admin

    Daahir Amiin Jeesow: Waa Diin Naceeb ayaan dhihi karaa waxa loolaayay caruur dhiganeysay dugsi kuyaalay Leego

    Muqdisho Jan 17 2013 (SDN)– Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo lahaday Warbaahinta ayaa sheegay in falkii Ciidamo AMISOM ah ay ku dileen dad caruur dugsi dhiganeysay ay ku jiraan deegaanka Leego in ay uu yahay fal dhiinta looga soo horjeedo. Daahir Amiin Jeesow ayaa tilmaamay in ay aad uga argagaxeen talaabadaasi naxdinta laheyd oo ay…

    Read More

      Weerar Qasaaro Geystay oo Xalay Ka dhacay Magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya

      Garissa Jan 17 2013 (SDN)– Ciidamada booliska dalkaKenyaee ku sugan Magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in weerar ay kooxo hubeysan soo qaadeen xalay ay ku geeriyoodeen 5-qof  sadax kalana ay si xun u dhaawacmeen. Charlton Mureith oo ka tirsan saraakiisha booliska gobolka ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday goob maqaaxi ah…

      Read More

        AMISOM oo sheegtay in ay Baarayaan dhacdadii dadka rayidka lagu laayay ee ka dhacaday Nawaaxiga Leego

        Muqdisho Jan 16 2013 (SDN)– Warsaxaafadeed ay soo saareen Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan dhacdadii shalay Ciidamo ka tirsan AMISOM ay dad rayid ah ku laayeen meel u dhaw deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose. AMISOM ayaa tilmamatay in dhacdaasi ay timid markii ay…

        Read More

          Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo maanta xukun dil ah kufulisay Askar katirsan Ciidanka Soomaaliyeed

          Muqdisho Jan 16 2013 (SDN)–Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay 2-askar oo ka tirsanaa ciidamada Dowladda Soomaaliya. Dilka toogashada ah ayaa wuxuu ka dhacay fagaaro weyn oo ku yaalla Barxada School Buluuziya ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugnaayeen saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo sidoo…

          Read More

            Booliska Soomaaliyeed oo beeniyay in Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ay kufsadeen haweyney barkacayaasha ka tirsan

            Muqdisho Jan 16 2013 (SDN)– Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Generaal Shariif Sheekunaa Maya oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu kaga warbixiyay howlgalo baaritaano ah oo ay wadeen saraakiisha ugu sareysa Booliiska kuna aadan fal kufsi ah oo la sheegay in askar ka tirsan ciidanka Booliiska ay ugeesteen haweenay kamid aheyd Barakacayaasha ku…

            Read More

              Qaramada Midoobay oo canbaareeyay xiritaanka Saxafi iyo haweynay sheegtay in la kufsaday

              New York Jan 16 2013 (SDN)– Warasaxaafadeeda ay Qaramada Midoobay soo saartay ayaa lagu canbaareyay xarig ay ciidamada dowladda Soomaaliya u geysteen saxafi iyo dhibane sheegatay in la kufsaday. Wakiilka Xogahaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xadgudubyada Galmuudka ee goobaha ay Colaadaha ka jiraan, Zaynab Xawa Bangura ayaa canbaareysay xarig ay Ciidamada dowladda Soomaaliya…

              Read More

                Kenyaiyo Soomaaliya oo kawada hadlay dar dargalin howlaha CiidamadaKenyaay kawadaan Soomaaliya

                Muqdisho Jan 16 2013 (SDN)– Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale DowladdaKenyaayaa kawada hadlay arimaha dardargelinta howlgalada ciidankaKenyaay ka wadaan koonfurta dalka Soomaaliya. Sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga dalkaKenyaoo ay kulan kusoo wada qaateen dalkaasi. C/xakiin Fiqi ayaa sheegay in dhigiisa dalkaKenyaay kasoo wada hadleen sidii…

                Read More

                  Xukuumadda Soomaaliya oo balanqaaday hormarinta Isbootiga dalka

                  Muqdisho Jan 16 2013 (SDN)– Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in la horumarinayo arimaha Isboortiga dalka Soomaaliya xilli dhawaan guddiga Olombikada Soomaaliya Muqdisho looga dhawaaqay. Bashiir Maxamed Goobe Wasiir ku xigeenka Wasaarada Adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in iminka ay wadaan dadaalo ay ku horumarinayaan hanaanka cayaaraha dalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in…

                  Read More

                    Booliska Talyaaniga oo shaaciyay in uu gacanta ku dhigay 55-qof oo ay ku jiraan dadka wax tahriibiya

                    RomeJan 15 2013 (SDN)— Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Talyaaniga, Ciidamada booliska dalkaasi ayaa qabtay tariibayaal iyo xubno ka tirsan shabkada Soomaalida u tahriibisa Talyaaniga. Ciidamada booliska Talyaaniga ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 55-qof oo isugu jira Tarhriibayaal Soomaali ah, diplomasi talyaani ah iyo Shaqaale ka ka tirsan hay’adda W.F.P. Wargeyska…

                    Read More

                      Dadkii ugu badanaa oo maanta lagu soo qabtay howlgalo Ciidamada dowlada ay ka sameeyeen Muqdisho

                      Muqdisho Jan 15 2013 (SDN)— Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgalo kala duwan waxa ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir.  Howlgalka oo ahaa mid culus islamarkaana ay fulinayeen ciidamada Nabadsugida Milateriga iyo sidoo kale Booliiska ayaa waxaa lagu soo qab qabtay dad tiradooda ay gaarayso 1,714 oo intii uu…

                      Read More

                        Maamulka gobolka Hiiiran oo Ciidamo boolis ah geyay degmo iyo deegaano hoostaga gobolkaasi

                        Baladweyne Jan 15 2013 (SDN)- Maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay in Ciidamo boolis ah oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lageeyay degmooyin iyo deegaano katirsan gobolkaasi. Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ciidamada booliska ah lageeyay deegaanada Beergadii, Jawiil iyo degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Ciidamadan booliska ah ee la geeyay…

                        Read More

                          CaliDheere: Faransiiska waxa uu isku qalday Burcad badeeda iyo Al Shabaab dagaalkii Buulo Mareer

                          Muqdisho Jan 15 2013 (SDN)- Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dowladda Faransiiska ay ku fashilantay weerarkii ay ku soo qaaday deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Sh/hoose. Cali Maxmuud Raage ayaa tilmaamay in Faransiiska uu isku qaldayo Burcad badeeda iyo Shabaab, waxana…

                          Read More

                            Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Magaalada Washingtonee dalka Maraykanka

                            WashingtonJan 15 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray MagaaladaWashingtonee Caasimada dalka Maraykanka.  Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa gaaray MagaaladaWashingtonee caasimada Maraykanka halkaasi oo qorshuhu yahay in uu kula kulmo madaxda Maraykanka.  Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wafdigiisa ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo la taliyayaal ayaa gaaray halkaasi,…

                            Read More

                              Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgalo balaaran kawada xaafada ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir

                              Muqdisho Jan 15 2013 (SDN)- Howlgallo balaaran ayaa saakay waxa ay ka soconayaan qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Howlgalada oo hada soconaya ayaa waxa xoogooda ay ka soconayaa degmooyin ay kamid tahay Wadajir waxaana lagu soo waramayaa in dhalinyaro badan lagu qab qabtay howlgalkaani. Waxaa howlgalka si wada jir ah u fulinaya…

                              Read More