Degmada Dharkeenleey oo Maanta loo Sameeyay Xarun Cusub isla markaana Xadhiga laga jarayo

    Muqdisho 27.October 2013 (SDN)- Xarun cusub oo ay  yeelato Maamulka dagmada Dharkeenleey ayaa waxaa maanta xariga kajaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo ay wehliyaan qaar katirsan masuuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir. dhismaha cusub ee xarunta maamulka dagmada Dharkiinley oo ah mid ku cusub gudaha dagmadaasi, oo xiligii dowladdii…

    Read More

      Xeer Ilaaliye ku Xigeenka Somaliland oo Duruuf Qalafsan ku soo arkay Jeelka Boorama iyo Xarumaha Garsoorka

      Boorama 27.October 2013 (SDN)- Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Mudane Aadan Axmed Muuse ayaa maanta booqasho ku yimid Boorama, waxana uu markii uu Boorama soo gaadhay kormeero ku sameeyay xarumaha Booliska, jeelka dhexe iyo Maxkamadaha gobolka iyo degmada, waxana ku wehelinayay safarkiisan masuuliyiinta garsoorka iyo talisyada ciidanka asluubta iyo Booliska ee gobolka. Ku…

      Read More

        Wasiir Ku Xigeenka Cadaalada oo Socdaal dhaqaaq Joogsi ah ku Tegay Laascaanood daqiiqado kadibna dib uga soo Jarmaaday

        Laascaanood 27.October 2013 (SDN)- Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Cadaalada Nuur Cismaan Guuleed ayaa gaadhay magaalo madaxada gobolka sool ee laas caanood halkaasoo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinta heer gobol iyo heer ee degmo ee gobolka  sool. waxaana soo dhawaynta ka dib uu wasiir ku Xigeenku wuxuu kulamo xog waraysi ah la yeeshay masuuliyiinta…

        Read More

          Laba Wasiir oo Isku bahaysatay Wacyigelinta Tahriibka ee dhalinta Gobolka Awdal

          Boorama 27.October 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo uu Weheliyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta ayaa kulan kula qaatay Jaamacada Camuud Maamulka iyo ardayda wax ka barata Jaamacadaas isla markaana ka wacyigeliyay Khatarta tahriibka. Xafladaas waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo sheegay…

          Read More

            Madaxweyne C.raxmaan Faroole oo Madaxtooyadiisa ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Somalia

            Garowe 27.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa  ku qaabilay xarunta Madaxtoyada Garowe Safiirka Talyaaniga ee Somalia Ambassador Andrea Mazzela oo maanta booqasho ku soo gaaray magaalada. Xubno ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda Talyaaniga iyo hay’adda UNOPS ayaa wehelinayay safiirka, waxana sidoo kale joogay kulanka masuuliyiin ka tirsan Puntland. Socdaalka Safiirka Taylaaniga…

            Read More

              Shirkada Kaluumaysiga ee Pontus Marine oo Magaalada Boorama ku qabatay Kulan ay Bulshada ugu bandhigayso ka Qaybgalka Saamiyada Shirkadaas

              Boorama 26.October 2013 (SDN)- Shirkada Kaluumaysiga ee Pontus Marine ayaa maanta dadka reer Boorama u soo bandhigay qorshe ay kaga mid noqonayaan dadka maalgashanaya shirkadan dhinaca kaluumaysiga ah oo ka hawl gali doonta Somaliland. Madashan ayaa waxa ka soo qayb galay Lataliyaha Madaxwaynaha ee dhinaca Haweenka, maayarka Boorama, ganacsato, Cuqaal iyo dadwayne kale. Ugu horayn…

              Read More

                Der Spiegel:Mareykanka oo Telephone-ka Angela Merkel dhegeysanayay ilaa iyo 2002dii

                Munich Oct 27,2013(SDN)-Jariirad ka soo baxda dalka Jarmalka ayaa daabacday in sirdoonka Mareykanku dhegeysanayeen telephoonka haweeneyda Hogaamisa dalkaas ee Angela Merkel mudo dhawr iyo toban sanadood ah. Der Spiegel ayaa daabacday in ay heyso documintiyo cadeynaya in Mareykanku Telephone-ka Merkel dhegeysanayay intii ka danbeysay 2002dii. Jariiradu waxa ay sheegtay in aaney cadeyn sababta loo asaasay…

                Read More

                  Wariye Timacade oo dhaawicii gaaray u geeriyooday

                  Muqdisho Oct 27,2013(SDN)-    Wariye Maxamed Maxamuud Timacade oo koox hubeysani ay 22kii bishan raasaas la dhacday ayaa dhawicii soo gaaray u geriyooday. Maxamed Timacade oo ku jiray Cusbitaalka Madina ee Magaalada Muqdisho oo maalmihii u danbeeyay dhaawacyadiisa lagu dhayay. Rag hubeysan ayaa wariye Timacad xili uu ka soo baxayay aqalkiisa ku dhuftay lix xabadood. Wariye…

                  Read More

                    Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay kuxigeenka xoghayaha guud, kormeerna ku sameeyey xafiiska Q/midooba

                    Muqdisho, October 27, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka xoghayaha guud ee Q/midoobay Jan Eliasson, waxayna ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Q/midoobay, gaar ahaana taageerada shacabka Soomaaliyeed ay u fidiso Q/midoobay. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay xubnaha golaha Wasiirada iyo wakiilka gaarka ah…

                    Read More

                      Maamulihii Xarunta Derbi jiifka Maxamed Mooge oo Saldhiga loo taxaabay iyo Xisbiga Ucid oo Canbaareeyay Talaabadaas

                      Hargaysa 26.October 2013 (SDN)- Xisbiga Ucid ayaa si Xoogan u canbaareeyay Xadhig ay Sheegeen inuu Xaq daro yahay oo lagula Kacay Marwo Luul Xasan Mataan oo ahayd Gudoomiyaha Xarunta Xanaanaynta iyo Daryeelka Caruurta derbi Jiifka ah ee Degmada Maxamed Mooge . Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Ucid ayaa Mas’uuliyada Xadhiga Marwo Luul waxa uu dusha…

                      Read More

                        Xubnihii Wasiirada Somaliland ee dalka Masar oo Kulamo la qaatay Wasiirka Waxbarashada Masar iyo Madax kale

                        Qaahira 26.October 2013 (SDN)- Waxaa maanta oo ah Sabti oo taariikhdu tahay 26/10/2013. Wasiirka Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Waxabarshada Marwo Sam Sam Cabdi Aadan, ayaa kulan socday muddo saacad iyo badh ah xafiiskiisa kula yeeshay Wasiirka waxabarshada sare ee wadanka Masar AL Daktoor .Husam Ciisa oo uu…

                        Read More

                          “Qaramada Midoobey waxey na tuseen sida ay noo taageersanyihiin oo ay weliba xafiis hor leh oo cusub ay ka furanayaan Muqdisho” Madaxweyne Xasan Sheekh

                          Muqdisho 26.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Jan Eliasson, oo ah ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, isagoo ku ammaanay booqashadan taariikhiga ah iyo furitaanka xafiiska cusub ee Qaramada Midoobey ay ka furaneyso Soomaaliya. Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Madaxweynaha iyo Ku…

                          Read More

                            Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Si adag uga Hadlay Nidaamka Garsoorka Somaliland {DHAGAYSO}

                            Hargaysa 26.October 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Warancadde ayaa xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id  oo uu kaga waramay  sugida iyo adkaynta nabadgalayada dalka kaasoo ay kasoo qeyb galeen gudida nabadgalayada. Shirkan jaraa id oo ay ka qeyb galeen  taliyaha booliisla , taliyaha laanta socdaalka , maayirka caasimadda wasiir ku xigeenk aminga,…

                            Read More

                              Radio Shabeele oo Albaabada loo laabay iyo Shaqaalihii ka Hawl galayay oo Xabsiga loo Taxaabay

                              Muqdisho 26.October 2013 (SDN)- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow gaari shabaqle ah ku guray shaqaalaha Idaacada Shabelle, kadib markii ay diideen in dhismaha idaacada ay ka baxaan. Wararka ayaa sheegaya in ilaa 20-shaqaale oo rag iyo dumar isugu jiray ay ciidamada ku kaxeeyeen gaariga shabaqlaha ah, waxaana loo qaaday dhinata Xarunta dambi baarista ee…

                              Read More

                                Eedaysanihii Rasaasta la Beegsaday Xildhibaan Qabile oo la Qabtay iyo Taliyaha Booliska oo ka hadlay

                                Hargaysa 26.October 2013 (SDN)- Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay boolisku ay khamiistii ku soo qabteen degmadda Dacar-budhuq ninkii rasaaseeyay afar habeen ka hor xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan aqalka wakiiladda. Taliyaha oo maanta xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta waxa uu sheegay in ninkaasi…

                                Read More

                                  Munaasibad lagu sii Sagootinayay Arday ka Qalin Jebisay Kuliyada Sharciga ee Jaamacada Hargaysa oo lagu qabtay Mansoor Huteel

                                  Hargaysa 26.October 2013 (SDN)- Wasiirada Wasaaradaha Duulista iyo Hawada, Qorshaynta Qaranka iyo Hawlaha Guud iyo Madax kale ayaa ka qayb galay Munaasibad loogu sameeyay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargaysa 57 Arday oo dhawaan ka Qallin jebiyay Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Hargaysa. Todoba iyo Kontonkan arday oo Lix iyo Labaatan ka Mid ahi haween ahaayeen waxaa…

                                  Read More

                                    Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabilay Madaxa Urur Weynaha Qaarada Yurub u qaabilsan Horumarka {DHAGAYSO}

                                    Hargaysa 26.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskood ku qaabilay Wefti uu hogaaminayo Madaxa Urur Weynaha Qaarada Yurub ee Xaga Horumarka Erik Solheim oo booqasho shaqo ku yimid . Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Somaliland…

                                    Read More

                                      Radio Shabeele oo Hawada laga Saaray iyo Ciidamada Dawlada oo ku Gedaaman dhismaha Idaacadaas

                                      Muqdisho 26.Octiber 2013 (SDN)- Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa ku hareereysan dhismaha Idaacada Shabelle ay ka degan tahay agagaarka Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo Idaacada goor dhoweyd hawada laga saaray. Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan ayaa fulinaya amar ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, kaasoo ku saabsan in Idaacada Shabelle ay…

                                      Read More