Madaxwaynaha Soomaaliya oo ku baaqay inay Wasiiradu isaga guuraan Madaxtooyada DHAGAYSO

Muqdisho, 04.May 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha dawlada federalka Soomaaliya mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa golihiisa wasiirada ugu baaqay inay isaga guuraan agagaarka xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.   Xassan Shiikh Maxamuud ayaa wasaarda Soomaaliya u sheegay in looga baahanyahay inay dayac tirtaan xarumahooda ku yaal degmooyinka kaladuwan ee gobolka Banaadir aysana kaliya degenaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya.  …

Read More

Suxufiyiinta Somalia Waxay noqdeen Kalluun ku dhex Jira Biyo Sumaysan Waayo Waxay u dhexeeyaan Dawlada iyo Xagjirka Alshabaab Warbixin

Muqdisho, 04.May 2016 (SDN/QJ):- Hay’adda xuquuqda Insanaka u doodda ee Human Rights Watch ayaa dawladda Soomaaliya iyo ururada Islaamiyiinta ku eedaysay inay ku xad gudbeen xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliyeed. Waxaa loogu baaqay dawladda Soomaaliya si go’aann leh inay  u dhammayso caga juglaynta iyo shaqaaqada ka dhanka ah saxafiyiinta.   Warbixintya HRW waxaa lagu soo beegay maalinta…

Read More

Daawo:- Heshiiskii DDS Itoobiya iyo Gal-Mudug ay ku kala Saxiixdeen Jigjiga

Jigjiga, 3,5,2915 (QJ/SDN) – Kaddib Wadahadallo ay maalmihii u dambeeyay Jigjiga ku lahaayeen madaxweynaha maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo Dhigiisa Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa lagu Guuleystay in ugu dambeyn ay maanta madaxda heshiis kama dambeys ah ka gaaraan shaqaaqooyinkii ka dhacay soohdinta labada maamul u dhexeysa. Wadahadallada labada dhinac ayaa intii ay…

Read More

Gudidda Ansixinta Xisbiyada Qaranka oo Markii Kowaad ka Hadlay Dacwada Xisbiga Ucid iyo Qodob ay u soo Jeediyeen Dhinacyada Khilaafku ka dhexeeyo

Hargeysa, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Xaalada Xisbiga Ucid iyo Khilaafka Xadhkaha goostay ee u dhexeeya Gudoomiyaha Xisbigaas iyo Garabka uu Hogaamiyo Murashax Jamaal Cali Xuseen ayaa Waxaa Markii Kowaad ka Hadlay Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka oo Gacanta ku haya ka Garnaqista Dacwada Xisbiga Ucid.

Read More

Ganacsato Sucuudi ah oo Booqasho ku Yimid Somaliland iyo Kulan ay la qaateen Madaxweyne Siilaanyo SAWIRO

Hargeysa, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane.  Axmed Maxamed  Siilaanyo, ayaa  kulan gaara la yeeshay xubno ganacsato ah oo ka socda boqortooyada sucuudi Carabiya, kuwaasoo madaxweynaha ku soo booqday xafiiskiisa. Madaxweynuhu waxa uu weftiga uga waramay ahmiyada ay Somaliland u leedahay mandaqada ay ku taallo, oo ah mandaq halbawle ah gaar ahaan dhinaca…

Read More

Wada Hadalladii u Dhexeeyay Somaliland Iyo Soomaaliya oo Dib U Bilaabmaya Dabayaaqada Bishan May,Muxuu Yahay Ajandaha la Isugu Imanayaa? DAAWO

Hargeysa, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa kaga hadlay, Ujeeddada Safar isaga, Wasiirka Madaxtooyada iyo Safiirka Somaliland ee Imaaraadku ku tageen Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga. Wasiir Sacad Cali Shire, waxa uu faahfaahiyey Wada Hadallo Ankara…

Read More

Somaliland oo Si Buuxda u Dhaqangelisay Heshiiskii Ganacsi ee ay la Gashay Itoobiya DAAWO

Berbera, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Maamulka Dekeda Magaalada Berbera oo ay Weheliyaan Maamulka Gobolka Saaxil, iyo ka Degmada Berbera ayaa si rasmi ah u furay dhismaha Wejiga Sadexaad ee Dekeda Wajaale Terminal port ,Taas oo ay Hirgaliyeen Maamulka Dekeda Berbera. https://www.youtube.com/watch?v=wnGkaNj-xqA https://www.youtube.com/watch?v=DgF7zMbtnos&feature=youtu.be

Read More

Maxay ka Wada Hadleen Gudoomiye C.raxmaan Cirro iyo Gudoomiyaha Gudida Africa u qaabilsan Congresska Maraykanku?

Washington, 3 May 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa kulan la qaatay Christopher H. Smith oo ah Guddoomiyaha Guddida Afrika u qaabilsan golaha Congresska Maraykanka, sidoo kale Congressman Chris Smith ayaa Gudidiisu ay golaha Congresska u qaabilsan tahay arrimaha Caafimaadka Caalamka, Xuquuqda Aadanaha iyo ururada Caalamiga ah.   Guddoomiyaha Golaha…

Read More

C/Raxmaan Cirro Oo Dagaalkii Dhinaca Diblomaasiyadda Kaga Badiyay Dhigiisa Kulmiye,Safarka uu Ku Joogo Maraykanka Iyo Gudoomiye Biixi Oo Loo Diiday Fiisaha Dalka Maraykanka, Soona Guryo Noqday

Hargeysa, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan ku hungoobay Safaaraddaha Dalka Maraykanku ku leeyahay Dalalka Itoobiya iyo Kenya kadib markii ay u diideen Codsi uu kaga dalbay Fiisaha Dalka Maraykanka,halka uu Gudoomiyihii Xisbiga Mucaaridka ahaa ee WADDANI Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro hortiiba laga siiyay fiisaha Maraykanka, islamarkanaa uu…

Read More

Xiisad Ka Taagan Dhul Ku Yaalla Duleedka Madaarka Hargeysa, Taliyaha Milletariga Oo Lagu Eedeeyay Inuu Ciidan Hubeysan Geeyay & Suldaanka Guud Oo Hanjabay DAAWO

Hargeysa, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Xiisad Colaadeed, ayaa ka soo Cusboonaatay Dhul ku yaalla Duleedka Madaarka Hargeysa oo ay isku Haystaan Ciidammada Qaranka Somaliland iyo Qoyska Ila Saleebaan Bidde oo uu Wakiil ka yahay Abwaan Axmed Saleebaan Bidde. Dhulkan oo hore muran uga jiray, balse uu horraantii Sannadkan Guddi uu Madaxweynuhu u saaray Xal ka…

Read More

Gobolka M.Jeex: Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Oo Gashay Maalintii Afaraad, Goobaha & Tirada Dadka La Doonayo Inay Is-diwaangeliyaan

Hargeysa, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Guud ahaan Degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxa si Gaabis ah uga Socota Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland, taasi oo socota Maalintii afaraad oo Maantoo Salaasa ah. Dadweynaha Gobolka Maroodi-jeex, ayaa iska Diwaangelinaya 156 Goobood, kuwaasi oo 79 ka mid ahi yihiin Gudaha Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana sida Komiishanka Doorashooyinka Qaranku…

Read More

Garaad Saleebaan Buraalle Oo Hadlay Xiisad Nin Ku Dhintay Mid Kalena Ku Dhaawacmay Oo Ka Taagan Buuhoodle

Buuhoodle , 3 May 2016 (SDN/QJ):- Magaalada Buuhoodle ayaa la sheegay in maalmihii u dambeeyay ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, xiisadaasi oo la xidhiidha ismaan dhaaf ka dhashay ka ganacsiga iyo gacan ku haynta Jaadka loo yaqaano Miirooga oo deegaanka ka soo gala dhinaca magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Hal qof ayaa la…

Read More

“Lama Dhicin Gaadhiga Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland,balse Ninkii Dhacay Gaadhiga Waxaanu Rajaynaynaa In Somaliland Nagu Soo Wareejin Doonto.”  Taliyaha Booliska Punt land

Garoowe, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland Jen. Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Af-gaduud), ayaa beeniyay in la dhacay baabuur uu lahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland. Islamarkaanna wuxuu sheegay in soo celinta baabuurkani barbilow u yahay xidhiidh fiican oo ka dhexeya Somaliland iyo Puntland Taliyaha oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Waa been gaadhi uu…

Read More

Tartan Dhaqameed U Gaar Ahaa Dhallinyarada Oo Lagu Soo Gebogebeeyey Laascaanood DAAWO

Laascaanood, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Tartan suugaaneed lagu dhiirrigelinayo Mawhibada (talents) Ilaahay (SWT) siiyey dhallinyarada ee Aqoonta dhinaca dhaqanka iyo hal-abuurnimada, ayaa lagu soo gunnaanaday hudheelka Xamdi ee magaalada Laascaanood. Xaflad si weyn loo agaasimay oo Xarunta Hidhaha iyo Dhaqanka ee Cakaara qayb ka qaadatay, isla markaana dadka ka qaybgalay badankoodu ku lebisnaayeen dharka hiddaha…

Read More

Wasaaradda Caddaaladda oo Tababar u soo Xidhay Garyaqaanno loo Tababaray Hay’adaha Caddaaladda

Hargeysa, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tababar u xidhay 25 garyaqaan oo loo tababaray hay’adaha caddaaladda, kuwaasoo muddo toddoba bilood ah lagu tababaray xarunta Wasaaradda. Xafladda xadhitaanka Tababarka garyaqaannadan oo ka qabsoontay  xarunta Wasaaradda Caddaaladda waxa ka qaygalay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, Wasiirka Wasaaradda…

Read More

Ciidamo ka socda Ingiriiska oo Imaanaya Magaalada Muqdisho iyo Nooca Hawlqabadkooda

Muqdisho, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya waxaa soo gaaray ciidamo cusub oo ka socda wadanka Britain kuwaas oo gacan siindoona ciidamada midowga Africa ee Amisom.   10 Askari oo kamid ah ciidamadaasi ayaa kasoo degey Muqdisho waxaana ay hordhac u yihiin 70 askari oo ladoonayo inay AMISOM ka saacidaan dhanka Caafimaadka…

Read More