iliyow waa mahadaa w/curiyey abwaan maxamed yaasiin maxamed ilkacase
Geeraarkan la magac baxay Hiiliyow waa mahadaa wuxuu soo baxay 17.05.1991 kii ku dhawaaqidii jamhuuriyada somaliland taasoo aan eebe ugu mahadnaqayo farxadaa iyo dhibaatadii lagu jiray ee eebe dadkii ka soo saaray taasoo ahayd nasri ilaahay umadan uu siiyey subxaana wa tacaalaaye waana kan………………….. Murtidu hayn iyo deeq Hibo weeye illaah Xikmad uu hanad siiyey…
