“Faysal Isaga oo gidaar cidlo ah yaala oo lagaga tagey oon inan yar lagaga tagin oo kaligii ooyaaya ayuu ii yimid” Cali Guray DAAWO

Hargaysa 13.April 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye ku xigeena saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID muj.Cali Yuusuf Axmed (Cali Guray ) ayaa waxaa uu sheegay in gudoomiyaha xisbigaasi uu yahay shaqsiga gacantiisa ku baabiinaaya xisbiga UCID waxaana uu yidhi “Ucid waxaa loo bur burinayaa oo uu Faysal Cali Waraabe qandaraas ku soo qaatey in uu musharaxnimada…

Read More

Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Ku Guul Daraystey In Uu Hakiyo Is Bed-Bedelka Sarifka Lacagaha Qalaad

Hargaysa 13.April 2016 (SDN/QJ):- Sida ay cadaysay Rugta Ganacsiga iyo Warshada ee Somaliland oo maalin kasta soo saarta qiimaha sarifka lacagaha qalaad,iibka Xoolaha iyo Badeecadaha ayaa muujisay laba warbixinood oo ay soo saartey laba Maalmood oo kala duwan faraqa Lacageed ee u dhaxeeya is bed-bedelka Sarifka lacagaha Qalaad. Iyada oo warbixinteeda hore ku xustey rugta…

Read More

Xildhibbaano iyo Madax-dhaqameed Ka Soo Jeeda Gobalka Saaxil oo Boggaadiyey Ballaadhinta Inj.Cali Xoor Xoor uu Ka Wado Barxadda Wajaale ee Dekadda Berbera DAAWO

Berbera 13.April 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah xildhibbaanada golaha deegaanka degmada magaalada Berbera iyo weliba sida oo kale salaadiinta iyo cuqaasha ka soo jeeda gobalka Saaxil, ayaa maareeyaha dekadda magaalada Berbera Inj.Cali Cumar Maxamed(Cali Xoor Xoor) ku boggaadiyey sida oo kalena ku hambalyeeyey ballaadhinta, casriyeynta, dib-u-habeynta iyo horumarka ka socda dekadda magaalada Berbera, waxaana…

Read More

Afhayeenka Salaadiinta Somaliland oo Markii Kowaad afka u kala furtay Khilaafka Ucid

Hargaysa 13.April 2016 (SDN/QJ):- Afhayeenka  dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Maxamuud  Xiiray ayaa waxaa markii ugu horeysay uu  ka hadley khilaafka  ka dhex taagan xisbiga mucaaridka ah ee UCID Suldaanku waxaa uu soo jeediyey in murankaasi aan loo gudbin maxkamada oo lagu dhameeyo wada hadal iyo isku tanaasul hadii ay salaadiin yihiina ay ka qeyb qaadan…

Read More

Daawo:- Aasaaskii Ciidanka Xoogga Dalka ee 12-ka Abriil oo Maanta laga Xusay Muqdisho

Muqdisho, 12, 4, 2016 (QJ/SDN) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii 56-aad ee aasaaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, taasoo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen; Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, hogaamiyeyaasha Maamul-goboleedyada dalka, saraakiil iyo xubno kale. Xuskan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa; Ra’iisul Wasaare…

Read More

DHAGEYSO: Arday Reer Somaliland Ah Oo Guulo Ka Gaadhay Tartan Caalami Oo Dalka Qatar Ka Socda

Dooxa, 12, 4, 2016 (QJ/SDN) – Dalka Qatar waxa ka socda tartan aqooneed lagu doodayo luuqadda afka carabiga kaasi oo ay ka qayb-galayaan arday ka socota in ka badan 50 dowladood oo caalamka oo dhan ah, waxaana tartankaasi qayb ka  ah arday reer Somaliland ah oo matalaysa dalka Somaliland kuwaasi oo guulo kasoo hooyay tartankaasi…

Read More

Xukunka Xabsiga Dheer Ah Ee Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid Oo Gil-gilay Masaajidda Magaalada Hargeysa

Hargeysa, 12,4,2016 (QJ/SDN) – Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha magaalada Hargeysa ayay maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ku xukuntay xabsi muddo dheer ah, kaasi oo lagu sheegay illaa Afar sanno. Inkastoo aan si rasmi ah loo garan karin mudada xabsiga lagu xukumay abwaanka maadaama aan warbaahinta loo soo…

Read More

Daawo:- Puntland Oo Deegaanadeeda Ka Mamnuucday Itoobiyaanka Loo Yaqaanno Badal-badalka

Garowe, 12,4,2016 (QJ/SDN) – Maamulka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa mamnuucday Itoobiyaanka maacuunta ku wareejiya xaafadaha magaalooyinka Puntland kuwaasoo ay Soomaalidu u taqaano Badal-badal. Wasiirka Amniga Cabdi Xisri Cali (Qarjab) oo ayaa la waydiiayy siday ula socdaan dhaq-dhaqaaqa Badal badalka Itoobiyaanka ee ku dhex wareega xaafadaha magaalooyinka waa weyn, wuxuu sheegay inay la socdaan dhammaan socodkooda….

Read More

Beesha Caalamka Oo Ka Walaacsan Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashooyinka Somaliland Iyo Muddo Kordhin Mar Labaad Loo Sameeyo Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa, 12, 4, 2016 (QJ/SDN) – Wadamada beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ee maalgeliya doorashooyinka iyo diiwaangelinta Somaliland, ayaa aad uga walaacsan dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Somaliland ee la qoondeeyay 2017, taas oo sabab u noqonaysa muddo kordhin mar labaad loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen…

Read More

Daawo:- Madaxweynaha Somaliland Oo Darajooyin Ku Taxay Askarigii Dadka Ka Badbaadiyay Daadadkii Magaalada DILA

Hargeysa, 12,4,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa darajooyin ku taxay Askari todobaadkii hore daadad iyo fatahaado naftiisa ugu halligay muwaadiniin reer Somaliland oo uu daad ku qaaday degmada Dila, isagoona askarigaasi ku guulaystay in uu bad-baadiyay muwaadiniintaasi.

Read More

Madaxweyne Siilaanyo Oo 25% Dhimay Kharashaadka Miisaaniyada Qaybo Ka Mid Ah

Hargeysa, 12, 4, 2016 (QJ/SDN – Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa digreeto uu soo saaray wuxuu ku amray in la joojiyo kharashaadka ku jira miisaaniyada qaybo ka mid ah, isagoo hakinta kharashaadka ku sheegay inay sababtay abaarta dalka ka dhacday. Digreetada Madaxweyne Siilaanyo oo aan saxaafada loo baahin, wuxuu ku socodsiiyay wasiirkiisa maaliyadda Samsam Cabdi…

Read More

Wasaaradda Deegaanka Oo Sheegtay In La xidhay Dadkii Jaray Geed Ku Yaalay Suuqa Hargeysa

Hargeysa, 12,4,2016 (QJ/SDN) – Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Somaliland Eng: Maxamed Cilmi Xuseen, ayaa digniin u diray Bulshada reer Somaliland, waxaanu uga digay inay dhirta jaraan, isaga oo sheegay in cidii dhirta jarta  sharciga la tiigsanayaan, waxaanu tilmaamay inay xidheen ciddii jartay geed ku yaalay badhtamaha Magaalada Hargeysa, isla markaana ay Maxkamada soo saari doonaan. Agaasimaha…

Read More