“Carqaladda ugu weyn ee la soo gudboonaatay shirkadda sannadkii 2013 waxay ahayd go’aankii Baanka Barclays uu ku dhawaaqay” Maareeyaha Shirkada Dahabshiil
Hargaysa 01.Jan 2014 (SDN)- Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group, mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa hambalyo iyo mahadnaq u rajeeyey macaamiisha shirkadaha, madaxda, hawlwadeennada iyo guud ahaan hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee wadashaqaynta dhow la leh shirkadaha, isaga oo sharraxaad ka bixiyey hawlihii kala duwanaa ee horumar, waxqabad iyo caqabadba lahaa ee…
