Webmaster

Xaafad Hargaysa ka Mid ah oo Ka Cabanaysa Baahiyaha Aasaasiga ah ee Nolosha Aadamaha DAAWO

Hargaysa 28.June 2016 (SDN/QJ):- Caasimada Somaliland ee Hargaysa ayaa Sannadba Sannadka ka danbeeya sii fidaysa Isla markaana Waxaa Marba Marka Xiga sii Kordhaya Baahiyaha Nolosha ee Bulshada Degmooyinka ku dhaqan. Xaafada Isha Boorama oo ka mid ah Degsiimooyinka Qadiimiga ah ee Hargaysa ayaa Cabasho ka qabta Waxqabad la’aan dhinacyada Kaabayaasha Nolosha.

Read More

Gaadhiga Gaarka ah ee Madaxweyne Obama,Xogta asaraarka leh ee Ku duugan Iyo Alado uu Gaadiidka Kale Dheer yahay DAAWO

Washington 28.June 2016 (SDN/QJ):- Marka aad aaragto Gaadhiga gorgorla ah ee Madacweynaha Maraykanku waxa uu daaha ka qaadayaa xogta iyo asraarta ku duugan ka hor onta aynaan barnaamijkeena ku daahqaadin waana gaadhi kaerti u leh inuu iska difaaco gantaalaha iyo hubka kiimikada ah, waxana uu xambaarsan yahay agabka qaraxyada ka hortaga. https://www.youtube.com/watch?v=gvhpf7c5ha4&feature=youtu.be

Read More

Qaybo ka Mid ah Qurbejoogta Soomaalida ee Ku dhaqan Waddamada Yurub ayaa Shaaciyey Go’aan ka dhan ah Dalka Itoobiya DAAWO

London 28.June 2016 (SDN/QJ):-Go’aan ay soo saareen Qaybo ka Mid ah Qurbajoogta Somalida ee dalalka qaarada Yurub ayay ku Sheegeen in Muwaadiniinta dalkoodii Hooyo ku noqonaya Xagaagan in aanay raacin isla markaana Goosan Tigidhka Shirkada Itoobiya Airline si ay u Muujiyaan Tacadiyada ay Itoobiya ku hayso Deegaanada ay ku dhaqan yihiin Soomaalidu. https://www.youtube.com/watch?v=sycod_mwrkw

Read More

“Dawladi Indho Qudhaanjo ayay leedahay”Madaxwayne Siilaanyo

Hargaysa 28.June 2016 (SDN/QJ):-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa fariin digniina u diray dadka ku hawlan inay carqaladeeyaan ama ka horyimaadaan mashaariicda Horumarineed ee Xukuumadiisu ka wado Somaliland. Madaxwayne Siilaanyo, waxaa uu sheegay inay xukuumadiisu diyaar u tahay horumarka  balse aan loo baahnayn bulsho carqaladaysa dadaalada Xukuumadiisu Wado.   “Waxaan u digayaa dadka ku…

Read More

Maamulka Degmada Burco oo Hirgalinaya Xarun lagu Daryeelo Caruurta Derbi Jiifka ah

Burco 28.June 2016 (SDN/QJ):- Maayarka degmadda Burco ee gobolka Togdheer Mr. Maxamed Yuusuf Muraad oo ay weheliyeen xoghayaha dawladda Hoose iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka Burco oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa dhagax dhigay dhisme ay ugu tallo galeen darbi-jiifka magaaladaasi. Dhulka laga dhisayo  Dhismahan cusub waxa bixisay dawladda…

Read More

Cod-bixintii Ingiriisku Kaga Baxay Midowga Yurub Oo Khasaare Laxaadle Gaadhsiisay Bilyanneerrada Caalamka

London, 28 June, 2016-(SDN/QJ) :– Codbixintii Britain ay Midawga Yurub Kaga Madax Banaanaatay oo Sababay in 400 Qof oo Ka Mid ah Tujaarta Dunidu Khasaaraan Lacag Gaadhaysa $127 Bilyan. Cod bixintii Ingiriisku kaga baxay is bahaysiga midawga yurub ayaa waxa uu sababay khasaare ay dhaqaale badan khasaareen tujaarta adduunku. Cod bixintani waxa ay sababtay in…

Read More

Daladda Kulmisa Jaaliyada Somaliland ee Waddamada Yurub oo ka hadashay Xusuusta iyo Foof daran habawgii Xornimadii ay Somaliland hannatay 1960kii

London 28.June 2016 (SDN/QJ):-   Waxa ka soo wareegay 56 sanno markii aynu xorriyadeena qaaliga aheyd ka helnay boqortooyadii Ingiriiska. Waxa xasuus mudan in isla markiiba waddamo badani ina aqoonsadeen isla markaana inoogu hambalyeeyen xorriyada aynu gaadhnay. Waddamaa ina aqoonsadey tiradoodu waxay dhammeyd 35 waddan. Maalintani waxay aheyd mid soo afjartey 73kii sanno ee aynu hoos…

Read More

Xoghayaha ugu Cimriga dheer Golaha Deegaanka Gebilay,Inta Sannadood ee uu Xilka hayay Iyo Amuuro lagu Sifeeyay

Gebilay 28.June 2016 (SDN/QJ):- Warbixin lagu daabacay qaar kamid ah degellada wararka Somaliland ayaa naqdiday hawl-qabadka Xog-haya ha dawladda hoose ee degmada Gabiley  Cabdiraxmaan Nuur Abokor oo lagu eedeeyey in uu doorar kala duwan ka sooqaatay khilaafaad marar kala duwan ka dhex aloosmay golaha deegaanka ee dagmada Gabiley,. Warbixintan ayaa farta ku fiiqday  saamaynta uu…

Read More

Amb: Gaaweeto oo Xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey inay Albaabada u xidhay Xidhiidhkii Afrika ee S.land

Hargaysa 28.June 2016 (SDN/QJ):- Safiir Ku-xigeenii hore ee Koonfur Afrika u fadhiyi jiray Somaliland ahna Guddoomiyihii hore ee Jaaliyadda Reer Somaliland ee isla dalkaas Ambassador Axmed Jaamac (Gaaweeto), oo booqasho ku jooga Hargeysa, ayaa ku eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay gebi ahaanba Albaabbada u soo xidhay xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd waddamada Qaaradda Afrika, isla…

Read More

Mudo Lix Sannadood ah oo Cilaaqaadkoodu Xumaa Aakhirkii Way Heshiiyeen Turkiga iyo Israeli 

Ankara  28 , June , 2016 –(SDN/QJ):-Isra’iil iyo Turkiga ayaa la sheegayaa inay ka heshiiyeen sidii ay usoo celin lahaayeen Xidhiidhkii ka dhaxeeyay labada dal oo xumaaday sanado ka hor. Xidhiidhkoodu waxaa uu aad u sii xumaaday lix sano ka hor markii ciidamada Israa’iil ay dileen sagaal qof oo Turkiga u dhalatay. Dadkaasi waxay saarnaayeen…

Read More

Jamhuuriyadda Jabuuti oo Maanta u dabaal degtay 39 Guuradii ka soo Wareegtay Markii ay Xornimada qaadatay Iyo Hannaanka loo Bilay Xaflada DAAWO

Jabuuti 27.June 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Jamhuuriyadda Jabuuti ka dhacday Xus balaadhan oo la xidhiidha 39 Guuradii ka soo Wareegtay Markii ay Jamhuuriyada Jabuuti Xoriyadeedii ka qaadatay Gumaystihii Faransiiska oo ku astaysan 27 Bishii June 1977kii. https://www.youtube.com/watch?v=BsuTAdZJxOE https://www.youtube.com/watch?v=QezxRnOsNbY https://www.youtube.com/watch?v=nUXKitDnHio https://www.youtube.com/watch?v=fXry6lsUhoA

Read More

Hogaanada Xisbiyada Qaranka Somaliland oo Shacabka Jabuuti ku Hambalyeeyay 39 Guurada ka soo Wareegtay Markii ay ka Xoroobeen Gumaystihii Faransiiska

Hargaysa 27.June 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, afka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu hambalyo u dirayaa dawladda iyo shacabka dalka jamhuuriyadda Jabbuuti isaga oo ugu hambalyeynaaya sannad guurada 37 aad ee ka…

Read More

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Wasiirada Madaxtooyada iyo Maaliyada oo Cisbitaalka Hargaysa ku Booqday Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale

Hargaysa 27.June 2016 (SDN/QJ):- Maanta oo isniin ah taariikhduna tahay 27/06/2016  waxa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa booqasho ku tegay Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyeen Wasiir Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi. Gudoomiyaha iyo labada wasiir markii ay gaadheen qolka Room 3 oo uu ku sugan yahay Mujaahid…

Read More

“Shacabka Reer Somaliland In Si Macno La’aan ah Maalin Walba Uugu Dhintaan Kaymaha Cidna Ka Yeeli Mayno,Cudud Ciidanbaa la Adeegsan Doonaa ,Dabkana Waa la Saari doonaa Cidii amarka Diida” Wasiir Waran Cadde

Laascaanood 27.June 2016 (SDN/QJ):- Waftidii balaadhnay ee uu hogaaminayey wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran Cadde ayaa Shalay Gaadhay Xarunta Gobolka Sool Ee Laascaanood Halkaasi oo waftida wasiirka ay kusoo dhaweeyeen Badhasaabka Gobolka Sool Mustafe Shiine Iyo Maamulka Gobolkaasi. Waftidan uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Ayaa Maalmahanba Safaro kala duwan…

Read More

Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda oo Ku Haftay Sababta ay Xukuumadu uga Aamustay Xadhiga Weriye Mukhtaar Nuux Ibraahin Iyo Siday u Arkaan Falkii ka Dhacay Tuulada Jaamac Dubad DAAWO

Hargaysa 27.June 2016 (SDN/QJ):-Wasiiradda Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade iyo Warfaafinta Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani oo Hawlo Shaqo ugu Kicitimay Gobolada bari ee Somaliland ayaa isku Tuur tuuray Su’aal laga weydiiyay Sababta ay Xukuumadu uga hadli weyday Xadhiga ay Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya kula Kaceen Weriye Mukhtaar Nuux Ibraahin oo Telefishanka HCTV uga…

Read More

Wakaaladda RR Media oo Raali gelin ka Bixisay Hawo ka saaristii Telefishanka HCTV ,Daawashadiisii oo soo noqotay Iyo Nooca Magdhow ee laga rabo RR Media DAAWO

Hargaysa 27.June 2016 (SDN/QJ):-Kadib Mudo 8 Cisho ah oo aan Telefishanka HCTV Laga Daawan Qaarada Africa Kadib Markii Ismaamulka Kililka Shanaad ee Dalka Itoobiya ay Dacwad ka Gudbiyeen ayaa Wakaaladda RR Media oo Maamusha Satelite-ka Thaicom 5 Waxay raali ka bixisay Sida ay Dacwada Hal dhinac u dhagaysatay una Xayirtay Daawashada HCTV Waxayna dib ugu…

Read More

Xildhibaan ka Tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland oo ku baaqay Jihaad ka dhan ah Ciidamada Liyuu Boolis DAAWO

Hargaysa 27.June 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa si adag uga hadlay Dhacdadii Xasuuqa ahayd ee ka dhacday Deegaanka Jaamac Dubad ee Duleedka Gaashaamo halkaas oo Ciidamada Liyu Boolis ee Ismaamulka Kililka Shanaad ee Itoobiya ay Gabood fal Xun u gaysteen dad rayid ah. https://www.youtube.com/watch?v=XNZX80W5uww

Read More