Webmaster

Maxaa ka soo Baxay Shir Burco ay ku Wada Yeesheen Gudi ka socota Beesha Gudoomiye Muuse Biixi & Qaar ka mid ah Madaxda dhaqanka ee Galbeedka Burco? DAAWO

Burco 11. October 2017 (SDN/QJ):- Shir ay Magaaladda Burco ku wada yeesheen Salaadiinta,Cuqaasha iyo Waxgaradka ka soo Kala Jeeda deegaanada Oodweyne,Sanaag,Galbeedka Burco,Gebilay,Saaxil iyo Galbeedka Hargaysa ayaa lagu go’aamiyey Sidii Loo Taageeri lahaa loona Dhisi lahaa Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne Iyo Ku Xigeen ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Read More

Wareegto uu Madaxweyne Siilaanyo soo Saaray 7 Sano ka Hor ayaa Sabab u ah Muranka Hay’ada Shaqaalaha Dawlada,Guddida Anshaxa Doorashadda Iyo Agaasimaha Komiishanka AIDS-ka!!

Hargaysa 11. October 2017 (SDN/QJ):- Lix iyo tobankii bishii Siddeedaad ee sannadkii 2010 ka ayaa ay ahayd markii madaxweyne Siilaanyo oo xilka hayey laba toddobaad oo keliyi uu soo saaray wareegto markiiba su’aalo dhalisay oo uu ku magacaabayo Afar masuul oo uu ka mid yahay Cabdikariim Axmed Xinif. Mudane Cabdikariin waxaa uu madaxweynuhu u magacaabay…

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore ee somaliland Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali oo Murrashaxiinta Xisbiyada Baaq  u Diray ,Shacabkana Talo u Jeejiyay

Hargaysa 11. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa murrashaxiinta  madaxnimada ku tartamaaya ugu baaqay inay ilaaliyaan jiritaanka Somaliland, isla markaasna ay aqbalaan natiijada doorashada madaxtooyada ka soo baxda. Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali waxa kaloo  uu shacbiga reer Somaliland uu ugu baaqay in aanay coloobin ee ay…

Read More

Maxkamadda Gobolka Hargaysa oo Xukun Xadhig ah oo Qarsoodi ah ku riday Suxufi ka Hawlgali Jiray Hargaysa & Daneeyeyaasha Xuquuqul Iinsaanka oo Gef sharci ku tilmaamay

Hargaysa 11. October 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaay 8dii October 2017 ku xukuntay suxufi Maxamed Adan Dirir hal sano iyo lix bilood oo xadhig ah. Garsooraha dacwadda qaaday Axmed Dalmar Ismaaciil wuxuu dhegaystay  dacwad ciqaab ah oo ka dhan ah Dirir iyada oo aanu joogin qareenkisii iyo qoyskiisii tooni. Isla maalintii ayuu garsooruhu ku…

Read More

Xoghayihii Hore ee Gobolka Maroodi Jeex oo Ka Shiraaqday Xisbiga Kulmiye lana Bahoobaya Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 11. October 2017 (SDN/QJ):- Xoghayihii hore ee gobolka Marroodi-jeex Xamse Ciise Cabdi waxa uu ku dhawaaqay innuu iska Casilay Xisbigii KULMIYE iyo Xubinnimaddiisiiba, isla markaanna waxa uu ku biiray Xisbiga WADDANI. Dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee siyaasaddeed waxa uu ka soo bilaabay Ururkii ASAD, dabaddeed markii danbe waxa uu u soo wareegay Xisbiga UCID. Muddo…

Read More

Toban Qodob oo ah Asaraarka uu Hogaamiyaha Mucaaridka Kenya Raila Odinga Uga Baxay Doorashada Ku Celinta ah ee Kenya!!

Nairobi 11. October 2017 (SDN/QJ):- Is beheysiga mucaaradka Kenya ee loo yaqaano NASA ayaa sheegay in uu ka haray doorashada la filayo in la qabto 26-ka bishan. Hadaba kooxda Raila ayaa cuskatay qodobo badan, balse 10 ka mid ah ayaan halkan ku soo koobeynaa: “Dalabka xuriyad labaad” Raila Odinga ayaa sheegay in ka dib halgankii…

Read More

Booliska Kenya oo Lagu eedeeyay inay Dileen 37 Qof si ay u Baajiyaan Dibad baxyo ka dhashay Natiijadii doorashadii la Laalay & Hogaamiyaha Mucaaridka oo Mawqif adag iska taagay Ka Qayb galka Doorashadda,Maxaa Sababay?

Nairobi 11. October 2017 (SDN/QJ):- Hay’adda xaquuql insaanka dalka Kenya ayaa ku eedeysay booliska dalkaasi dilka ugu yaraan 37 qof oo lagu dilay hawlgal ay booliska kaga Hortagayeen dibadbaxyo dalkaasi ka billowday kaddib markii la shaaciyay natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday labo bilood ka hor. Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’addani, 35 qof…

Read More

Shirkad Maraykana Oo Shaacisey In Ay Shaqaalaysiisey Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Ingiriiska David Cameron Oo Muddo Bilaa Camal Ahaa!!

Washington 11. October 2017 (SDN/QJ):- David Cameron oo ahaa ra’iisal wasaarihii hore ee waddanka Ingiriiska ayaa shaqo cusub ak helay kambani ku yaalla waddanka Maraykanka kadib in muddo ah oo uu bilaa camal ahaa tan iyo markii uu xilka Ra’iisal Wasaarenimo ee dalkaasi Ingiriiska isaga tagay oo iskii isku casilay kadib markii uu ku guul…

Read More

Hogaamiyeyaasha Maamul-Gobleedka Catalonia Oo Wajahaya Culays Gudaha Ah Iyo Mid Caalami Ah, Oo Lagu Saaro In Aanay Ku Dhawaaqin Madax Bannaani!!

Spain 11. October 2017 (SDN/QJ):- Cadaadiskan ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu baarlamaan goboleedka Catalonia uu kal-fadhi yeelanayo, oo ay kooxaha madax bannaanida doonayaa ay u balansan yihiin inay ku dhawaaqaan madax bannaani. arrinta madax bannaanida waxa cabsi weyn ka qaba midowga yurub oo ay ka horimanayso danahooda midnimo. Madaxda siyaasada dalka Isbayn ayaa…

Read More

Raysal Wasaaraha Jarmalka oo Aqbashay in La Xadido Qaxoontiga Magangalyo Doonka ah ee Jarmalku Qaabilo!!

Berlin 11. October 2017 (SDN/QJ):- Ra’isal wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkal iyo Xisbigeeda ayaa Ogolaaday in la xadido tiradda dadka qaxoontiga ah ee soo Gelaya dalka Jarmalka, talaabadan oo ay ku doonayaan inay isku mowqif ku mideysnaadaan xulafadooda ee Xisbiga midawga shacabka Masiixiyiinta. Heshiiskan ay Mabda’ahaan waxay labada xisbi ee xulafada ahi isla gaadhen ka…

Read More

Madaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashiir oo ka hadlay Dadaalada Urur Goboleedka Igad ka wado Bariga Africa

Khartoum 11. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka Sudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa sheegay in dalkiisu taageerayo dhammaan dedaalada Urur goboleedka IGAD ugu jiro sidii  nabad iyo deganaansho looga xaqiijin lahaa  gobolka bariga Afrika. Madaxweyne Al-Bashiir ayaa hadalkaasi ka sheegay kullan uu la yeeshay Madaxa nabadda iyo amniga Urur Goboleedka IGAD oo ay ka wada qayb…

Read More

Mid ka Mid ah Saraakiisha Jab’hadaha Suuriya oo Sheegay inay si Siman u Socon doonaan Hawlgalkii ay Ciidamadda Turkigu ka wadaan Gobolka Idlib

Dimishiq 11. October 2017 (SDN/QJ):- Sarkaalkan ayaa sheegay in hawlgalku yahay sidii loo samayn lahaa deegaanka ka caagan ciidamada oo ay si nabad ah ugu socdaalaan dadka shacabka ahi. Wuxuu sarkaalkani intaasi ku daray inay jiri doonto iska caabin aan weynayn oo ka iman doonta kooxda mitidiinta ah ee Taxriir Al-shaam oo deegaanka ku xoogan….

Read More

Hay’adda Caalamiga Ah Ee Laanqayrta Cas oo Sheegay Inay Dhimayso Shaqaalaheeda Ku Sugan Dalka Afgaanistaan, Ka Dib Markii Toddob Qof Oo Shaqaalaheeda Ah Lagu Dilay Dalkaasi Sannadkan Oo Keliya

Kabul 11. October 2017 (SDN/QJ):- Ugu yaraan laba xafiis ayaa albaada la isku dhufan doonaa, halka mid saddexaadna lagu soo reebi doono shaqaale kooban. Haweenayda madaxda ka ah hayada ee dalka Afgaanistaan ayaa sheegtay inuu go’aankani yahay mid xannuun badan, oo ay ka fursan weyday in sidaasi la sameeyo. waxa ay intaasi ku dartay in…

Read More

Hogaamiyeyaasha Qaarada Africa oo Magaaladda Khartum Isugu Tegay Isla Markaana Gorfeeyay amniga Mandaqada Geeska Africa

Khartoum 11. October 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika ayaa ku baaqay in la dejiyo istaraatijiyad gobalka Geeska Afrika lagu gaadhsiin karo nabad, horumar, xasilooni, iyo iskaashi. Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa baaqan ka soo saaray bilowga shirka ‘Nabadda, ammaanka, xasiloonida, Iskaashiga iyo Horumarka Geeska Afrika” oo ka bilowday magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan. Shirkan oo ay…

Read More