Home » 2:01 pm Entries posted on “December, 2013”

Magaalada Garowe oo lagaga dhawaaqay Liiska Murashixiinta Punt land AKHRISO MAGACYADA Iyo Saamiga Gobolada { DHAGAYSO}

Garowe 31.Dec 2013 (SDN)- Gudiga ansixinta & xalinta khilaafaadka Baarlamaanka ayaa  kaga dhawaaqay xarunta Golaha Wakiilada xubnihii rasmiga ahaa ee Baarlamaanka cusub ee Puntland shanta sano ee soo socota (2014 ilaa 2018). War qoraal ah oo ka soo baxay Gudiga ayaa lagu sheegay kadib markii Gudigu arkay qoraalka beeluhu ku soo xuleen xildhibaanada iyo kala […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasaarada Maaliyada Somaliland oo Sheegtay inay Wax ka bedel ku samaysay Cashuuraha {DHAGAYSO

Hargaysa 31.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Somaliland Mudane Cabdi Casiis Maxamed Samaale ayaa maanta la Kulmay Gudidii Golaha Guurtidu u Xilsaaray Shaqaaqadii Khasaaraha Sababtay ee ka dhacay Caasimada Hargaysa isla markaana ay Sababtay Kor u Kicii Booyadaha Biyaha . Shirkan oo ahaa Mid albaabadu u Xidhnaayeen ayaa markii uu dhamaaday Waxa uu Wasiirku […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasiiro kormeer ku tegeen Wadada isku xidha Wajaale iyo Kala baydh oo 12 KM la dhamaystiray

Hargaysa 31.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Mudane Abiib Diiriye Nuur, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Bashiir Cabdi Xariir iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa maanta waxa ay kormeer ku tegeen Wadada isku […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Haweenka Puntland oo aan ku faraxsanayn qoondada ay ka heleen baarlamaanka cusub

Garowe 31.Dec 2013 (SDN)-Haweenka Puntland ayaa muujiyay sida aanay ugu faraxsanayn qoondada ay ka heleen baarlamaanka cusub ee uu yeeshay maamulka Puntland. Guddoomiyaha dalladda nabadeynta haweenka Puntland Xaliimo Maxamed Faarax ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in 66-da  xubin ee golaha wakiillada ay ku jirto hal haween oo kaliya oo lagu magacaabo Raxmo Cabdixabiib Jaamac. […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasaarada Tamarta oo ka warbixisay Waxqabadkeedii

Hargaysa 31.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada  Macdanta iyo tamarta jsl mudane xuseen cabdi ducaale ayaa maanta ka warbixiyay  waxaqabadkii u qabsoomay wasaarada tamarta iyo biyaha. Wasiirka wasaarada Macdanta iyo tamarta oo xafiikiisa shir jaraaid ku qabtay ayaa sheegay  in madaxweynaha jsl   markii uu arkay ahmiyada biyuhu ay u leeyihiin nolasha ibno aadamka in uu u sameeyay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Jaaliyadda Soomaalida ee Uk oo Xaflad soo Dhawayn ah u samayey Raysal wasaraha Cusub Cabdiwali Sheekh Axmed

London 31Dec13 (SDN) Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Uk ayaa Magaalada London ku Qabtay Xaflad soo Dhawayn ah oo ay ku soo Dhawaynayan rasul Wasaaraha  Soomaaliya Mudana Cabdi Wali Shiikh Axmed taasoo ay kasoo Qayb galayn Boqolaal Soomaali ah oo ka kala socda Dhamaan Jaaliyadaha Soomaalida ee ku Dhaqan Dalka Uk.xafladan aya waxa lagu daah furay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Mucaaradka Koonfur Sudan oo weeraray magaalo muhiim ah

Juba 31.Dec 2013 (SDN)- Mucaaradka ka soo hor-jeeda dowladda Koonfur Sudan ayaa weeraray magaalada muhiimka ah ee Bor. Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu dagaalka ka billowday waabaragii maanta meel aan ka fogayn dhismaha Qaramada Midoobay ay ku leedahay magaalada. Afhayeen u hadlay ciidanka Koonfur Sudan ayaa xaqiijiyay inuu ‘dagaal weyn’ socdo. Maanta […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Sideebay dawladu dhaqaalaha dalka u kordhisaa kharashaadka aan loo baahnayna u yaraysa

London Dec 31,2013(SDN)-Waan idin salaamay dhammantiinba dadka maqaalkan akhrisanayaw.  Horta anigu dalkii Somaliland ma degeni laakin sida ay dawladu wax u maamusho war iguma seegana oo wax walba warbaahintaan kala socda. La iskuma hayo Xukuumadan waxbadan way qabatay.    Waxana amaan mudan waxqabadkii ugu danbeeyay ee ay imika talaabsatay sida darajada Ciidamada oo dhamaan la […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dowladu xilkasnimo ayay muujisay

maalintii sabtididii waxa qeybo ka mid ah magalada hargeysa si yar uga bilaabmay bananbax ay dadku kaga cabanayeen biyo la’aan soo food saartay mudo sadex/afar maalmood ah taasoo ka dhalatay booyadaha biyaha u dhaamiya xaafadaha magaalada Hargeysa oo ka biyo diiday xeerk takaalifta ee ay xukuumadu dhawan ku so rogtay dhaman gaadiidka kala duwan, si […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Duqa magaalada Minneapolis oo Xuseen Samatar wado ugu magac daray

Minneapolis Dec 31,2013(SDN)-Duqa magaalada Minneapolis R.T.Rybak ayaa shirkiisii jaraaid ee u danbeeyay mudadii 12ka sanadooda ee uu xilka hayay ka shaaciyay in wado dhabe isku xiri doonta xaafada Africaaknku ku badan yahay iyo faras magaalaha loogu magac dari doono Allaha u naxariistee Xuseen Samatar. Xuseen ayaa ahaa ruuxii u horeeyay ee Soomaali ah ee xil […]

Posted in Uncategorized | Read More »