Liiska Golaha Wasiiradda Cusub Ee Ethiopia Oo La Shaaciyay iyo Tirada ay Ka Kooban Yihiin AKHRI

    Adisababa 08 Oct 2015 (SDN/QJ)-Raysul Wasaare Hailemaraim Desalegn ayaa ku dhawaaqay gollaha wasiirada ee xukuumadiisa cusub, isla markaana  xubnaha uu magaacabay ayaa u badan wasiiro ama siyaasin dawladii hore ka mid ahaa. Waxaayabaha ugubka ah waxaa ugu horeeya tirada wasiirada oo tii hore ka badan, isla markaana wasaarado hore ayaa la kala jabiyey kuwo cusubna…

    Read More

      “ Wadahadalku Waa Inuu Noqdo Mid Mar Kale La Isugu Keenayo Soomaaliya” Raysal Wasaare ku Xigeenka Somalia

      Muqdisho, 08 Oct 2015 (SDN/QJ)-Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay inay dib u billaabanayaan meerto kale oo ka mid ah wadahadalladii u dhexeeyay dawladda Somalia iyo Somaliland. Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte Qaalib oo waraysi siiyay idaacadda ku hadasha afka dawladda Soomaaliya ayaa sheegay shalay in wadahadalladan ay yihiin kuwo lagu doonayo…

      Read More

        Maayarkii Hore ee Boorama Iyo Xubno kale oo Ciidamada Amaanku Xabsiga u Taxaabeen

        Boorama 08.Oct 2015 (SDN/QJ)- Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee shalay magaalada Borama ku xidhay maayarkii hore ee Borama Saleban Xasan Xadi iyo ganacsato kale. Dadkan ayaa lagu xidhiidhiyay weerarkii  habeen hore lagu qaaday guriga badhasaabka gobalka Awdal oo ay xukuumadu ku eedaysay inuu ka dambeeyay Suldaan Wabarka duurka ku jira iyo kooxdiisa hubaysani….

        Read More

          Gabadh Soomaaliyeed oo uu Xalay Nin Oromo ahi ku Khaarajiyay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi

          Nairobi 08.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xaafadda Eastleigh (Islii) ee magaalada Nairobi, ayaa xalay waxaa ka dhacay dil naxdin leh kaddib markii nin Oromo ah oo u dhashay wadanka Itoobiya uu Tooreey ku dilay Gabar Soomaaliyeed.   Falkaan dilka ah oo dhacay abaaro 11-kii Xalay, ayaa ka dhacay agagaarka wadada Juja ee xaafada Islii,  waxaana wararku ay…

          Read More

            “Waxaan Mar kale Xukuumadda uga Digaynaa inay Wareejiso Haamaha Kaydka Shiidaalka ee Berbera” Xildhibaan Rayte

            Hargaysa 08.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo ka mid ah Xidhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay muranka wali taageen ee ku saabsan Haamaha Shidaalka, waxa uu sheegay inay Xukuumaddu sharcigii iyo Dastuurkii baalmartay, isla markaana cabudhin iyo xadhig sharci daro ah dadka muwaadiniinta ah ee Somaliland kula kacayso, runtana ay ka baqayso. Xildhibaan…

            Read More

              Fooraha 10. Novembar, Xubnaha Golaha Dhexe Iyo Madashii Muujinta Laxaadka Taageerayaasha Muuse Biixi Ee Shalay

              Hargaysa 08.Oct 2015 (SDN/QJ)- Kulan balaadhan oo la sheegay inay isugu yimaadeen Aqlabiyadda ergooyinka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE kaga  jira beelaha Subeer Awal (Sacad Muuse, Baha Muuse iyo Ciise Muuse), oo ay ku muujiyeen inay  si buuxda u taageersan yihiin murrashaxnimada madaxweynenimo ee Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay ka dhacay hoyga Green Plaza ee…

              Read More

                Midowga Africa Oo Danjire Cusub Usoo Magacaabay Soomaaliya.

                Muqdisho,8Oct,2015(QJ/SDN)-Guddoomiyaha guddiga ururka Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa maanta u magacowday wakiilka arrimaha Soomaaliya ee Midowga Afrika iyo howlgalka AMISOM, danjire Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay dalka Mozambique Ergaygan cusub ayaa bedeli doona ergaygii hore ee Midowga Afrika ee arrimaha Somalia iyo howlgalka AMISOM danjire Maman Sambo Sidikou oo u dhashay dalka…

                Read More

                  Mid ka Mid Ah Odayaashii Dhaqanka Ee Soo Xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Xalay lagu toogtay Magaalada Muqdisho.

                  Muqdisho,8Oct,2015(QJ/SDN)-Laba nin oo bastoolado ku hubeysnaa, ayaa xilligii Salaadda Maqrib ee xalay waxay Degmada Dharkiinley Ee Gobolka Banaadir ku toogteen Nabadoon Isaaq Madaxey, oo ka mid ahaa Odayaashii Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Nabadoonka, ayaa waxay rag bastoolado ku hubeysnaa ku weerareen halka loo yaqaano Dabakaayo Madow, oo ay ka ag-dhow yihiin Ciidamada…

                  Read More

                    Dowladda Kenya Oo Soomaaliya Ka Dalbatay Inay Joojiso Dacwada Ka Dhanka Ah Muranka Biyaha Badda.

                    Nairobi,8Oct,2015(QJ/SDN)-Dowladda Kenya ayaa markii ugu horraysay dowladda Soomaaliya ka dalbatay inay iska dhaafto dacwadda ka dhanka ah Kenya ee muranka biyaha badda Soomaaliya, Kenya ayaa waxay soomaaliya ku eedaysay inay dhinaca xun ka eegtay arrinta oo isla markaanna waxba kasoo qaadin wixii Kenya u hurtay Soomaaliya. Labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay…

                    Read More

                      Masuul Ku Dhawaaqay Inuu U Sharaxanyahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

                      Hargeysa,7Oct,2015(QJ/SDN)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka Iyo Wacyi-galinta Somaliland,Maxamed Aadan Ilkacse,ayaa soo dhaweeyay Xubnaha ergooyinka ah ee Gollaha dhexe,kuwaas oo maalintii shalay Gudoomiye Muuse Biixi Qedo ugu sameeyay Hotel Hargaysa ku yaalla,iyaga oo sheegay inay taageeri doonaan marka la gaadho Xiliga Doorashadda Musharaxa Madaxweyne-nimo. Agaasimaha,ayaa intaas raaciyay inuu yahay Musharaxa Jagadda Gudoonka Xisbiga KULMIYE,marka uu kursiga…

                      Read More

                        Maxaan ka baran karnaa xarigga Weriyayaasha?. Yuusuf Garaad

                        Muqdisho,7Oct,2015(QJ/SDN)- Si wanaagsan ayaan Online ugu daawaday Doodwadaag uu fahamkeygu yahay in uu ahaa barnaamijka ay NISA ku tilmaantay lif hore ayaa laqanyo kiciya. Barnaamijka marka aan qiimeeyo aniga oo weliba ku eegaya il cillad raadis ah, wuxuu yeelan karaa laba dhaliil. Cilladahaasi waxay yihiin in Barnaamijka lagu marti qaaday laba Xildhibaan oo isku ra’yi…

                        Read More

                          Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Finland – Sawirro

                          Helisinkli,7Oct,2015(QJ/SDN)-Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug,   Mudane Cali Gacal Casir iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Helsinki Ee Caasimadda wadanka Finland,  Gudoomiyaha iyo xubnaha lasocday oo howla shaqo u yimid Finland ayaa caawo kulan laqaatay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee dalka Finland. Kulanka oo ahaa mid  ay soo qaban qaabiyeen Ururka…

                          Read More

                            Taliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland Oo Sheegay In Ay Gacanta Kusoo Dhigeen Dadkii ka Danbeeyay Falkii Ka Dhacay Guriga Gudoomiyaha Gobolka Awdal.

                            Hargeysa,7Oct,2015(QJ/SDN)-Shir jaraa’id oo uu goordhaweyd taliyaha bileyska ciidanka Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan uu ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ku sheegay hawl-gallo kala duwan oo ciidamada ammaanka Somaliland ay maanta ka fuliyeen magaalada Boorama in ay gacanta kusoo dhigeen shan eedaysane oo mid ka mid ah uu dhaawac yahay kuwaas oo lala xidhiidhinayo inay…

                            Read More

                              BOORAMA: Wiil Dhalinyaro Ah Oo Ku Geeriyooday Rasaas Ay Ciidamada Ammaanku Fureen.

                              Borama,7Oct,2015(QJ/SDN)-Magaaladda Boorame,ayaa galabta Jawi kale gashay ka dib markii uu Rasaas ay Ciidanka Amaanku fureen uu ku geeriyooday Hal Qof oo Dhalin yaro ah. Sababta dhacdadan ayaa lagu sheegay inay ka danbaysay ka dib markii Ciyaar xiiso lehayd oo dhex-maraysay Goboladda Gabiley iyo Selal ay soo dhamaatay,ka dibna ay Kooxo dhalinyaro ahi Buuq ka sameeyaan…

                              Read More

                                Wariyeyaashii Xidhnaa Ee TV-ga Universal Cawil Daahir Salaad iyo Cabdillaahi Kulmiye Oo Lasii Daayay

                                Muqdisho,7Oct,2015(QJ/SDN)-Wariyeyaashii Telefishinka Universal ee u xidhnaa dowladda Soomaaliya ayaa maanta lasii daayay, kaddib dadaallo badan oo lagu bixiyay sidii ay dib xorriyadooda ugu heli lahaayeen. Agaasimihii Bariga Afrika ee Universal Tv, C/llaahi Kulmiye Xirsi iyo Cali Daahir Salaad soo saaraha barnaamijka Dood-wadaag oo ahaa sababtii loo xidhay ayaa dib xorriyadoodii loo siiyay. Inkastoo aan si…

                                Read More

                                  Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Yemani Hargaysa Qaxoontinimo ku Joogay oo Is Gubay

                                  Hargaysa 07.Oct 2015 (SDN/QJ)-Xukuumadda Jamhuuriyadda  Somaliland, ayaa  ka hadashay nin ka tirsanaa dadka qaxoontiga ah ee ka soo qaxay dagaalada dalka Yemen oo dorraad isku hor gubay xafiiska hay’adda Qarramada Midoobay u qaabilsan Qaxoontiga ee UNHCR xafiiskeeda Hargeysa. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib u Dejinta Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, oo khadka telefoonka waraysi kooban ku…

                                  Read More

                                    Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Shahaadooyin Guddoon Siiyay Dufcaddii 4-aad Ka Qalin-jabiyay Machadka CSI

                                    Hargaysa 07.Oct 2015 (SDN/QJ)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa  ka qeyb galay xaflad balaadhan Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa, oo ay ku qalin jabinayeen 95 arday oo ka aflaxay machadka shaqaalaha  Dawladda (Civil Servervice Institute). Waxa kale oo xafladan ka soo qeyb-galay  Madaxwayne kuxigeenkii hore Cabdiraxmaan Aw Cali  Faarax, xubno ka…

                                    Read More

                                      ‘’Ciidamada Ingiriisku Haddii Ay Yimaadaan Soomaaliya Wadooyinka Ayaan Ku Gowrici Doonaa…’’ Sh. Cali Dheere

                                      Muqdisho,7Oct,2015(QJ/SDN)-Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay la dagaalami doonto ciidamada Britain ay u soo dirayso Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay tababari doona ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Ra’iisal Wasaaraha  Brtain, David Cameron ayaa toddobaadkii hore ka sheegay New York inuu 370 oo askari u dirayo dalalka Koofurta Sudan iyo…

                                      Read More

                                        “Waxan Cambaaraynayaa Falka Ka Dhacay Magaalada Borama Gaar Ahaan Guriga Guddoomiyaha Gobolka”. Cabdirashiid Xasan Mataan

                                        Hargeysa,7Oct,2015(QJ/SDN)-Musharaxa Jagadda Madaxtinimo ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Cabdirashiid Xasan Mataan,ayaa si kulul u canbaareeyay weerar xoogan oo xalay ay dablay hubaysani la beegsadeen Gurriga Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Saleebaan  Ramaax,kaas oo sababay dhimashadda Labbo ruux oo Ilaaladiisa ahaa. Dhinaca kalena,waxa uu canbaareeyay Xadhig uu sheegay in loo gaystay dad iskugu jira Ganacsato iyo…

                                        Read More