“Ninkii loogu cayda iyo Aflegaadada Badnaa baan ahaa, laakiin Imika waa la iga nastay mana odhan karo haddii xil la iigu yeedho waan qabanayaa iyo ma qabanayo midna”Axmed X. Daahir Cilmi.
Hargeysa:Aug,31,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumaddii Daahir Rayaale Md Axmed xaaji Daahir Cilmi, ayaa ka Hadlay xaaladda Guud ee Dalka, waxana uu jawaab cad ka bixiyey halka ay ku dambaysay Xubinnimadiisii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani. Md Axmed Xaaji Daahir oo u warramayey Telefishanka Universal, ayaa tilmaamay inuu saluugsan yahay sida Xisbiga Waddani haatan wax u…
