“Author Archive”
Stories written by akguled

Maxamed Kaahin oo ka Hadlay inuu Burburay Wada hadalkii u  Socday Kulmiye iyo Garabka Jamaal Cali Xuseen Hogaaminayo DAAWO

Hargaysa 27.November 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay Wada hadal uu Xisbiga Kulmiye la Furay Garabka uu hogaamiyo Jamaal Cali Xuseen.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Jamaal Cali Xuseen Ma Kulmiye ayuu ku Biirayaa Mise Waddani ayuu ku Socdaa?

Hargaysa 27.November 2016 (SDN/QJ):-Wada hadaladii ay Jamaal Cali Xuseen iyo kooxdiisu la bilaabeen xisbiyada KULMIYE iyo Waddani, ayaa ku dhow gunaanad, ka dib afar maalmood oo ay laba maalmoodba xisbi gaar ah la kulmayeen. Si rasmi ah looma garanayo xisbiga ay isugu biyo shuban doonaan midka uu noqon doono, laakiin dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

”Aniga Turkiga Iskuma Wanaagsanin,Marnaba Isku si ulama Dhaqmo dhexna uma aha Somaliland iyo Somalia” Cali Warancade

Hargaysa 27.November 2016 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, ayaa dawladda Turkiga ku tilmaamay mid aan marna dhexdhexaad ka ahayn wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in xukuumadu ka fiirsan doonto wada hadaladii uu dhexdhexaadiyaha ka ahaa. Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Warancadde oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xogo Laga Helay Sababta Uu Wasiir Cali Mareexaan Wakhtigan Ugu Soo Beegay Inuu Warbaahinta Ka Sheego Lacag Dayn Ah Oo Uu Kala Wareegay Ex-Wasiir Xirsi

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):-Kadib muusenawgii Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryayntu Cali Mareexaan kula Kufay Doraad Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilanayo oo ay wafti kuwada socdaan Gobolka Sanaag,Waxa isasoo taraya warar hoose oo shaaca ka qaaday in Wasiir Cali Mareexaan mudooyinkii u dambeeyay ku jiray Xaalad adag oo siyaasadeed oo dhawr jiho ka soo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Jiido badan oo ka Tirsan Degmada Sallaxley oo ay Galabta ka da’een Raxmaadka Eebbe oo Dad & Duunyaba lagu diirsaday

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):- Roobab lagu diirsaday ayaa ka da’ay deegaano ka tirsan degmada Sallaxley. Sida; Balli-ciise, Dogob-cadka, Baha dhamal, Kaam-tuug, Ina-Guuxaa iyo gudaha magaalada Sallaxley. Dadka deegaanka oo aan qaar kamid ah la hadlay ayaa waxa ay ii sheegeen in sidoo kale Raxmaadka Eebbe ay ka da’een deegaanada Bisad iyo Kaam-Abokor oo ka tirsan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Somaliland oo Gacanta ku Dhigtay Askar ka Tirsan Liyuu Booliiska iyo Xog Waranka Talliye Fooxle DAAWO

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigeen 7-askari oo ka tirsan ciidanka Liyuu Boolis ee DDSI iyo gaadhi qori saarnaa, kuwaasi oo kusoo xad-gudbay xuduudka Somaliland ee dhinaca degmada Faro-wayne – sida uu warbaahinta u sheegay Taliye-xigeenka ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle. Taliye Fooxle waxa uu sheegay in […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Haddaan Siyaasi ahay, Been, Carrab-jalaq, Musuqmaasuq & Khiyaamo-ba Waad igu Arki lahayd..” Maayerka Berbera

Berbera 26. November 2016 (SDN/QJ):- Maayerka magaalada Berbera ahna Guddoomiyaha Golaha deegaanka ee degmadaas Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), ayaa dhaartii la mariyey markii uu xilka qabtay ka dib mar kale meel fagaare ah kaga dhaartay inaanay jirin wax hanti ah oo uu ummadda ka lunsaday inta uu xilka hayey, isla markaana aanay jirin wax musuq […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Maxaabiis isku Deldelay Xabsiga Magaalada Berbera DAAWO

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Maxamed Faarax Cadarre oo qaar ka tirsan Saxaafaddu su’aalo ka weydiiyeen Maxaabiistaas, sababta ay isu daldaleen iyo sida ay daryeel u helaan Maxaabiista Xabsiyada Somaliland, ayaa sheegay in Maxbuuska is-del-delay ee geeriyooday uu marka horeba xanuunsanayey, isla markaana meel gaar ah kaga xidhnaa Maxaabiista kale ee Xabsiga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qarax lagu Hoobtay oo Muqdisho Gilgilay, Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Badbaaday iyo Khasaaraha ka dhashay

Muqdisho 26.November 2016 (SDN/QJ):- Ugu Yaraan inta la xaqiijiyey 17 Ruux ayaa ku dhintay, Soddomeeyo kalena way ku dhaawacmeen Qarax wayn oo Sabtidii Maanta gilgilay magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay inuu ka badbaaday Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Daqiiqado ka hor maray meesha uu Qaraxaasi ka dhacay. Qaraxa oo lagu fuliyey Gaadhi Surff […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Raxmaadka Eebbe oo Maanta ilaa Caawa ka Da’aya Deegaano ka Tirsan Gobolka Awdal DAAWO

Borama 26. November 2016 (SDN/QJ):- Deegaanada Ka Mida G.Awdal Oo Maanta Ilaa Caawa Ka Da’ayaan Roobab Lagu Diirsaday Iyo Maayirka Degmada Dila Oo Ka Warbixinaya Roobabka Deegaanadaasi Ka Da’ay.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »