Shacab Ku Bannaanbaxay Maayerka Laascaaanood oo ay ku eedeeyeen inuu Lunsaday Raashin Caawimo ah,Ciidanka oo Rasaas ugu Jawaabay & Xildhibaan Cadaysay in Mudanayaal Golahooda ka Tirsani ay Fadhataysteen Taakuladii danyarta DAAWO

Laascaanood 02. December 2016 (SDN/QJ):- Dadweynaha Danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa ku bannaan-baxay xarunta dawladda Hoose ee magaaladaas, iyaga oo ka cabanaya in Raashin caawimo ah oo loogu talo-galay Dadka Danyarta ah, kuwa Abaartu saamaysay iyo Dadka Abaaraha ku soo barokacay ee deegaankaas, in uu Maayerka Laascaanood Guri…

Read More

“Qiimaha Neefka Xooluhu Waxaa Uu Maraya Konton-Kun Waana Halkii U Hooseysay” Midka Ka Mida Dadka Xoola Dhaqatada Ah DAAWO

Hargaysa 02. December 2016 (SDN/QJ):- Dadweynaha kala gadisan ee saylada xoolaha ee magaalada Hargeysa ayaa siweyn uga dayriyay qiimaha iibka xoolaha oo siweyn hoos ugu dhacay. waxaanay xukuumada ugu baaqeen inay u kuurgasho kala iibsiga xoolaha nool ee la keenayo saylada,oo aan imika waxba laga siisanin;. Waligeedna sanad ay xooluhu ka jaban yihiin may soo…

Read More

Madaxweyne Gaaska Punt land oo Ka Noqday Go’aankii Hakinta Doorashooyinka Aqalka Hoose,Sababta Markii Hore uu Go’aanka u Qaatay & Bidhaanta Xaleed ee u Muuqatay

Garowe 02. December 2016 (SDN/QJ):- Wararka Laga helayo saraakiil ka agdhow Madaxweyne Gaas, ayaa sheegay in Puntland ka laabatay go’aan laba cisho ka hor ay ku hakisay doorashooyinkii Aqalka hoose ee kasocotay magaalada Garowe, taasoo lagu joojiyay Amar kasoo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay.   Madaxweynaha Punt land Dr Gaas oo…

Read More

Maamulka Baarlamaanka Federaalka Oo Shaaciyey Xiliga Ay Bilaabanayaan Shaqooyinka Xildhibaannada Lasoo Doortay

Muqdisho 02. December 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu horeyn shaaciyey in Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee lasoo doortay ugu horeyn looga baahan yahay iney tagaan Xafiiska Guddiga Doorashooyinka dadban ee 2016 halkaasi oo iminka lagu diyaariyey shahaadooyinkooda cadeynaya natiijada doorashada ay kusoo guuleysteen…

Read More

Komiishanka Doorashooyinka Somaliland oo Shaaca ka qaaday inay Dhamaystireen Nidaamkii kala Hufida Dadkii Isu diiwaangeliyey Codbixinta Doorashooyinka DAAWO

Hargaysa 02. December 2016 (SDN/QJ):- Komishinka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ay Weheliyan Masuuliyiinta Axsaabta ayaa Faah fahin ka Bixiay Halka ay Marayso Geedi socodka Arimaha Doorashada Dalka. Dhinaca Kale Waxaa Kulan Wada Qaatay Daneeyeyaasha Geedi socodka Nidaamka Dimuquraadiyada Somaliland iyo Hay’adaha Dhinaca Doorashada iyo Axsaabta Qaranka

Read More

Bulshada Gobolka Sool oo Dareen Cadho leh Kaga Fal Celiyey Kala Dhantaalnaanta Shaqo ee Wasiirka Khayraadka Biyaha & Baaq ay u Direen Madaxweyne Siilaanyo DAAWO

Laascaanood 02. December 2016 (SDN/QJ):- Kadib Markii uu Dibada u Soo Baxay Khilaaf salka ku haya Awaamiir uu Bixiyey Wasiirka Khayraadka Biyaha oo ku Taxaluqda Wasaaradiisa ayaa Waxaa ka biyo diiday qaabka uu u soo Bandhigay Madaxtooyada Somaliland Gaar ahaan Wasiirka Madaxtooyada. https://www.youtube.com/watch?v=Ltx11JfGX9o

Read More

Wasiirka Biyaha Oo Laga Hor Istaagay Shirkii Golaha Wasiirada Ee Shalay Madaxtooyada Ka Dhacay + Wasiirro Kala-Ladqabeeyey Isaga Iyo Ciidankii Ilaalada

Hargaysa 02. December 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaarada biyaha Somaliand Baashe Cali Jaamac ayaa waxaa ay ciidanka ilaalada madaxtooyadu ay ka hor isagateen in uu gudaha u galo xarunta madaxtooyada. Ciidanka ayaa wasiirka ku amrey in baadhitaan lagu sameeyo ka hor inta aanu gudaha u galin madaxtooyada oo uu maanta ka dhacaayey shirkii golaha wasiirada oo…

Read More

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Walaac Ka Muujiyay Sababta Masuuliyiin Mansabyo Sare Ka Hayay Xukuumadda Siilaanyo Ay Xilal Ugu Doonteen Xamar

Hargaysa 02. December 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa ka hadlay masuuliyiin xilal ka hayey Xuukuumadda Siilaanyo oo xilal u doonta Maamulka Xamar ka Arimiya,isagoo Xuumadda KULMIYE ku eedeeyey in ay iyadu sahan u diratay masuuliyiintaa Xamar tegay,isagoo sheegay in ay wax lala yaabo tahay in masuuliyiintii xilalka Qaranka Xukuumadda…

Read More

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE & Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyey Sheekh iyo Berbera DAAWO

Berbera 02. December 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyey degmada Sheekh iyo magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil. Guddoomiyaha iyo madaxda wehelinaysa oo qayb ka ahaa weftigii Madaxweynaha ee gurmadka xaaladda abaarta u tagay gobollada bari ee Somaliland, balse kaga hadhay…

Read More

Nuxurka Dacwad Ay Salaadiinta Iyo Bulshaweynta Habar Jeclo  Ka Gudbiyeen Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maareeye AKHRI

Muqdisho 02. December 2016 (SDN/QJ):- Kulan ballaaran oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen salaadiinta, waxgaradka, siyaasiyiinta, haweenka, dhalinyarada, aqoonyanada iyo qeybaha bulshada Beesha Habar-jeclo   ayaa eedeymo kulul u jeediyey wasiirka warfaafinta dowlada xiligeedu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.   Xubnahan oo kulankooda ka soo saaray War-saxaafadeed ay ku saxeexan yihiin ayaa ku eedeeyey…

Read More

‘’Agtayda Qiimo Kama Laha Is bahaysi, Is Gaashaanbuuraysi Iyo Xulafaysi Reereeed oo Ka Horjeeda Reero Kale oo wiiqaya….’’ Aqoonyahan Maxamed Baashe oo ka Gubtay Qaab loo Fasiray Hadal uu Yidhi

Hargaysa 02. December 2016 (SDN/QJ):- Aqoonyahan Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo kamid ah indheer garadka iyo weriyayaasha ugu caansan wakhti-xaadirkan geyiga Somaliland, ayaa sharraxaad dheeri ah ka bixiyey buuqa iyo sawaxanka siyaasadeed eek a dhashay shirkii uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo kaga qaybgalay magaalada Burco,Iyo Qormo uu si Kooban ugaga hadlay Is Xulufaysigaa oo Keentay Ladh…

Read More

Magacyada Xubno Beesha Caalamka u gudbiyey Xogo lagu Fashilinayo Doorashada Soomaaliya 2016?

Muqdisho 02. December 2016 (SDN/QJ):- Murrashaxiinta u tartamaya Kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan aqalka hoose ayaa la sheegay inay war-bixino tashuush lagu gelinayo habsami u socodka Doorashada u direen qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka ee Doorashooyinka ka caawinaya Dawladda iyo daneeyayaal kale oo duwalka ah.   Sida lagu sheegay xoggo rasmi ah oo la helay, Murrashaxiinta ayaa…

Read More

Qaabkii Madaxwayne Donald Turmp Uga Hadlay Weerarkii Wiilka Somaliga Ahi Ku Dhaawacay 11 Qof Iyo Waxa Uu Ku Micneyeey DAAWO

Washington 02. December 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha cusub ee dhawaan loo doortey madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si kakan uga hadlay weerarkii Wiilkii Soomaliga ahaa Maalintii Isniinta ku qaaday Jaamacada Ohio halkaasi oo mindi uu ku dhaawacay 11 Qof, Iyadoo Markaas Kadib ay Ciidamada Boolisku Toogasho ku Dileen Wiilkan Somaliga ah. Madaxwayne Trump waxa uu ku…

Read More

Amiir Alwaleed bin Talal oo ka dhawaajiyay Hadal ka farxiyay Dumarka ku nool Boqortooyada Sacuudiga

Riyadh 02. December 2016 (SDN/QJ):- Amiirka Sacuudiga, ee maalqabeenka ah Alwaleed bin Talal, ayaa ku baaqay in waddankisa uu ka qaado xanibaada saararan dumarka inay wadaan baabuurta.   Wuxuu sheegay inay tahay mid dhaqaalaha uu u baahan yahay iyo xaquuqda dumarka in laga qaado xanibaada.   Sacuudiga waa waddanka kaliya ee adduunka oo dhan oo…

Read More

Dhacdo Naxdin Leh: Gobolka Togdheer Hooyo Iyo Ilmihii ay Dhashay oo Haraad ( Oon) Dartii u Geeriyooday DAAWO

Burco 02. December 2016 (SDN/QJ):- Xaalada Abaareed ee Ka Jirta Gobolada Bari ee Somaliland ayaa Marba Marka ka Danbaysa laga Sii Dayrinayaa Waxay tani Saamayn Culus ku reebtay dadka Xoolo dhaqatada ah oo Marka laga yimaado lee’ashada Xoolaha ay haatan bilaabantay in dad u Geeriyoodaan Markii ay waayeen Biyo ay Jidiinka Mariyaan.

Read More

Madaxweynaha la Doortay ee Maraykanka Donald Trump oo Hantidiisii Gaar ahaaneed Iska Wareejinaya Iyo Wuxuu ku Sababeeyay

Washington 02. December 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu faraha kala baxayo ganacsigiisa si aanay u dhicin inay Isku dhacaan Hantidiisa Gaar ahaaneed iyo Ta Dalka Maraykanka, marka xukunka uu la wareego 20-ka bisha January ee sanadda 2017.   Trump oo la filayo inuu noqdo madaxweynihii ugu taajirsanaa ee…

Read More