Home » 5:28 pm Entries posted on “July, 2013”

Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Awdal oo dhisme ay ku hawl gasho lagu wareejiyay

Boorama 31.July (SDN) Gudoomiyaha Gobolka Awdal Md Cabdoo Axmed Aayir ayaa maanta dhisme dawladu leedahay ku wareejiyey wasaaradda caafimaadka ee Gobolkaasi, dhismahaas oo hore ugu jiray gacanta qof muwaadin. Dhismahan oo wasaaradda caafimaadku hore u adeegsan jirtay in muddo ahna ku jiray gacanta muwaadinkaasi ayaa hawsha dib ugu soo celinta gacanta dawladda waxaa gacan ka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasiirka Deegaanka oo ka Hadashay Dhibaatooyinka Deegaanka lagu hayo

Hargaysa 31.July (SDN) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka ee JSL Marwo Shukri X Ismaaciil (Baandare)  oo maanta la hadashay warbaahinta ayaa dareen ka bixisay dhibaatada ay deegaanka ku hayaan boholaha iyo jeex-jeexyada ay sameeyaan daadadka xilli roobaadka. Marwo shukri waxa ay sheegtay in muddo dheer ay jirtay dhibaatada ay sababaan jeex-jeexyada gaar ahaan waxyeelooyinka ay u leeyihiin […]

Posted in Uncategorized | Read More »

BAAQ KU SAABSAN GANACSIGA LAGA BURBURIYEY DADKA DANYARTA AH IYO WADHATADDA MAGAALADA HARGEYSA Musharaxa madaxweynaha xisbiga ucid Jamaal ali xusein

BAAQ KU SAABSAN GANACSIGA LAGA BURBURIYEY DADKA DANYARTA AH IYO WADHATADDA MAGAALADA HARGEYSA:   (KampalaSDN)   Inkastoo ay hawshooda gudanayaan oo aan ixtiraam u hayo dawladda   hoose ee Hargeysa iyo Ciidanka Booliska, haddana indhaha kama   qarsan karno dhaawaca la gaadhsiinayo dadka dan’yarta ah ee ka   ganacsadda suuqyadda magaaladda Hargeysa. Caqliga suubani ma […]

Posted in Uncategorized | Read More »

hadaan tahriibi lahaa madaxtooyada miyaan laygu casuumeen?‏udub way tagaysaaye ha tahriibina maxa ka danbeyey!!!!!!!

asalaamu calaykum wa raxmatulaah waxaan marka hore u mahadnaqayaa dhamaan hawl wadeenada shabakadan ii suura galisay inaad aragtidayda ila wadaagtaa. marka xigta waxaan leeyay ramadaan kariim dhamaan umada muslimiinta ah. (KampalaSDN) Aan u sii durko dhinaca mawduucaygu iga xigo, sida aynu wada ognay beryahan dabe waxa inagaga qaylisiisay tahriibta ama tacabirka kaasoo si xawliya ugu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xisbiga UCID oo Xukuumada ku Canbaareeyay Xadhig iyo Jirdil ay u geysatay Muwaadiniin,iyo falal ka dhacay Suuqa Waaheen

Hargeysa July 31,2013(SDN)-Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa uu Warsaxaafadeedkan Ku Canbaareynayaa laba arimood oo aad u fool xun oo shaley ka kala dhacey D. ABDAAL ee ka tirsan Gobolka.Saaxil iyo HARGEYSA Suuqa weyn ee laga ganacsado ee Waaheen (Arinta koobaad, Xadhiga iyo Jidh dilka Loo geestey shaley dadka ku nool ABDAAL kuwaas oo fikirkooda […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xisbiga Waddani oo Xukuumadda Ku Eedeeyey Tacaddiyo Cusub oo ay Danyarta ku hayso

Hargeysa:31-july-2013 (SDN) – Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Ayaa ka dhiidhiyey Tacadiyadda iyo awood-sheegashada  kala duwan ee ay ciidamadda Booliska iyo Dawladda Hoose Ee Hargeysa  la daba taagan yihiin Wadhatada iyo danyarta Ku Ganacsadda Suuqa Waaheen Ee Badhtamaha Caasimadda Hargeysa. Masuuliyiin ka tirsan  Xisbigaasi  oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa waxa ay ku […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Kulayl xad-dhaaf ah oo Dad ku laayey Dalka Shiinaha

Beijing:31-july-2013 (SDN)ugu Yaraan Illaa 10 ruux ayaa kulayl dartiis ugu geeriyootay dalka Shiinaha oo heer kulku uu  gaadhay heerkii ugu sareeyay  ee Abid la arko sida ay Xukuumaddda dalkaasi sheeegtay.   War ay soo saartay wasaaradda caafimaadka Shiinah ayaa waxaa lagu sheegay in cimilada dalka Shiinaha ay aad u kululaatay bishan July isla markaana ay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dawladda Somaliya oo Heshiis Ilaalinta Badda iyo Tababarka Ciidanka ah la gashay Shirkad Holland laga leeyahay

Muqdisho:31-july-2013-(SDN)Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiis rasmi ah  kula Gashay shirkad laga leeyahay wadanka Holland taasoo ilaalin doonta badaha Soomaaliya.   Shirkadan oo lagu magacaabo Atlantic Marine and Offshore Group, ayaa sidoo kale loo xilsaaray tababarka ciidamadabadda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal war saxaafadeed ah oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Eng. C/raxmaan […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Masar

Caira:31-july-2013(SDN)Qaar ka mid ah kooxaha qaswadayaasha ah ee dalka Masar, ayaa Tooray qudha kaga jaray Muwaadin somaliyeed oo halkaa ku  sugnaa. Arrinta ayaa fajaciso ku noqotay dhamaanba dadka somalida ah ee ku nool dalkaas, waxana ay badankoodu haatan u tabaabulshaysanayaan sidii ay amaankooda u ilaalin lahaayeen. Marxuumkan dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi Jiray Xasan  Abshir […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xukuumadda Somalia oo Ajaanib Guryo uga dhex dhisaysa Xarunteeda Madaxtooyada

Nairobi: 31-JULY-2013(SDN) xogo u dhuun daloola  madaxtooyada somaliya, ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay guri uga dhiseyso danjiraga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambassador Nicholas Key xarunta madaxtooyada Villa Somalia. Hindisaha Arrintan ayaa timid markii dhawaan mid ka mid ah xarumaha Qaramada Midoobay la weeraray, isla markaana Sabtidii weerar lagu qaaday xarun Turkiga uu ku lee […]

Posted in Uncategorized | Read More »