Home » 6:52 am Entries posted on “August, 2023”

Xasan Sheekh oo shan bilood u qabtay Al Shabaab

Muqdisho August 18,2023(QJ)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladdu ay qorsheynayso in 5 bilood gudahood lagu cirib tiro Al-shabaab. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb oo uu kaga hadlay arrimo kala duwan. Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay dejisay istaraatiijiyad dhameystiran […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Bushaaro Baandey oo xarig sharci daro ah lagu riday, caawana loo iibiyay xarigeeda

Hargeysa August 15, 2023 (QJ) – Maxkamada magaalada Hargeysa ayaa wariye Bushaara Maxamed Cali ku riday xukun hal sano oo xarig ah. Bushaara Cali Maxamed, oo haysta dhalashada Ingiriiska, ayaa 15-kii May, 2024-kii waxa ay ciidamada Boolisku ku xidheen magaalada Wajaale, oo ku taalla xuduudka Itoobiya. Waxaa lagu eedeeysay in ay faafisay warar been abuur […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Mareykanka oo duqeyn ku dilay shan Al Shabaab ah

Muqdisho August 15,2023 (QJ)-Howlgal militari oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa lagu beegsaday shir ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo ka dhacayay gobolka Galgaduud, gaar ahaan duleedka magaalada Galcad. War ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo laga sii daayay Telefishinka Qaranka, ayaa lagu muujiyay in weerarka uu ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maxaa laga filan karaa Guddiyada Beelaha HEEGO ee Muuse Biixi abaabulayo

Hargeysa August 15, 2023 (QJ) Muuse Biixi oo HEEGO dawlad aanu ka warheyn ka hoos sameysatay ayaa maalmihii u danbeeyay waday qorshe huwan dhiilo colaadeed oo lagu baneysanayo dhiiga shacabka isbedel doonka Somaliland. Qorshan oo isugu jira laaluush la siiyo madaxdhaqameedka iyo afkudhiigleyaasha siyaasadeed si ay Muuse ugu muujiyaan taageero uu moodo mid dhab ah […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muuse Biixi oo gabaad ka dhigtay Wakiilka Itoobiya si uu Berbera u booqdo

Berbera August 15, 2023 (QJ) – Muuse Biixi Cabdi oo maanta safar aan hore loo sii shaacin ku tegey magaalada Berbera ayaa la sheegay in uu halkaa u sii kaxeystay Wakiilka Itoobiya Hargeysa u fadhiya. Muuse Biixi ayaa la sheegay in uu ogaa in Jabhada Gacan-Libaax aaney marnaba weerari doonin wakiilka Itoobiya ee Hargysa Ambassador Dalil […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dawlada Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada oo dhaqaalaha ka shiray

Muqdisho August 14, 2023 (QJ) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shir ay guddoomineysay Wasaaradda Maaliyadda oo muddo labo maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho. Shirkan oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiilo ka socday dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

SSC-Khaatumo oo ka soo jawaabtay dalabkii Oofwareen, isla markaana weeraray ciidamada Biixi

Laascaanood August 13, 2023 (QJ) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ka soo jawaabay dalab shalay uga imi hogaanka Jabhada Muuse diidka ah ee ku-sugan Gacan-Libaax. Madaxa Jabhada Gacan-Libaax Gen. Maxamed Aadan Diiriye Oofwareen ayaa mar uu shalay la hadlayay saxaafada fariin u diray dagaalyahanada SSC-Khaatumo, isaga oo ka dalbaday in ay sii wadaan dagaalka ay degaanadooda […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muuse Biixi oo sii hurinaya dagaal sokeeye oo dalka ka dhaca

Hargeysa August 13,2023(QJ)-Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka kala hadlay dhacdadii 9 ka mid ah ciidamada booliska lagaga dilay dagaal dhawaan ka dhacay duleedka deegaanka Go’da yar ee magaalada Hargeysa. Waxa uu sheegay in Qaranku uu ka xun yahay dhibaatadii dhacday, waxa uuna carabka ku dhuftay in aan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Kulmiye oo ku dhiiran waayay tegida Burco inta ay xiran tahay bushaaro Baandey

Hargeysa August 09, 2023 (QJ) – Xisbiga Mucaaridka Kulmiye oo lagu wado bartamaha Bishan in uu kulan ku yeesho magaalada Burco ayaa walaac ka qaba amniga magaaladaa oo aad looga dhaliilay xadhiga wariye Bushaaro Baandey. Warar aanu heleyno oo arinkan ku saabsan ayaa la sheegay in Korneyl Muuse Biixi ay iminka hortaalo laba daran mid […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Youtuber taageereyaashii iyo Hantidii Qurbejoogta kala wareegay Xisbiga Waddani

Hargeysa August 08, 2023 (QJ) – Madaxda xisbiga Waddani ee guddo iyo Dibedba ayaa iminka uun yaqiinsaday in taageereyashoodu ka diga rogteen ka dib kolkii ay ku dhiiran waayeen iska dhicinta labada Kornel ee Hargeysa xooga ku jooga. Xisbiga ururnimada u xuub siibtay ee Waddani oo kolkii horeba aad ugu tiirsanaa taageereyaasha beesha Garxajis ayaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »