Siyaasi Ismaaciil Hurre Buuba Oo Cusbitaalka International Ee Hargaysa Ku Booqday Suldaanka Guud Ee Somaliland Oo Xaalad Caafimad U Jiifa

    Hargeysa,2sep,2o15(QJ/SDN)-Siyaasi Ismaaciil Hurre Buuba oo maanta si wayn loogu soo dhaweeyay Hargaysa ayaa intii aanu u gudbin Gurigiisa waxaa uu cusbitaalka International ee Magaalada Hargaysa ku booqday Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo xaalad caafimaad u jiiga Cusbitaalka . Siyaasi ismaacil ayaa u soo duceeyay allena uga rajeenayay in uu siiyo caafimaad sareeca . Dhankiisa Suldaan…

    Read More

      Soo Dhaweyn Xukuumaddu Ka Maqan tahay Oo Maanta Ismaaciil Buubaa Loogu Sameeyey Magaalada Hargeysa

      Hargeysa:Sep,02,2015(SDN/QJ)-Siyaasi Ismaaaciil Hurre Buubaa, ayaa Goor dhaweyd soo gaadhay Magaalada Hargeysa, waxana si weyn usoo dhaweeyey Shacabweyne Tiro badan, Hoggaanka Labada Xisbi-mucaarid, waxana uu muujiyey jacaylka uu qabo dalkiisa Hooyo. Mudane Buubaa oo noo laabashadiisa muddo dheer la sugayey, ayaa ka gaabsaday inuu  faahfaahin ka bixiyo  soo laabashadiisa, waxana uu ku gaabsaday inuu soo laabashadiisa…

      Read More

        Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Addis Ababa Wada-hadallo Qarsoodi ah Kula Yeelatay Saraakiil Maamulka Khaatumo Katirsan

        Hargeysa:Sep,02,2015(SDN/QJ):Inkasta oo ay hore u fashilmee isku dayo xukuumaddu ku doonaysay inay wada hadallo midho dhal leh kula galaan Saraakiisha hoggaamisa kooxda khaatumo, ayaa haddana waxa soo baxaya warar sheegaya inaanay Wali ka daalin ka lib-keena amuurtaas, waxana Dhawaan  Kulamo qarsoodi ah Magaalada Addis Ababa Kula qaadatay   Siyaasi Cali Ciise Cabdi oo ka mid ah…

        Read More

          Maareeyaha Haamaha Shidaalka Oo Kasii Laalaada Tareenka Xukuumadda iyo Madaxtooyada Oo Ka Qarsanaysa Talooyin Cusub Oo Lagu Waajahayo Shaqada uu Hayo

          Hargeysa:Sep,02,2015(sdn/qj)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa il gaar ah ku eegaysa Muranka ka taagan Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, waxana lagu mashquulsan yahay sidii loo furdaamin lahaa Qorshihii Haamahaas lagu wareejin lahaa oo sirtiisu dibadda u baxday, kadib Baalramaanku Cod ku laaleen. Maareeye Sheekh Saleebaan Siciid oo muddo  gacanta kusoo hayey  Haamaha shidaalka Berbera, ayaa haatan u  muuqda…

          Read More

            Hargeysa Oo Aan Shalay Wax Xoolo ah Lagu Qalin, Hoggaankii Hiliblayaasha Nafaqo Amarro ay Bixisay SHirkadda La Naas-nuujiyo Ee Maandeeq Jeelka Lagu Dhigay

            Hargeysa:Sep,02,2015(SDN/QJ)-Caasimaddda Somaliland ee Hargeysa, ayaan maalintii shalay  Hilib ah lagu qalin, kadib markii Dadka Halkaas Hilibka qalaa ay si isku duubni ah udiideen inay Xoolaha Qalliinka ugu diyaarsan ku wareejiyaan Shirkadda Qalliinka qaabilsan ee Maandeeq, taas oo kor u qaadday Qiimaha Khidbadda ee ay ka qaadi jirtey Xoolaha ay qasho. Ururka ay ku bahoobeen Hiliblayaasha…

            Read More

              Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Caawa Xilal Cusub Magacaabay

              Hargeysa,1Sep,2015(QJ/SDN)-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay xilal cusub oo ay ku jiraan qaar ka mid ah guddoomiyayaasha gobollada iyo xubno ku soo kordhay madaxda xarunta dhexe ee xisbiga. Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa wareegto uu soo saaray shalay waxa uu ku magacaabay guddoomiyayaash KULMIYE ee shan ka mid ah gobollada dalka,…

              Read More

                Faallo: Sannad Ka Dib Dilkii Hogaamiyihi Hore Ee Alshabaab iyo Weerarka Jannaale, Maxaa Loo Fasiran karaa?

                Hargeysa,1Sep,2015(QJ/SDN)-Maanta oo kale 1-dii September sanadkii 2014 waxay diyaaradaha aan duuliyuhu wadin ee dowlada Mareykanka ku dileen deegaanka Haawaay ee gobalka Shabeelaha hoose Hogaamiyihii Xarakada Alshabaab Sheekh Axmed Cabdi Godane, oo Xarakada Alshaab dhexdeeda loooga yaqaanay Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr. Maanta oo sannad buuro ah laga jooga dilka Sheekh Abuu Zubeyr, Xarakada Alshabaab Gaar ahaan…

                Read More

                  Dood adag oo Gacmaha la isula Tagay oo Dhex Martay Xildhibaano iyo Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga iyo Ubucda Khilaafka iyo Haamaha Shiidaalka DAAWO

                  Hargaysa 01.Sep 2015 (SDN/QJ)- Waxaa Suuqa Siyaasada Somaliland ka Taagan Xiisada ka dhalatay damaca Xukuumadu ay ku wareejinayso Haamaha Shiidaalka ee Berbera Shirkado gaar loo leeyahay kaas oo Golaha Wakiiladu ay Cod aqlabiyad ah ku laaleen. Hadaba Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga ayaa isku haleelay Dood adag oo Gacmaha…

                  Read More

                    Akhri Liiska Magacyada Ardayda Tobanka Kaalmood Ee Ugu Sarreeya Dugsiyada Sare.

                    Hargeysa,1sep,2015(QJ/SDN)-Waxa goor dhaweyd xafiiska imitixaanaadka qaranka JSL ku dhawaaqay Natiijadii imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee Somaliland, waxaana Halkan idiinku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah magacyada Ardadydii Kaalmaha hore ka gashay Imtixaanaadkaasi. Akhri Liiska Ardayda Tobanka Kaalmood Ee Ugu Sarreeya Dugsiyada Sare. Magaca                          …

                    Read More

                      War Degdeg ah: Akhri Magacyada Ardayda Kaalmaha Koowaad Ka Galay Dugsiyada Sare iyo Kuwa Dhexe Ee Somaliland Oo Goor Dhaweyd La Shaaciyey

                      Hargeysa:Sep,01,2015(SDN/QJ)-Xafiiska imtixaanaadka Qaranka Somaliland u qaabilsan, ayaa goor dhaweyd shaaciyey Natiijadii Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Fasallada Siddeedaad ee Dugsiyada dhexe iyo Afraad ee Dugsiyada sare. Shir jaraa’id oo ay goor dhaweyd ku qabteen Xafiiskooda, ayey ku shaaciyeen natiijadaas, waxana Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanka Daa’ud Axmed Faarax uu  ardayda kula dardaarmay inay qiska imtixaanka yaraystaan si aqoontoodu…

                      Read More

                        War Deg Deg ah:Mintidiinta Al-shabaab Oo Gudaha u Galay Xarunta Ciidanka AMISOM Ku Leeyihiiin Janaale

                        Jannaale:Sep,01,2015(SDN/QJ)-Wararka saaka laga helayo Degmada Jannaale ee Gobolka Sh/hoose, ayaa sheegaya in Saaka aroortii hore ay kooxda Al-shabaab weerar isqaxin ku bilaabmay ka fulisay xarunta Amisom Jannaale ku leedahay, isla-markaana ay Gudaha u galeen. Weerar Ismiidaamin ah ayaa lagu galay afaafka hore ee Xerada, kadib markii albaabka lagu dhuftay gaadhi uu ka xeynaayay Nin isa…

                        Read More

                          Haweenka Ugu Awoodda Badan Somaliland Oo Dacwad Kusoo Oogay Wargeyska Ogaal

                          Hargeysa:Sep,01,2015(SDN/QJ)-waxa markale xalay fiidkii soo gaadhay xarunta Wargeyska Madaxa Bannaan ee Ogaal Warqad yeedhmo ah oo ka timi Maxkamadda Gobolka, Taas oo la filayo inay la xidhiidho Dacwad marwooyinka dalka ugu awoodda Badani gudiyeen. Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Jaambiir, ayaa sheegay in curashada arrintani ka soo jeeddo warar uu Wargeysku faafiyay oo ku saabsanaa arrimaha…

                          Read More

                            Xukuumadda oo Cadaysay inuu Sharcigu u Ogol yahay Iibinta,Kiraynta iyo Wareejinta Haamaha Shiidaalka Berbera DAAWO

                            Hargaysa 31.Aug 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta warbaahinta la hadlay,ayaa sheegay inay haamaha shidaalku ay yihiin hanta qaran islamrkaana Xukuumaddu Xukuumaddana ay xaq u leedahay wareejintooda. “Qodobka 12aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxaa uu cadeynayaa masuuliyada hantida iyo kaalinta ay xukuumadu ku leedahay, qodobkaasi waxaa uu sheegayaa in xukuumada…

                            Read More

                              “Marka hore maba jirto heshiis ay xukuumadu intay gashay ay ku wareejisay haamihii,oo Maamulkii haamaha ay cid kale gacanta ku hayso weli waxaa gacanta ku haysa Xukuumada” Wasiir Cukuse

                              Hargaysa 31.Aug 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo Shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda ayaa si faahfaahsan uga hadlay qadiyada haamaha kaydka Shiidaalka ee Berbera. Wasiir Cukuse oo ka hadlaya go’aankii shalay ay gaadheen golaha wakiilada ayaa sheegay “Sheekada ilaa Maalmahan aanu maqlaynay ee Golaha Wakiiladda Somalilandna u…

                              Read More

                                Madaxweyne Xasan Sheekh oo aqbalay in Soomaaliya ay ciidamo u dirto dalka Yemen

                                Muqdisho,31Aug,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii 3-aad booqasho ku joogga Wadanka imaaraatka Carabta, ayaa aqbalay in Soomaaliya ay ciidan u dirto Yemen. Wadamada Khaliijka, ayaa wada qorshe ciidan ka socdo Wadamada Jaamacadda Carabta loogu dirayo Yemen, si talladii dalkaasi dib loogu soo celiyo gacanta Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi. Madaxweynaha…

                                Read More

                                Xusuusihii iyo Mahadhooyinkii Maxamed Mooge Liibaan. W/Q:Khaalid Foodhaadhi

                                Waxa uu ahaa macallin, heesaa, laxamayste, halgamaa, waxaana  uu ku dhashay magalaada Hargeysa kuna barbaaray yaraantiisii, halkaas oo uu waxbarashadiisii ka bilaabay, ka hor intii aanu hantiyin dhagaha dadweynaha Soomaaliyeed waxa uu ahaa macallin ka tirsan wasaarada waxbarashada jamhuuriyadii Soomaaliya, wuxuu hoobal soo shaac baxay noqday sanadihii todobaataneeyadii, waxa taliskii Soomaaliya ka dhisnaan jiray shaqadii…

                                Read More

                                  Mulkiilaha Wargeyska Ogaal Oo Xarunta C.I.D-da Looga Yeedhay Iyo Nuxurka Eedaha Loo Haysto

                                  Hargeysa:Aug,31,2015(SDN/QJ)-Muuse Faarax Jaambiir oo ah Mulkiilaha Wargeyska Ogaal ee kasoo baxa Magaalada Hargeysa, ayaa Xalay fiidkii hore looga yeedhay Xarunta Ciidamada Dembi-baadhista C.I.D-da, iyagoo wax ka weydiiyey warar la xidhiidha Wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera oo Wargesku Maalintii shalay uu qoray. Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Faarax Jaambiir oo shabakadda Somalilandpost.net wax ka weydiiyey arrintan, ayaa sheegay…

                                  Read More