Home » 8:02 pm Entries posted on “April, 2015”

Madaxweyne Siilaanyo oo xilka ka qaaday Maareeyihii Telefishanka Qaranka, masuul cusubna magacaabay, maxay tahay sababtu?

Hargeysa April, 30, 2015 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xilkii ka qaaday Maareeyihii Telefishanka Qaranka Mr. Khadar Xasan Cali Gaas, iyadoo uu Maareeye cusubna u magacaabay xilkaas. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed goordhawayd kasoo baxay Madaxtooyada, uuna ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul, Madaxweynuhu waxa Maareeyaha cusub ee SLNTV oo afka dawladda […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Mawqifka Beesha Subeer Awal ee Qabsoomid la’aanta Doorashooyinka iyo Bayaan ay u Gudbiyeen Golaha Guurtida Somaliland DAAWO

Hargaysa 30.April 2015 (SDN/QJ)- Beesha Subeer Awal waxay aaminsantahay jiritaanka iyo sugidda gooni-isutaaga qarannimada Somaliland. Waxay aaminsantahay oo ay ixtraamaysaa, kuna dhaqmaysaa dastoorka qaraanka, xeerarka iyo shuruucda u yaal Jamhuriyada Somaliland. Waxay ka soo horjeedaa cid kasta oo si toosa iyo si dadbanba uga soo horjeeda jiritaanka iyo dastoorka Jamhuriyadda Somaliland waxayna la kaashanaysaa ILAAHAY, […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gaadhi Bas ah oo Arday Tiro badan saarnayd oo uu Goor dhawayd dooxa Dacar Budhuq la Tegay

Hargaysa 30.April 2015 (SDN/QJ)- 34 Caruur ah oo uu ku jiro dareewalkii gaadhi bas ah ayaa laga badbaadiyay daad ka soo rogmaday dooxa dacar budhuq waxaana ku geeriyooday hal ardayad ka mid ahayd ardaydii la socotay baskaasi. Shabakada Qurbejoog,com ayaa Wararka ay ka helayso deegaanka dacar budhuq waxay sheegayaan Gaadhigan oo ahaa Nooca Basaska Iskuulada […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gollaha Wasiirada ayaa maanta ansixiyey magacaabista Taliyayaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta Soomaaliyeed

Muqdisho, 30, April, 2015 (SDN/QJ)- Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, kulanka ayaa looga dooday arrimaha ammaanka qaranka iyo ansixinta qaab-siyaasadeedka Amniga Hoteellada iyo Goobaha Ganacsiga iyo magaacbista Taliyeyaasha Ciidamadda Booliska iyo Asluubta. Afhayeenka XFS Ridwaan Xaaji […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Shan Jir Shan Cisho ku Hoos Jiray Burburka Dhul gariirkii Nepal oo Maanta la soo saaray isagoo Nool

Nepal 30.April 2015 (SDN/QJ)- Kooxaha badbaadada ee xarunta Nepal, Kathmandu, ayaa ka soo saaray wiil 15 jir ah oo nool hoosta burburka dhismo, isagoo ku jiray halkaasi ku dhawaad shan maalmood. Wuxuu ku badbaaday dhuun hawadu marto oo ku hoos jirtay burburka dhulgariirka. Dadka ayaa ku farxay markii dibadda la keenay ka hor intaan isbitaalka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Nuxurka Khudbadii Gudoomiye Cirro Jeediyey,Ka Dib Soo Dhawayntii Balaadhnayd Ee Uu kala Kulamay Bulsho Waynta Reer Hargaysa.+(Sawiro)

Hargaysa 30.April 2015 (SDN/QJ)- Masuuliyiinta  xisbiga wadani oo ay wahelinayaan taageerayaasha xisbiga iyo qaybo badan oo ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargaysa ayaa si wayn usoo dhaweeyey Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)oo maanta dalka dib ugu soo laabtay   Soo dhawayntan ayaa ahayd […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wariye Caan ka Ahaa Gobolka Bay Iyo Xaaskiisii Oo Xalay Kooxo Hubaysani Gurigooda Ku Dhex Dileen

Baydhabo:April,30,2015(SDN/QJ)-Kooxo Hubaysan, ayaa Habeenkii xalay Aqalkiisa ugu soo daatay, isla-markaana Toogasho ku dilay Wariye Daa’ud Cali Cumar oo kamid ahaa Wariyayaasha ugu caansan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay. Wariyaha iyo Xaaskiisa oo degenaa Xaafadda Berdaale ee Magaalada Baydhabo, ayaa la sheegayaa in ragga dilay aqalka ugu soo daateen xilli ay isaga iyo xaaskiisu hurdeen, […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ajaanib u Shaqaynayey Hay’ad Qaramada Midoobay ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Bariga Hargeysa

Hargeysa:April,30,2015(SDN/QJ)-Shil gaadhi oo ka dhacay Deegaanka Aw Barkhadle ee Bariga Magaalada Hargeysa Maalintii shalay, ayaa waxa ku dhintay Saddex qof oo midka mid ahi ahaa ajaanib u dhashay Waddanka Spain una shaqaynayey Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee FAO. Gaadhiga uu sarkaalku la socday ayaa waxay isku dhaceen gaadhi xoolo siday, taasoo keentay inuu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ninkii Caanka ku ahaa Sawir-gacmeedyada Nebi Muxamed N.N.K.H Oo Iclaamiyey Inuu Faraha Kala Baxay Hawshii Sawirrada, Kadib Weerarkii Charlie Hebdo

Paris:April,30,2015(SDN/QJ)-Ninka Caanka ku ah Sawir-gacmeedyada Lagu Aflagaadeeyo Nebi Muxamed صلى الله عليه وسلم, ee kusoo bixi jirey Wargeyska Charlie Hebdo,   ayaa ku dhawaaqay in mar dambe  aanu waxba sawiri doonin. Wakaaladda Wararka Faransiiska ayaa baahisay war ay kasoo xiganayso maamulka Charlie Ebdo Ninka lagu magacaabo Luz kaasi oo ballan qaadaya in mar dambe aanay sawir […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Tirada Xoolaha Soomaalida Ee Dalka Laga Dhoofiyey Sanadkii Dhamaaday Oo Noqotay Middii Ugu Sarraysay Ee Abid Taariikhda La Arko Iyo Cadadka Lacagta Faa’iidada ah ee Laga Helay

Muqdisho:April,30,2015(SDN/QJ)-Sida lagu sheegay Warbixin ay soo saartay Ha’yadda Cuntada Adduunka ee(FAO), waxa Dadka Soomaalida ahi sanadkii tegay ee 2014-kii ay dibadda u dhoofiyeen Tirada Xoolihii ugu badnaa ee Taariikhda lagu arkay. Warbixin ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay u dhoofisay Dalalka Khaliijka Xoolo gaadhaya 5 million, kuwaasi oo isagu jira Geel, Lo’ & Adhi, iyadoo […]

Posted in Uncategorized | Read More »