Qiimaha Sarifka Dollarka oo Gaadhay Halkii Ugu Saraysay,Amaradii Iyo Qorsheyaashii Xukuumadda oo Fashilmay

Hargaysa 23. June 2017 (SDN/QJ):- Qiimaha sarrifka dollarka ee suuqyada Hargeysa ayaa u muuqda inaanu sare u kac mooyee jirin wax hoos u soo noqonayaa, waxaanu halkii dollar marayaa halkii abid ugu saraysay oo ah in halkii dollar laguugu bedelayo 9500 oo ah lacagta Somaliland, halka markaad lacagta Somaliland sidato laguugu bedelayo 9600 halkii dollar….

Read More

Qareenadii Kiiska Dilka ah Ee ugu Layaabka Badna Ee Ceerigaabo Ka Dhacay Oo Hadlay & Baaq loo Diray Guddida Caddaalada ee Heer Qaran DAAWO

Ceerigaabo 23. June 2017 (SDN/QJ):- Sadex Qareen oo Ku Sugan Magaaladda Ceerigaabo ayaa Ka hadlay Dil la Yaab leh oo Ka dhacay Magaaladda Ceerigaabo Waxayna eedaymo u soo Jeediyeen Dhinacyo ka Mid ah Kuwa Kiiskan ku eedaysan Isla markaana Jidh dil loo gaystay Xubno ka Mid ah Qareenada. Waxay Sadexdan Qareen Ku doodeen in Xeer…

Read More

Mudane C.raxmaan Talyanle oo Ka Hadlay Wada Hadaladii Iyo Heshiiskii Somaliland Iyo Khaatumo

Hargaysa 23. June 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cabdiraxmaan Talyanle), sidoo kalena ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay shirkii dhawaan dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Maamulka Khaatumo ee lagu soo gunaanaday shirarkii dhawrka ahaa ee dhexmaray, waxaanu sheegay inuu taageersan yahay shirkan iyo qodobadii ka soo baxay, waxaanu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan…

Read More

Raysal Wasaaraha Dawlada Federaalka Somalia Xasan Cali Kheyre Oo Soo Saaray Amar Ka Farxiyey Shaqaalaha Dowlada Soomaaliya!!!

Muqdisho 23. June 2017 (SDN/QJ):-Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Somalia Maxamuud Xayir Ibraahim, oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta Eng. Abdiraxman Cumar Osmaan Yarisow, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Yusuf Muumin Siraaji ayaa kormeer howleed ku tagay Bankiga Dhexe si ay uga qayb qaataan dadajinta mushaharka shaqaalaha ee bisha May oo Ra’iisul Wasaare kheyre amray in la bixiyo…

Read More

Guddida Wanaag Farista Oo Fariin U Diray Dhallinyarada,Ganacsatada Dalka & Laamaha Amaanka Somaliland

Hargaysa 23. June 2017 (SDN/QJ):- Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Xafiiskooda Magaalada  Hargeysa, waxay baaq ugu direen  qaybaha kala duwan ee bulshada  iyo Laamaha amaanka . Guddoomiye ku xigeenka Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Somaliland ,Xaaji Cawil Xuseen Cali  ayaa dhallinyaradda u digay gaar ahaan…

Read More

Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Mudug oo sheegay in ay hayaan xog ku saabsan Weeraro ay qorsheenayaan Al Shabaab

Mudug 23. June 2017 (SDN/QJ):- Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Mudug  Gaashaanle Sare Aadan Nuur Qaal oo warabaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu ka hadlay Xaalada Amaan ee Gobalka Mudug gaar ahaa Magaalada Gaalkacyo. Taliyaha oo dhawaan loo magacaabay xilka uu hayo ayaa waxa uu ka hadlay waxqabadka muda kooban uu xilka taliyaha Qaybta…

Read More

Dowlada Somalia Oo Mamnuucday In Dalka La Keeno Nooc Ka Mid Ah Gaadiidka & Xog Ku Aadan Sababta amarkani ku Yimid

Muqdisho 23. June 2017 (SDN/QJ):- Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka dowlada Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu mamnuucay in dalka la keeno nooc ka mid ah gaadiidka yar yar ee raaxada.   Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaarada ay mamnuuceyso in Gudaha Soomaaliya la keeno Gawaarida dhanka…

Read More

Madaxweyne Farmaajo oo Gaadhay Dalka Ugandha,Xog Ku Aadan Ujeedka Socdaalkiisa Iyo Maqaam Hoose oo Lagu Soo Dhaweeyay DAAWO

Kampala 23. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.   Booqashadan ayaa ka dambeysay kaddib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka heley dhigiisa Uganda Yoweri Museveni. Madaxweynaha iyo wafdiga la socda oo booqashada ay qaadan doono muddo labo cisho ah…

Read More

Masrixiyad Ku Saabsan Khuraafaadka ay Somalidu ka Aaminsan Tahay Laylatul Khadarka DAAWO oo Ha Qoslin

Hargaysa 23. June 2017 (SDN/QJ):- Tobanka Cisho ee u danbeeya Bisha barakaysan ee Ramadaaan Waxaa ku Jira Habeen ka khayr badan Kun Sannadood Waa Habeenka Laylatul Qadri Kaas oo Nebigeenii Muxamed NNKH uu u banbixi jiray Citikaaf iyo Cibaado badan Maadaama habeenkaasi uu Fadli badan leeyahay Isla Markaana ummada Islaamka uu Nebigu ku dardaaray inay…

Read More

Raysal Wasaaraha Somalia oo kula la dar-daarmay Maamulka Gobolka Benadir adkeynta Amniga Caasimadda Muqdisho

Muqdisho 23. June 2017 (SDN/QJ):- Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galey kulan Todobaad la ah oo ay iskugu yimaadaan gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir kaasoo looga hadlayey xaalada magaalada Muqdisho. Waxaana kulankan shir gudoominayey gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo lagu marti qaadey kulanka ayaa…

Read More

Xukuumada Washington oo Ka Niyad Xun sii socoshada Cunoqabataynta Dalka Qatar

Washington 23. June 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Maraykanka ayaa muujisay sida ay uga niyad xun tahay go’aanka Sucuudiga ee ku aaddan cunoqabataynta Dalka Qatar. Afhayeen u hadashay wasaaradda Arimaha Dibada ee Dalka maraykanka ayaa sheegtay inay Sucuudiga iyo dalalka la xulafada ahi ay ilaa haatan ku fashilmeen inay keenaan cadaymo rasmi ah oo ay ku xaqiijinayaan…

Read More

Maxay Tahay Maslaxada Soomaaliya Ugu Jirta Taageeridda Go’doominta Lagu Sameeyay Dalka Qadar ?

Muqdisho 23. June 2017 (SDN/QJ):- Maxaa maslaxad oo Soomaaliya uga jirta taageeridda go’doominta ay Imaaraadka iyo xulafadiisu ku sameynayaan dalka Qadar ee muslimka. Aan marka hore waxoogaa ka warammo dowrka muuqda ee Qadar ay ku laadahay saaxada dowladiga, Gaar agaan mandiqadda Bariga Dhexe, Iyo kaalinta ay ka qaadato xalinta xilaafaadyada iyo nizaacaadka u dhaxeeya dadyowga…

Read More

Amaanka Xarumaha Maamul ee Degmooyinka Caasimadda Somalia ee Muqdisho oo Kor Loo Qaaday Iyo Cabsida Jirta!!

Muqdisho 23. June 2017 (SDN/QJ):- Amaanka xarumaha Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa sare loo qaaday, kadib markii Shalay Iyo doraad weerar ismiidaamin dad badan lagu dilay lagu qaaday xarunta maamulka Degmada Wadajir Iyo Saldhiga Booliska ee Degmadda Waaberi ee gobolka Banaadir. Gudoomiyaasha cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa durbo dareemay cabsi xoogan ay ka qabaan in…

Read More

Hal abuur aan Lacag Ku Xidhnayn: Arday Curisay Qalab Sida Aadamaha u Shaqaynaya oo Gubashada Bakhtiinaya

Istanbul 23. June 2017 (SDN/QJ):- Koox arday ah oo wax ka baratay kuliyadda Injineeriyadda Korontada iyo qalabka korontada ku shaqeeya ee jaamacadda Cusmaan Qazi ee dalka Turkiga ayaa ku guulaystay samaynta mishiin aadame-la-mood ah oo lagula dagaalamo dabka. Qalabkan ayaa leh nidaam dareen oo uu ku garanayo dabka, kadibna iskii ugu dhaqaaqayo si uu u bakhtiiyo,…

Read More

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta Oo Ka Hadlay Shil Doomeed Oo Ka Dhacay Lamu

Nairobi 23. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Kiiniya,  Uhuru Kenyatta ayaa  ka hadlay sida uu uga xun yahay dad gaadhaya toban qof oo ku dhintay shil doomeed oo ka dhacay  magaalada Lamu salaasadii. Dhambaal tacsi ah oo uu madaxweynahu u direy qoysaskii, eheladii iyo saaxiibadii  dadka dhintay ayaa waxa uu ku sheegay  inuu si gaar ah…

Read More

Madaxweyne Donald Trump Oo Ku Cambaareeyay Kuuriyada Waqooyi Arday Maraykan ah oo Mudo u Xidhnaa Balse Dhintay & Luuqada uu Trump Kula Hadlay K.Waqooyi

Washington 23. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Kuuriyada Waqooyi ugu yeedhay “dilaa arxan daran” ka dib markii uu dhintay arday Maraykanka u dhashay oo halkaas ku xidhnaa in ka badan 15 billood. Kuuriyada Waqooyi ayaa todobaadkii hore Maraykanka ku celisay Otto Warmbier oo 22 jir ah, iyada oo sheegtay in uu miyirkiisu…

Read More

Australiya Oo Hakisay Duqeymihii Ay Ka Wadday Suuriya Isla Markaana Hawraarsan Kaga Jawaabtay Digniintii Ruushka

Hargaysa 23. June 2017 (SDN/QJ):- Austaraliya ayaa ku dhawaaqday inay si ku meel gaadh ah u hakisay duqeymaha ciidamadeeda ay ka wadeen dalka Suuriya. Tallaabadan ayaa timid maalmo kadib markii diyaarad dagaal oo Mareykanku leeyahay ay soo ridday diyaarad Suuriyaan ah, islamarkaana dowladda Ruushka oo xulufo la ah dowladda Suuriya  ay ku hanjabtay in diyaaradaha…

Read More