admin

Ciidamada -Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, meel qiyaastii 15-KM u jirta degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool. Howlgalka ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isugu jira Ajaanib iyo Maleeshiyaad. Taliyaha Ururka 51-aad ee qeybta 9-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Deerow Macalin Cabdi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen Afar Maleeshiyaad ah, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 9 kale. “Howlgalkaan waxaan ka sameynay goob ay ku shirsanaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana ku dilnay afar maleeshiyo ah, halka sagaal kalena aan ka dhaawacnay, wax khasaare ah oo naga soo gaaray nafteenna ma jiraan, howlgalkan ayaana qeyb ka ah dadaallada aan ugu jirno la dagaalanka argagixisada” ” Ayuu yiri Korneyl Deeroow Macalin Cabdi. Korneylku ma sheegin magacyada Maleeshiyada la beegsaday ee howlgalkaan qorsheysan, waxaana howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada ballaaran ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab.—————-4ada oo Al Shabaab ku =————–

Beydhabo October 28, 2023 (QJ) -Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, meel qiyaastii 15-KM u jirta degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool. Howlgalka ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isugu jira Ajaanib iyo Maleeshiyaad. Taliyaha Ururka 51-aad…

Read More

Miisaaniyada Soomaaliya oo markii u horeysay dhaaftay Billion iyo Bar

Muqdisho October 28, 2023 (QJ)-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen waxa ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2024-ka, taasoo dhan $1,025,687,991 (Hal bilyan iyo shan iyo labaatan milyan, lix boqol iyo sideetan iyo toddoba kun, sagaal boqol iyo sagaashan kun). -Hal Doolarka Maraykanka ah). Miisaaniyadda dowladda…

Read More

Madaxweyne Xasan oo ka khudbadeeyay shirkii UE Forum

Brussels October 27, 2023 (QJ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka Midowga Yurub ee Gateway Forum oo lagu qabtay magaalada Brussels ee dalka Belgium. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in gargaarka bini’aadantinimo ee Midowga Yurub loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi si…

Read More

QM oo ka hadashay xaalada Soomaaliya

NY October 26, 2023(QJ) -Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho Arbacadii shalay ayaa xuska maalinta Qaramada Midoobay uga hadashay arrimo ku saabsan colaadda u dhexeysa dawladda Faderaalka iyo Puntland iyo xaaladda Laascaanood. Catriona Laing ayaa ku boorisay…

Read More

Puntland oo ka hortimi in wax laga bedelo Dastuurka Soomaaliya

Garoowe October 25, 2023 (QJ)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kalfadhiga 53-aad ee baarlamaanka maamulkaasi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya siyaasadda dalka, gaar ahaan Puntland. Deni ayaa khudbadiisa ku dhaliilay madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka soo horjeestay heshiisyada ay…

Read More

Dalada Mucaaridka ayaa ka soo horjeestay Jedwelka Doorashooyinka

Garoowe October 24, 2023 (QJ) -Maanta waxaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland shir ku yeeshay dallada mucaaradka ah ee Puntland, kaas oo ay kaga hadleen muddo kordhinta madaxweynaha iyo jadwalka doorashada ee ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada Puntland. Warsaxaafadeedkooda ayay xisbiga mucaaradka Puntland ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin in guddiga doorashada oo markii hore…

Read More

Warbixinta QM: Soomaaliya weli qalalaasaa ka jira

NY October 23, 2023 (QJ)- -Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin dheer oo ka kooban boqol bog, iyadoo ka hadashay xaaladda ammaan ee Soomaaliya. Warbixinta oo sanadkiiba mar la soo saaro, ayaa ka hadashay arrimo badan oo kala duwan, sida ammaanka, arrinta Al-Shabaab, siyaasadda, arrimaha bini’aadantinimada, socodka hubka iyo…

Read More

Ciidamada dawlada oo la wareegay degaanka Ceel-boon

Baydhabo October 23, 2023 (QJ)-Taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in deegaanno muhiim ah lagala wareegay dagaalyahannada Al-shabaab kaddib dagaallo saacado badan qaatay oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guutada 260-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu soo waramayaa in ay Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceel-Boon oo qiyaastii…

Read More

29 ka mid ah shaqaalaha QM oo lagu dilay Duqeymada ku socda Gaza

Gaza October 23, 2023 (QJ) -Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay in Axaddii 29 ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay Qaza, iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Hay’addan oo magaceeda loo soo gaabiyo UNRWA, ayaa barteeda Twitter-ka ku xaqiijisay dhimashada dadkan, iyadoo tirada dhimashaduna ka dhigayso 29…

Read More

Wasiir Biixi oo ka warbiyaydeymaha dalka

Muqdisho October 21, 2023 (QJ) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya iyo dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku maareyso deymaha lagu leeyahay. Wasiir Cige waxa uu sheegay in xukuumaddu ay horumar la taaban karo ka samaysay ururinta dakhliga…

Read More