Human Rights Watch oo canbaareysay Xukunka wariye Koronto dalbatayna in la sii daayo
Nairobi March 04 2013 (SDN)– Hay’ada u dooda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch,ayaa Cambaareysay Xukunkii lagu riday wariye Cabdi-Casiis cabdi Nuur Ibraahim (Koronto), iyadoona ku baaqday in dib loogu celiyo wariyaha Xoriyadiisa. Agaasimaha Africa u qaabilsan hay’ada u dooda xaquuqda bini-adamka Daniel Bekele, warbixin uu Nairobi ka soo saaray ayuu ku sheegay in Loo…
