Home » 3:55 am Entries posted on “July, 2023”

Ciidamadii Muuse Biixi oo fadhiisimo muuhiim ah lagala wareegay iyo suaalo layaab leh oo uu la shir yimi

Hargeysa July 18, 2023 (QJ) – Ciidamada Muuse Biixi ka amarqaata ee ku sugan degaanada SSC ayaa maanta jab kala kulmay dagaal saacado socday oo ka dhacay duleedka bari ee magaalada Laascaano. Dagaalka maanta oo ahaa kii u kululaa ee ka dhaca aagaa todobaadyadii u danbeeyay ayaa waxa ka dhashay khaasre baahsan oo intiisa badan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Xasan oo Jowhar Booqday balse aan guddaha u gelin

Jowhar July 18,2023(QJ)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaan gudaha u gelin magaalada, waxaana la filayaa in garoonka diyaaradaha uu kulan ku dhexmaro Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Hirshabeelle. […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dawlada Soomaaliya oo hub culus iyo diyaarado ka qabatay Al Shabaab

Muqdisho July 17,2023 (QJ) – La Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Amniga, Xuseen Sheekh Cali, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay heleen xogo sirdoon oo muhiim ah oo u sahlaya inay fuliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Xuseen Sheekh Cali oo ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Guddida dorashooyinka Somaliland oo isku khilaafay Jadwelka Doorashooyinka

Hargeysa July 17,2023(QJ)-Komishanka leexsan ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa goor dhawayd soo saaray Jadwalka Doorashada Madaxtooyada iyo Ururada Siyaasadda ee dalka oo muddo dheer dib u dhac ku yimi, ka dib markii uu hore Muuse Biixi Cabdi uga biyo diiday qabsoomida Doorashada. Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in doorashada ururada siyaasadda la qaban doono 28-ka bisha […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Mareykanka oo soo dhaweeyay wadahadaladii madaxda Soomaalida ee Muqdisho

Muqdisho July 17, 2023 (QJ) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay taageersan tahay shirkii dhawaan Muqdisho ku dhexmaray madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madax hore ee dalka. Kulanka ayaa laga soo saaray heshiisyo dhowr ah oo muhiim ah oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka. Sida ay sheegtay safaaradda Mareykanka ee […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Heyada WHO oo canbaareysay duqeymaha Somaliland ee Laascaanood

Hargeysa July 15,2023(QJ)-Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa canbaareysay weeraradii ugu dambeeyay ee ciidamada Somaliland ku qaadeen cisbitaalka magaalada Laascaanood. Agaasimaha guud ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa bartiisa Twitter-ka ku muujiyay walaaca uu ka qabo weraradaasi, wuxuuna caddeeyay in dad rayidka ah iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka ay naftooda ku waayeen weerarka. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Guddida Doorashooyinka Muuse Biixi oo ku dhawaaqaya Doorashooyinka Ururada dhawaan

Hargeysa July 13, 2023 (QJ) – Sida aanu warar kala duwan ku helay, Guddida Doorashooyinka Muuse Biixi in ay dhawr maalmood gudahood ay ku dhawaaqi doonaan nooca iyo xiliga Doorosho ee dalka ka dhaceysa. Ilo wareedyado ka agdhow Guddida Doorashada Muuse Biixi ayaa inoo sheegay in Guddida Doorashooyinka dalka ay ururada iyo Xisbiyada dalkaba u […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muuse Biixi oo Ciidamdii beeshiisa kala baxay Sool iyo Dagaalkii oo ku fiday degaanada Habarjeclo

Hargeysa July 13, 2023 (QJ) – Warakii ugu danbeeyay ee xaalada Sool ayaa tibaaxaya in dagladii ku kobnaa degaanada Laascaanood iyo duuleedyadeeda ay haatan ku fideen dhulka Beesha Habarjeclo. Arintan ayaa imanaysa ka dib kolkii Madaxweynaha bilaa sharciga talada ku heystaa uu ciidamadii iyo hubkii u badnaa ee beeshiisa uu ka soo saaray aaga Laascaanood, […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maxkamada sare oo iska diiday ka garnaqa Muranka Doorashooyinka

Hargeysa July 10,2023(QJ)-Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, ayaa ku gacan saydhay tafsiirkii ay codsadeen Komishanka Doorashooyinku, ee ku saabsanaa khilaafka ka dhashay khariidadda doorashada. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ay Maxkamaddu soo saartay, waxay ku gacan-saydhay codsigii Guddida Doorashooyinka ee 7-dii April 2023, oo ay ku sheegtay inaanu khuseyn Maxkamadda Sare, maadaama oo ay khusayso khilaafyada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muuse oo Habarjeclo ku wargeliyay in ay dagaalka Laascaanood beelahaan ula wareegaan

Hargeysa July 10, 2023 (QJ) – Madaxweynaha muda dhaafka xilka Somaliland  ku jooga ayaa la sheegay in uu dhawaan kulan Xaafadtooyada Hargeysa isugu yeedhay madaxda xukuumadiisa uga jira beesha Habarjeclo. Kulanka ayaa la sheegay in Muuse Biixi ugu sheegay beesha Bariga Burco in aanu kharash u heyn dagaalka Laascaanood ka socda lixda bilood ee ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »