admin

    Madaafiic Lagu Weerary Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Galkacayo

    Galkacayo April 22 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socoto duqey madaafiic ah oo ay is weydaarsanayaan maleeshiyaad hubaysan iyo ciidan ku sugan garoonka Magaalada Gaalkacyo. Sida ay sheegayaan wararka duqeyntaan ayaa waxa ay ku socotaa Garoonka Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug halkaasi oo shalay…

    Read More

    Dowladda Talyaaniga Oo Gaadiid Gudoonsiisay Maamul Goboleedka Puntland

    Garoowe April 21 2013 (SDN)— Dowladda Talyaaniga ayaa maanta (Axad) ugu deeqday booliska Puntland 15 gaari oo lagu taageerayo dadaallada lagu xoojinayo ammaanka Puntland. Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa munaasabad ka dhacday xarunta warbaahinta Puntland ee Garoowe ka guddoomay saraakiil ka socday dowladda Talyaaniga deeqda gaadiidka ah. Gaadiidka ayaa la sheegay in lagu…

    Read More

      Barlamanka Jamhuuriyada Soomaaliya oo Su’aalo Amaanka quseeyo weydiiyay Wasiirka Amniga dalka (Sawirro)

      Muqdisho April 21 2013 (SDN)– C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa 191 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya hortooda kaga jawaabay shan su’aalo oo ku qotomay xaaladaha ammaan ee gudaha Magaalada Muqdisho,gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee hareeyay caasimada. Afar mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weydiiyay Wasiir…

      Read More

        Dowladaha China iyo Portugal oo kawada hadlay La Dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida

        Lisbon April 21 2013 (SDN)– Saraakiil ka tirsan ciidamada Badda dalka Shiinaha ayaa booqday Magaalada Caasimada u ah dalka Portaqiiska ee Lisbon,iyagoona halkaasi kula kulmay Saraakiisha kale ee ciidamada Badda dalkasi. Dowladahan ayaa ka arinsaday xaaladaha nabadgalyo ee xeebaha Soomaaliya,iyagoona isku afgartay in siwadajir ah loo hujuumo burcad badeeda Soomaalida oo la dagaalankooda ay isku…

        Read More

          Maamulka KMG Kismaayo oo ka hadlay Amaanka Magaaladaasi

          Kismaayo April 21 2013 (SDN)— Maamulka KMG ee ka jira Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa ka hadlay xaaladaha dhanka ammaanka ee Magaaladaasi xilli la isku qaban qaabinayo inay halkaasi ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland. Afhayeenka maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo C/naasir Seeraar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladaha ammaanka…

          Read More

            Maraykanka Oo dhaqaalo ugu dheeqay Mucaaradka Syria

            Istanbul April 21 2013 (SDN)– Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhaqaalo gaaraya $123m ay ugu deeqday Kooxaha Mucaaradka Syria ee dagaalka kala soo horjeeda Madaxweynaha dalkaasi Bishar Al Assad. Maraykanka ayaa deeqdan lacageed kaga dhawaqaay kulan wadamada saaxiibada la ah Syria ay ku yeesheen Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Mucaaradka Syria ayaa dalbaday…

            Read More

              Daawo Sawirrada Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta hortay Barlamanka Soomaaliya

              Muqdisho, April 20, 2013—-Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta hortegay kalfadhigii labaad kulankiisii 18 aad ee golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed isagoo ka jawaabay su’aalihii la xiriiray waxqabadka xukuumada ee 100 maalmood. Taasoo ay xildhibaanadu codsadeen inuu warbixin faah faahsan ka siiyo su’aalo ka yimid warbixintii wax-qabadka dawladda ee horaantii Maarso dawladdu soo gudbisay….

              Read More

                Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay Shirka Amaanka Africa ee ka soconaya Ethiopia (Sawirro)

                Bahar Dar April 20 2013 (SDN)— Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qudbad ku aadan dhanka amaanka ka jeediyay furitaanka Shirka Tana Forum. Madaxweynaha waxaa kala qeyb galayo shirkan R/Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Haaji Adam, iyo Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. C/Qaadir. “Africa waa…

                Read More

                  Al Shabaab oo sheegay in 127-Askari oo ka tirsanaa Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed ay dileen 4-bil gudahood

                  Muqdisho April 20 2013 (SDN)— Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay soo bandhigeen tirada ciidamada ka tirsan Sirdoonka Dowladda ee ay dileen. Warka qoraalka ah ee Al-Shabaab kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan Al-Shabaab ay dileen askar ka…

                  Read More

                    Xildhibaanada Barlamanka oo su’aalo weydiiye R/wasaare Saacid kaddib kulan ay ku yeesheen Muqdisho

                    Muqdisho April 20 2013 (SDN)– Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa su’aalo weydiinaye Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyadoo su’aalo weydiinta Ra’iisul Wasaraha ay goordhaweyd ku soo dhamaatay Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho. Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo horay udalbaday in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya la horkeeno ayaa su’aalaha weydiinaye dhamaantood waxa ay ku qotomeen howlaha Xukuumadda…

                    Read More

                      Nin Taageera Al Shabaab oo lagu xukumay dalka Maraykanka

                      Washington April 20 2013 (SDN)– 26-jirkaan lagu magacaabo Randy Lamar Wilson,una dhashay dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay inuu taageerayay Ururka Al-shabaab oo xariir dhow la leh Al-Qaa’ida. FBI-da Mareykanka ayaa sheegay inuu qirtay Ninkaan,islamarkaana Maalintii shalay ahayd uu wajahay Xukun Maxkamdeed oo gaaraya 15-sano.Qaadiga Maxkamadii Riday Xukunka Randy Lamar Wilson, Kristi DuBose ayaa cadeeyay inuu…

                      Read More

                        Ra’iisul wasaaraha oo maanta hortagaya barlamanka kadib markii loo yeeray

                        Muqdisho April 20 2013 (SDN)— Sida uu qorshaha yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta lagu wadaa in uu hortago barlamanka Soomaaliya oo looga yeeray. Ujeedka ujeedka Ra’iisul wasaaraha looga yeeray barlamanka ayaa la sheegay inay tahay in wax laga weydiiyo waxqabadka xukuumadiisa iyo dhaliila ay leedahay. Warar aan kasoo xiganay Xildhibaano ka…

                        Read More

                          Madaxweynaha Cusub ee Fanisweela Nicolas Maduro Oo La Dhaariyay

                          Caracas April 20 2013 (SDN)– Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee dalka Venezuelan Nicolas Maduro ayaa si Rasmi ah loogu dhaariyay Xilka Madaxtino ee dalkaasi kaga daal markii uu ku guuleystay Doorashadii ka dhacday Venezuelan. Mr Maduro ayaa la wareegi doona xilkii uu baneeyay Madaxweynii la jeclaa ee geeriyooday Hugo Chavez kaasi oo qaranka Venezuelan soo hogaaminayay…

                          Read More

                            Madaxweynaha Somaliya Shir Looga Hadlay Amaanka Qaarada Afrika (Sawirro)

                            Dahar Dar April 19 2013 (SDN)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa ka degay Magaaladda Bahar Dar, ee dalka Itoobiya si uu uga qeyb galo  furitaanka Shirka Tana Forum. Madaxweynaha waxaa  safarkaan ku weheliyo R/Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Haaji Adam, iyo Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda…

                            Read More

                              Madaxweynaha dowlada Soomaaliya oo kusii jeeda magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya

                              Muqdisho April 19 2013 (SDN)— Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ku wajahan yahay wadanka Ethiopia halkaas oo uu kaga qayb galayo shir ay isugu imaanayaan wadamada Ethiopia, Somalia, Kenya iyo Jabuti. Kulankaan ayaa wararku sheegayaan inuu qaban qaabqaabiyey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele. Madaxweynaha Jabuti oo garwadeen…

                              Read More

                                Al Shabaab Oo beeniyay In Dhalinyaro Dibada ka timid ay Fuliyeen qaraxyadii Maxkamada Gobolka Banaadir

                                Muqdisho April 19 2013 (SDN)– Afhayeenka guud ee Ururka Al-Shabaab sheikh Cali Max’ud Raage (Cali Dheere) oo la hadlayey Idaacada ku hadasha afka Ururka Al-Shabaab ayaa beeniyey in dagaalyahanadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee dhawaan weerarka ku qaaday xarunta maxkamada gobolka Banaadir ay ku jireen dhalinyaro Soomaali ah oo dhalashooyin kale haystay. Sheikh Cali Dheere ayaa…

                                Read More