Madaxda Saddexda Qaran Oo Kulan Labaad Ka Yeelanaya Muranka Saami-qaybsiga Kuraasta Wakiillada & Qodobbada Xaasaasiga Ah Ee Miiska Saaran
Hargaysa 26.July 2016 (SDN/QJ):- Salaasada Maanta waxa mar kale kulmaya Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland (WADDANI, UCID iyo KULMIYE) oo Xarunta Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarka ee Hargeysa kaga wada hadlaya sidii loo furdaamin lahaa isla-markaana xal loogu heli lahaa muranka Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland oo la doonayo in mar la wada qabto Doorashada…
