Home » 4:20 am Entries posted on “August, 2023”

Muuse oo Diiday in uu bulshada u cadeeyo mowqifkiisa goaamada Beesha Habarjeclo soo jeedisay

Hargeysa August 30, 2023 (QJ) – Muuse Biixi ayaa ku gacan seyray in uu shacabka u soo bandhigo aragtidiisa goaamada dhawaan ay Beesha Habarjeclo ka soo saartay khilaafaadka dalka ka jira. Goaamadan oo dad badani u arkaan qaar sharciga iyo dhaqankaba baalamarsan, ayaa Muuse uu u arkaa in aaney ka turjumeyn danihiisa gaarka ah iyo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muuse Biixi oo caafimaadkiisa laga deyrinayo ka dib burburkii ku yimi ciidamada Somaliland

Hargeysa August 27, 2023 (QJ) Sida aanu ka soo xiganay qaar ka mid ah hawlwadeenada madaxtooyada Somaliland, Muuse Biixi ayaa maalmihii u danbeeyay caafimaadkiisa aad looga walaacsan yahay. Muuse ayaa intii ka danbeysay ku dhawaaqida Jabhada Dulmidiid waxa aad u yaaraaday mudada uu seexdo, iyada oo mararka qaar aany seexan maalmo dhawr ah oo is […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Shirkii wadatagashiga 7aad oo Dhuusamareeb lagu soo gunaanaday

Dhusamreeb August 27, 2023 (QJ) – Shirkii 7-aad ee Madasha Wadatashiga Qaran ee dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka oo socday muddo labo maalmood ah ayaa maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb. Waxaa shirka ka dib laga soo saaray war-murtiyeed wadajir ah. Kulanka oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Beesha Caalamka oo war ka soo saartay colaada Sool

Muqdisho August 27,2023(QJ)-Warsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen 22 dal iyo 5 hay’adood oo Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa lagu cambaareeyay isla markaana ku baaqay in si deg deg ah xabadda loo joojiyo colaada dhawaan ka dhacday magaalada Laascaanood. “Saaxiibada beesha caalamka* waxay si adag u cambaareynayaan sii hurinta colaadda Laascaanood, oo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

HEEGO oo saxaafada Somaliland ka hor joogsatay qabsashada Goojacade iyo tebinta xaalada Sool

Hargeysa August 26, 2023 (SD) – Xukuumada Somaliland ee ciidamadeeda laga soo saaray gobolka Sool ayaa ka horjoogsatay saxaafada madaxa banaan in ay soo bandhigto xogta iyo xaalada degaanadaa. Sida ay noo xaqiijiyaan qaar ka mid ah mulkiileyaasha hayadaha warbaahinta Somaliland, kooxda dalka sida dadban u maamusha ee HEEGO ayaa ugu cagajugleysa in aaney baahin […]

Posted in news in English,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo la weeragy Ceelbuur

Muqdisho August 26,2023(QJ)-Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo guulo ka gaaray howlgallada ayaa ay uga xoreeyaan Al Shabaab dadka deegaanka Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Sida ay sheegayaan wararka degaanka ciidamada Milateriga ayaa goor dhow gudaha u galay xaafado ka tirsan magaalada taariikhiga ah ee Ceelbuur, waxaana hadda ay sugayaan ammaanka degmooyinka kala duwan ee magaaladaasi. Waxaa lagu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

SSC-Khaatumo oo degaanadooda ka sifeeyay ciidamada Somaliland

Laascaanood August 26,2023(QJ)-Kadib dagaalo xoogan oo ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ayaa waxa ay ciidamada maamulka SSC-Khaatumo ay ka saareen ciidamada Somaliland ee ku suganaa gobolka Sool. Sidoo kale, ciidamada Khaatumo ayaa sheegay in dagaalka ay ku qabteen ilaa saddex qof oo ka mid ahaa taliyeyaasha ciidamada Somaliland, inkastoo Somaliland aysan weli qiran arintaa. Colaadan ayaa si […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dagaal khaasro baaxad leh geystay oo maalintii labaad ka socda Laascaanood

Laascaanood August 23, 2023 (SDN)– Rasaas xooggan oo la is weydaarsaday ayaa goor dhaweyd laga soo sheegayaa Bariga magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Iska horimaadkan ayaa waxaa ku lug lahaa maleeshiyaad taabacsan Muuse Biixi Cabdi iyo ciidamada SSC-Khaatumo ee ku sugan gudaha magaalada. Dhinaca Galbeed ee Laascaanood waxaa mar kale ka qarxay dagaal u dhaxeeya […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muuse Biixi oo hogaan u cusub u dooray xisbiga Kulmiye

Burco August 21,2023(QJ)-Magaalada Burco waxaa ka socday muddo laba maalmood ah shirkii 8aad ee gollaha dhexe ee Kulmiye oo ay isugu yimaadeen hoggaanka xisbiga Kulmiye ee talada Somaliland haya. Shirkan ayaa intii uu socday waxa lagu caleemo saaray xubno uu soo xushay madaxweynaha Somaliland. Shirweynahan oo maanta la soo gebagebeeyey ayaa lagu doortay guddoomiyaha xisbiga iyo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ma dhabaa in Muuse Biixi uu Duyuurad ku tegey magaalada Burco iyo sababta

Burco August 19, 2023 (QJ) – Wararka naga soo gaaraya masuuliyiinta amniga u qaabilsan safarka Muuse Biixi ee Burco ayaa xaqiijinaya in Muuse duyuurad ka raacay magaalada Berbera halka masuuliyiintii safarka ku wehelineysay ay wadada mareen. Muuse ayaa tilaabadan qaatay ka dib kolkii ay madax dhaqameedka Garxajis ku guuldareysteen in ay Jebhada Gacan-Libaax ku qanciyaan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »