admin

AKHRISO:- Wareysi Dheer Oo Xiiso Badan Oo Laga Qaaday Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland

Hargeysa, 13,4,2016 (QJ/SDN) – Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda  Somaliland, ahna  Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha ee heer  qaran Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),isla markaana ah Murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE, ayaa sheegay  in dadkii ku caydhoobay iyo kuwii beerahoodu ku waxyeeloobeen  ay u samaynayaan qorshe ay  ku xoolaynayaan kuwii xoolo dhaqatada ahaa, kuwii beeralayda ahaana…

Read More

Daawo:- Aasaaskii Ciidanka Xoogga Dalka ee 12-ka Abriil oo Maanta laga Xusay Muqdisho

Muqdisho, 12, 4, 2016 (QJ/SDN) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii 56-aad ee aasaaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, taasoo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen; Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, hogaamiyeyaasha Maamul-goboleedyada dalka, saraakiil iyo xubno kale. Xuskan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa; Ra’iisul Wasaare…

Read More

DHAGEYSO: Arday Reer Somaliland Ah Oo Guulo Ka Gaadhay Tartan Caalami Oo Dalka Qatar Ka Socda

Dooxa, 12, 4, 2016 (QJ/SDN) – Dalka Qatar waxa ka socda tartan aqooneed lagu doodayo luuqadda afka carabiga kaasi oo ay ka qayb-galayaan arday ka socota in ka badan 50 dowladood oo caalamka oo dhan ah, waxaana tartankaasi qayb ka  ah arday reer Somaliland ah oo matalaysa dalka Somaliland kuwaasi oo guulo kasoo hooyay tartankaasi…

Read More

Xukunka Xabsiga Dheer Ah Ee Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid Oo Gil-gilay Masaajidda Magaalada Hargeysa

Hargeysa, 12,4,2016 (QJ/SDN) – Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha magaalada Hargeysa ayay maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ku xukuntay xabsi muddo dheer ah, kaasi oo lagu sheegay illaa Afar sanno. Inkastoo aan si rasmi ah loo garan karin mudada xabsiga lagu xukumay abwaanka maadaama aan warbaahinta loo soo…

Read More

Daawo:- Puntland Oo Deegaanadeeda Ka Mamnuucday Itoobiyaanka Loo Yaqaanno Badal-badalka

Garowe, 12,4,2016 (QJ/SDN) – Maamulka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa mamnuucday Itoobiyaanka maacuunta ku wareejiya xaafadaha magaalooyinka Puntland kuwaasoo ay Soomaalidu u taqaano Badal-badal. Wasiirka Amniga Cabdi Xisri Cali (Qarjab) oo ayaa la waydiiayy siday ula socdaan dhaq-dhaqaaqa Badal badalka Itoobiyaanka ee ku dhex wareega xaafadaha magaalooyinka waa weyn, wuxuu sheegay inay la socdaan dhammaan socodkooda….

Read More

Beesha Caalamka Oo Ka Walaacsan Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashooyinka Somaliland Iyo Muddo Kordhin Mar Labaad Loo Sameeyo Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa, 12, 4, 2016 (QJ/SDN) – Wadamada beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ee maalgeliya doorashooyinka iyo diiwaangelinta Somaliland, ayaa aad uga walaacsan dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Somaliland ee la qoondeeyay 2017, taas oo sabab u noqonaysa muddo kordhin mar labaad loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen…

Read More

Daawo:- Madaxweynaha Somaliland Oo Darajooyin Ku Taxay Askarigii Dadka Ka Badbaadiyay Daadadkii Magaalada DILA

Hargeysa, 12,4,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa darajooyin ku taxay Askari todobaadkii hore daadad iyo fatahaado naftiisa ugu halligay muwaadiniin reer Somaliland oo uu daad ku qaaday degmada Dila, isagoona askarigaasi ku guulaystay in uu bad-baadiyay muwaadiniintaasi.

Read More

Madaxweyne Siilaanyo Oo 25% Dhimay Kharashaadka Miisaaniyada Qaybo Ka Mid Ah

Hargeysa, 12, 4, 2016 (QJ/SDN – Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa digreeto uu soo saaray wuxuu ku amray in la joojiyo kharashaadka ku jira miisaaniyada qaybo ka mid ah, isagoo hakinta kharashaadka ku sheegay inay sababtay abaarta dalka ka dhacday. Digreetada Madaxweyne Siilaanyo oo aan saxaafada loo baahin, wuxuu ku socodsiiyay wasiirkiisa maaliyadda Samsam Cabdi…

Read More

Wasaaradda Deegaanka Oo Sheegtay In La xidhay Dadkii Jaray Geed Ku Yaalay Suuqa Hargeysa

Hargeysa, 12,4,2016 (QJ/SDN) – Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Somaliland Eng: Maxamed Cilmi Xuseen, ayaa digniin u diray Bulshada reer Somaliland, waxaanu uga digay inay dhirta jaraan, isaga oo sheegay in cidii dhirta jarta  sharciga la tiigsanayaan, waxaanu tilmaamay inay xidheen ciddii jartay geed ku yaalay badhtamaha Magaalada Hargeysa, isla markaana ay Maxkamada soo saari doonaan. Agaasimaha…

Read More

Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid Oo Xabsi Muddo Dheer Ah Lagu Xukumay

Hargeysa, 11,4, 2016 (QJ/SDN) – Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Hargeysa ayay ciidamada Somaliland xabsiga dhigeen dabayaaqadii sanadkii hore kaasi oo illaa hadda xabsiga ku jira.  Warar hoose oo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in abwaanka la xukumay iyadoo lagu xukumay xabsi muddo dheer ah. Inkastoo…

Read More

Sacuudiga iyo Masar oo Heshiis ka Gaadhay Dhisida Buundo Isku Xidhi Doonta Qaaradaha Afrika iyo Asia

Riyadh,11,4,2016 (QJ/SDN) – Boqor Salmaan Bin Cabdul Caziiz-ka Sucuudiga ayaa sheegay inay heshiis wada gaadheen wadanka Masar iyo Sacuudiga kaasoo ku saabsan dhisida buundo kormarta Badda Cas oo si toos ah isugu xidheysa labada dal. Boqortooyada ayaa arrintaan uga dhawaaqday telefishinka kadib kulankii madaxweynaha Masar, Cabdal Fataax el-Sisi iyo boqor Salmaan ka hor heshiiskii labada…

Read More

SAMATAR: ‘’Dadka Reer Somalilandna Markaad La Sheekaysato Qaar badan baa Ku Odhanaya 18-ka MAY reer baa iska leh’’

Hargeysa, 11,4,2016 (QJ/SDN) – Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ku baaqay in qaab kale loo dhigo xusaska iyo dabaal degyada maalmaha qaran ee ay shacbiweynaha Somaliland sanad kasta ku muuneeyaan qarannimadooda sida xuska maalinta la soo noqoshada madax banaannidii luntay lixdankii ee 18-ka May. Axmed Ismaaciil Samatar waxaa sidoo kale uu dhaliillay  sawirka iyo hummaaga…

Read More