Wareegto uu Madaxweyne Siilaanyo soo Saaray 7 Sano ka Hor ayaa Sabab u ah Muranka Hay’ada Shaqaalaha Dawlada,Guddida Anshaxa Doorashadda Iyo Agaasimaha Komiishanka AIDS-ka!!
Hargaysa 11. October 2017 (SDN/QJ):- Lix iyo tobankii bishii Siddeedaad ee sannadkii 2010 ka ayaa ay ahayd markii madaxweyne Siilaanyo oo xilka hayey laba toddobaad oo keliyi uu soo saaray wareegto markiiba su’aalo dhalisay oo uu ku magacaabayo Afar masuul oo uu ka mid yahay Cabdikariim Axmed Xinif. Mudane Cabdikariin waxaa uu madaxweynuhu u magacaabay…
