Afhayeenka Madaxtooyadda oo Hadhimo Sharafeed u Sameeyay Wasiirka Cusub ee Xidhiidhka Golayaasha Iyo Mas’uuliyiin Kale DAAWO

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Ayaa Maanta Munaasibad Hadhimo Sharafeed Ah u Sameeyey Wasiirka Cusub ee Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Tiknoolajiyada Ee Qaranka Somaliland Iyo Masuuliyiin Kale oo Ay kamid Yihiin Salaadiinta Dhaqanka Ee Somaliland Iyo Xubno Wasiiro Ah oo kamid Yahay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Somaliland. https://youtu.be/i9YdaTAqc-c

Read More

Xil-wareejintii Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Oo Ay Hadhaysay Dhaliishii Wasiirkii Hore Iyo Difaaca Wasiirka Cusub Ee Xukuumadda

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi-baadhista iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Axmed Xaaji Daahir Cilmi, ayaa Shalay Xilka kala wareegay Wasiirkii ka horreeyay Cali Xaamud Jibriil oo dhawaan uu Madaxweynuhu Xilka ka qaaday. Munaasibadda Xil-wareejinta oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa Wasiirka cusub iyo Wasiirkii hore ka soo jeediyey hadallo ku…

Read More

“Wasiirku Waxaa Uu Iska Dhigayaa Nin Kaligii Shaqada Yaqaana, Isaga Iyo Shakhsiyaad Uu Ku Gabraarto Ayaa Muraadadoodi Shakhsi Ahaa Ka Waayay Xafiiskayga,.. “ Maamulihii Dugsiga Sare Ee Maxamud Axmed Cali Mr Balayax DAAWO

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):-Maamulihii Dugsiga Sare Ee Maxamuud Axmed Cali Mudane Cali Axmed Balayax ayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane C.laahi Ibraahin Habane Waxa uu ka qaaday Xilkii Maamulaha Dugsiga Sare ee Maxamud Axmed Cali oo ku Yaala Caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Read More

Al-shabaab Oo Sheegtay Inay 39 Askari Ka Dishay Ciidammada AMISOM Iyo Tirada Dad Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho 31. July 2017 (SDN/QJ):-Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay inay Ciidammada AMISOM ka dishay illaa 39 Askari, dib Weerar ay ku qaadeen kolonyo Gaadiidka AMISOM ah oo marayey Deegaan ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dalka Soomaaliya. Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaallo culus oo Shalay barqadii ka dhacay deegaanno ku dhow magaalada Buula Madheedh ee…

Read More

Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo Weydiiyey in ay Jiraan Arrimo Shakhsi ah oo Ka Dhaxeeya Isaga iyo Gudoomiye Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 30. July 2017 (SDN/QJ):- Wareysi dhinacyo badan taabanaya oo talefeeshanka Eryal uu la yeeshay siyaasi Xuseen Axmed Caydiid, ayaa lagu weydiiyey su’aalo tira badan oo ay ka mid ahaayeen in wax shakhsi ahi ka dhaxeeyo isaga iyo Muuse Biixi oo wakhtiyo badan iska soo horjeeday dhinaca siyaasadda sida oo kale na hadalo kul-kulul hawada…

Read More

Wargeys Caan ah oo Ka Soo Baxa Magaaladda Oslo ee Norway Oo Warbixin Ka Qoray Qorshaha Somaliland Ku Raadinayso Aqoonsiga

Oslo 30. July 2017 (SDN/QJ):- “Daaqadii Aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland way furan tahay, haddii dalalka  Dimuquraadigu ka faa’iidayn waayaan, xoogag kale ayaa iman kara,” Sidaa waxa lagu bilaabay warbixin wargeys ka soo baxa dalka Norway uu daabacay oo lagu waraystay  wakiilka Somaliland u qaabilsan midowga yurub Mr. Mikael Torstensson. Wargeyska Dagen ee dalka Norway, oo warbixin…

Read More

“Xukuumaddu Way Ka Baxday Xayndaabkii Sharciga.”. Xildhibbaan Siciid Gaane

Hargaysa 30. July 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa sheegay inay Xukuumaddu xayndaabkii sharci ka baxday, oo sharcigii iyo dastuurkii qaranka ay baalmartay, oo dantii guud ee qaranka ka door biday dano gaar ah, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu aanay qorshe rasmiya oo la…

Read More

Kooxda Khaatumo Oo Sheegay In Ciidammada Qaranku Ka Taageerayaan Baajinta Shir Muqdisho Laga Soo Abaabulay & Ciidamo Isku Dhaf ah oo Heegan Culus loo Geliyey Magaaladda Buuhoodle DAAWO

Buuhoodle 30. July 2017 (SDN/QJ):- Kooxda Khaatumo, ayaa ka ka digtay dhibaatooyin uu horseedi doono Shir Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed ka soo horjeedaa doonayaan inay ku qabtaan Magaalada Buuhoodle. Wasiirka Amniga Kooxda Khaatumo Keyse Cabdi Yuusuf oo la hadlayey Ciidamo ku sugan Deegaanka Balli-cad ayaa sheegay in aan la aqbali doonin shir lagu carqaladaynayo wadahadalada u…

Read More

Doorashada ,Is-Beddelka Nolosha Somaliland & Hanka Siyaasiyiinta Xilku Madaxa Maray

Hargaysa 30. July 2017 (SDN/QJ):- Waxaan goobaha barkulanka bulshada maalmahan ugu soo joogay Magaalada Hargeysa, dad badan oo dhallinyaro ah oo waliba intooda badani mutacalimiin yihiin oo aan qaadan kaadhka codbixinta ee doorashadda madaxtooyada ee fooda innagu soo haysa lagu galayo ee ka socotay gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer. Dadkaasi oo qaarba si ay sababtii uga…

Read More

“Saddexduba Waa Xisbiyo Qaran, Qof Meel Ku Qasbanna Ma Jiro, Dadkuna waxay Codkooda siin doonaan Qofkii Hadal Wanaagsanaada ee Ciyaar wanaagsanaada..” Cabdicasiis M.Samaale

Hargaysa 30. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ka hadlay loolanka Xisbiyada Qaranku ugu jiraan Doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay Dalka ka dhacdo bisha November ee Sannadkan 2017-ka. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Dadku ay Xisbiyada ku…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo Saraakiil Ciidan oo Wehelisa oo Qaadacay Deegaamayn Cusub oo laga samaynayay Gobolka Sool

Laascaanood 30. July 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirrir oo ay Weheliyaan Saraakiil Sare oo ka tirsan Ciidamadda Qaranka Iyo Booliska ayaa Kormeer ku tegay Deegamada Bali Hadhac,Iyo Dhaban saar oo hawd kaga beegan Magaaladda Laascaanood. Ujeedada Kormeerka Gudoomiyaha Iyo Saraakiisha Wehelinaysay ayaa la Xidhiidhay Sidii ay u Joojin lahaayeen Deegaamayn Cusub oo…

Read More

Muqdisho: Eray Bixinta ‘Igu Sawir’ iyo ‘Igu Dayo’ oo Qabsaday Baraha ay Bulshadu ku Wada Xidhiidho & Sababta Xoojisay ka hadalkeeda oo Warbixin laga Diyaariyey

Muqdisho 30. July 2017 (SDN/QJ):- Waxaa todobaadyadan baraha bulshada Soomaalida qabsaday olole lagu dhaliilayo dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaana hal-heys looga dhigey kalmadda ‘Igu Sawir’ iyo sidoo kale olole kale oo lagu taageerayo dowladda oo loogu magac daray ‘Igu Dayo’. Ololahan waxa uu soo biloowdey sanadkii hore , waxaase hadda dib usoo cusbooneysiiyey hees cusub…

Read More

Qaliin Aad U Layaab Badan Oo Ay Fuliyeen Dhakhaatiirta Dalka Hindiya & Bukaanka Qalliinku ku Socdo oo Giitaar (Kaman) Iska Tumanaya!

Delhi 30. July 2017 (SDN/QJ):- Dhakhaatiir Dalka Hindiya qaarkood ayaa fuliyey Qaliin aad u layaab badan oo aan hore loo arag, qaliinkaasi oo lagu fuliyey mid ka mid ah Fannaaniinta Dalkaasi ee ku caan baxay garraacista aalada loo yaqaano Giitaarka oo ay soo waajahday dhibaato dhinaca Maskaxda ah oo khakhal ku riday Xiddido ka mid…

Read More

Dawlad Samaysanaysa Khad Internet Oo Aan La Jabsan Karin & Baqaha Waddamada Reer Yurub ee Tiknoolajiyadda Casriga ah

China 30. July 2017 (SDN/QJ):- Xili ay aad u soo kordhayaan weerarada xagga internetka ee adduunyada ayaa dowladda Shiinaha waxa ay samaysanaysaa qalab casri ah oo suurtogalin kara in aan  internetka laga jabsan karin. Barnaamijkan ayaa waxaa lagu diyaarinayaa magaalada Jinan ee Shiinaha, halkaasi oo dad gaadhaya illaa 200 qof oo isugu jira ciidan iyo…

Read More

Haweenay Isku Dayday Inay Sharci Darro Ku Galiso Dalka China Teleefano Iphone Ah Oo Gacanta Lagu Dhigay !

Shenzhen 30. July 2017 (SDN/QJ):- Dalka China ayaa had iyo jeer Diirada ku haya Dadka isku daya inay si sharci daro ah Dalkaasi wax u galiyaan, haddaba ciidammada Cashuuraha ee  Dalkaasi ayaa waxay gacanta ku dhigeen haweenay isku dayday inay 102 Telefoon oo kuwa gacanta ah ay galiso Dalkaasi isla markaana si sharci daro ah…

Read More

Nin Ka Tirsan Kooxda Daacish Oo Isku Dayay Inuu Gabadh Isku Eekaysiiyo, Si Uu Hawlgal U Fuliyo Balse Iloobay Inuu Iska Xiiro Shaarubaha !

Mousil 30. July 2017 (SDN/QJ):- Ninkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay qofkii ugu caqliga xumaa amase ugu doqonsanaa ee la qabtay isaga oo ka sii baxsanaya Magaalada Mousil ee Dalka Ciraaqa ee dhawaan ciidammada Dalka Ciraaq ay sheegeen inay ka xoreeyeen kooxda Daacish. Ninkan ayaa markii uu baxsanayay isku dayay inuu isku eekaysiiyo qof dumar…

Read More