJ)- Haweenka Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inay Taageersan Yihiin Go’aanka Mudo Kordhinta ay Golaha Guurtidu u sameeyeen Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada isla markaana ay Xil hayntooda ku simeen ilaa Bisha April ee Sannadka 2017. Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye Marwo Canab Cumar Ileeye ayaa dareen u tudhaya dal iyo dadba…

                            Read More

                              Diidmadii Mucaaradka,Taageeradii Beesha Caalamka,Iyo Cadaadiska dawlada haysta oo soo dedejiyay Talaabo ay Wakhti dheer ka Cago Jiidayeen DAAWO

                              Hargeysa, 14 May, 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shaaca ka qaaday inay Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE gogol lagaga wadahadlo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhinta sannadka ka badan ee ay Golaha Guurtidu u samaysay Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, taasoo ay Xisbiyada Mucaaradka ahi qaaddaceen markii ay Guurtidu ka tallaabsatay laba…

                              Read More

                                Gudoomiye Cirro oo Ka Fal Celiyay Gogosha ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo fidiyay ee Wada tashiga Mucaaradka.

                                Hargeysa, 14 May, 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarad Ka Ah Ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro,ayaa Niskii danbe ee Xalay Soo Saaray War-  murtiyeed uu kaga Dareen celinayo dhawaqii Shalay ka soo yeedhay Xukuumadda Siilaanyo,kaas oo ahaa inay xukuumadda Siilaanyo wada tashi la yeelanayso labada xisbi mucaarada,Guddoomiye Cirro ayaa war-saxafadeedkiisa…

                                Read More